Sign in to follow this  
Deeq A.

Habdhaqanka Imaaraadka oo jahwareer ku riday dheelitirka siyaasadaha Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-iyo-imaaraadka.jpg?fit=2048

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkii hore, oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saaxiib dhow la ah Imaaraadka Carabta, ayaa u suurta galisay in Imaaraadku uu dib uso ceshado saameyntii uu ku lahaa Soomaaliya oo aad u yaraatay inti uu xilka hayay maamulkii hore ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. 

Galaan-galki siyaasadeed iyo tii ciidan ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa tan iyo wixi ka dambeeyay doorashadi Xasan Sheekh dib usoo noolaatay una si ballaaratay. 

Hase ahaatee, in madaxweyne ay saaxiibo yihiin uu dib xilka madaxtinimada Soomaaliya u qabto ma aysan noqon mid ku filnaata dowladda Imaaraatka, oo dib u billowday dhaqan siyaasadeedkii adkaa ee ka waday Soomaaliya, taasi oo keentay in dowladda Madaxweyne Maxamuud ay gasho xaalad adag oo jahawareer ku riday siyaasadda madaxweyne Xasan ee isku dheellitirka xiriirada ay la leedahay Imaaraadka iyo quwadaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamka. 

Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha ku sameystay maalgashiga weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo shirkadaheedu ay ku hawlan yihiin la wareegidda, maamulidda iyo dhismaha dekedaha dalka. 

Hase ahaatee, ku lug lahaanshaha siyaasadda iyo milateriga ee Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa ah mid muran badan dhaliyay. 

Dawladda Khaliijka ayaa lagu eedeeyaa inay farogelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana ay taageerto maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Waxa kale oo ay isku dayaysaa inay tababarto, oo ay qalabayso ciidamo Soomaaliyeed ee ka madax banaan taliska ciidanka dawladda, kuwaas oo loo arkay inay khatar ku yihiin madax-banaanida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa isku dayday inay isku dheelli tirto xiriirka ay la leedahay Imaaraatka Carabta, iyadoo sidoo kale qiimeyneysa xiriirada kale ee ay la leedahay quwadaha kale ee gobolka iyo caalamka, sida Turkiga iyo Qatar. Dalalkan ayaa Soomaaliya ka caawiyay dhinaca horumarinta iyo maalgashiga, iyagoo sidoo kale taageeraya dowladda iyo ciidamada qalabka sida sanado badan.

Laakiin Soomaaliya ayaa kala kulmeyea culeysyo badan siyaasaddeeda isku dheelitirka iyo qorshaheeda siyaasadda dibedda noqday mid aad u adag, kadib markii uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo quwadaha kale ee gobolka. 

Tusaale ahaan, Imaaraadku iyo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku khilaafsan habka uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga iyo qeybaha kale ee xiriirada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo waddamo kale. 

Arrintaasi ayaa u muuqata mid galineysa xaalad Soomaaliya oo halis ugu jirto inay dhexda u gasho loolanka awoodeed ee gobolka, gaar ahaan kan u dhaxeeya Imaaraadka, Qatar iyo Turkey oo uu tartan adag ka dhaxeeyo waqti aad u dheer. 

Dhanka Soomaaliya, haddii ay si aad ah ugu dhowaato Imaaraadka, waxay halis u tahay inay ka fogaato saaxiibada kale ee muhiimka u ah. Sido kale, haddii ay iska fogeyso Imaaraadka, waxay halis u tahay inay lumiso maalgelin iyo taageero qiimo leh. 

Sida ay qabaan khubarada Geeska Afrika, Soomaaliya waxay u baahan tahay diblomaasiyad taxaddar leh iyo in si dhab ah loo wajaho xiriirka ay la leedahay quwadaha gobolka, iyadoo loo baahan yahay in la miisaamo faa’iidada ku jirta maalgashiga dhaqaale iyo taageerada militari ee Imaaraadka Carabta iyo khatarta ka iman karta faragelinta siyaasadeed ee ay waddo dowlada Imaaraatka Carabta.

Siyaasadda gacan-maroojiska ah

Imaaraatka Carabta ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamuud billowday hirgalinta siyaasad gacan maroojis ah, oo ku wajahan Soomaaliya, taasi oo ay uga gol leedahay inay ku ballaariso galaan-galka ay ku leedahay dalka, islamarkaana ay uga hortagto saameynta iyo danaga istaraatiijiyadeed ee dowladaha kale ay kaleeyihiin Soomaaliya.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya laga fahmi karo marka la eego ujeeddooyinka Istaraatijiyadeed ee ballaaran ee ay ka leedahay Gobolka, oo ay ka mid yihiin ka-hortagga saameynta Qatar, iyado ku fara adeygeysa helitaanka iyo gacan ku dhigista dekeddaha muhiimka ah iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah, si ay horumariso danaheeda dhaqaale. 

Arrimaha ugu muhiimsan ee siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahan Soomaaliya waxaa ka mid ah maalgashiga ay ku sameynayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedda magaalada Berbera. 

Sido kale, Imaaraadku waxa uu dhaqaale badan ku bixiyey balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Boosaaso, iyada oo ujeedadu tahay in ay noqoto mid xudun u ah ganacsiga iyo siyaasada gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.

Imaaraadku waxa kale oo uu damcay in uu saldhig milatari ka samaysto Berbera, kaas oo u sahlaya in awood iyo saamayn ku yeesho mandaqada – hase ha ahaatee, waxa tan iyo wakhtigaas wixi ka dambeeyay ay lumisay gacan ku heynti saldhiga milatari kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu laalay heshiiski saldhigaasi ee Imaaraadka. 

Siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay beesha caalamka, iyadoo dalalka qaarkood ay soo dhaweeyeen maalgashiga Imaaraadku ku sameynayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, balse qaar kale ayaa walaac ka muujiyeen saameynta sii kordheysa ee uu Imaaraadku ku yeelanayo Soomaaliya. 

Khubarada qaar ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay sii socoshada maalgashiga Imaaraadku ku sameynayo Soomaaliya, iyadoo la eegayo caqabadaha Imaaraatka ku hayo Soomaaliya oo cadaadisyo kala kulmeyea isku dheeli tirka xiriiradeeda ee waddamada kale oo ay dowladda Imaaraadku dooneyso iney iyada jaan goynteeda yeelato taasi oo ku riixi Soomaaliya heer ay iska diido marka dambe. 

Culeyska Imaaraadka Carabta 

Imaaraadka Carabta ayaa si firfircoon ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya tan iyo markii ay dalka ka billowdeen dagaalladii sokeeye 1991. Imaaraadku sanadihii la soo dhaafay waxa uu Soomaaliya u fidiyay gargaar bini’aadannimo, taageero ciidan, iyo maalgashiga mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha. Hase ahaatee, sannadihii u dambeeyay, faragelinta Imaaraadku ku leeyahay Soomaaliya ayaa noqotay mid aad loo hadal hayo. 

Arrinta xiisada ka dhex abuurtay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta waxaa ka mid ah Saldhiga Milatari ee ay Imaaraadku marhore ka dhiseysay magaalada Berbera. 

Dowlada Soomaaliya ayaa tallaabadaasi u aragtay xiligaasi mid xad-gudub ku ah qarannimadeeda, waxayna ku eedeysay Imaaraadka inay saldhiggaas u adeegsadaan faragelinta arrimaheeda gudaha. Imaaraatka ayaa dhagaha ka fureystay arrintaas taasi oo keentay; in Soomaaliya ay mamnuucday in diyaaradaha Imaaraatka Carabta ay ka soo degaan garoomadeeda, waxayna joojisay qandaraas ay kula jirtay shirkadao laga leeyahay Imaaraadka oo ka shaqeyneysay dekedda Muqdisho.

Arrinta kale ee Soomaaliya welwelka ka qabta ayaa ah taageerada Imaaraadku siiyo maamulka la baxay Somaliland. Imaaraadku waxa uu dhaqaale badan galiyey Somaliland oo ay xataa la saxiixatay heshiis u ogolaanaya in Imaaraadku maamulo dekedda Berbera. 

The post Habdhaqanka Imaaraadka oo jahwareer ku riday dheelitirka siyaasadaha Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this