Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Canada iyo Maraykanka oo heshiis ka gaadhey la dagaalkanka dadka tahriibeyaasha ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Canada iyo Maraykanka ayaa gaadhey is afgarad ku wajahan la dagaalkanka dadka tahriibeyaasha ah ee labadaa dal isaga gudbi jirey.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shegay in ay Raysal wasaaraha Canada ka wada hadleen sidii loo joojij lahaa dadka tacbirka ah ee isaga kala tallaaba xuduudaha labadaas kuwaas oo taga marba dalkii ay dantooda ka dhex arkaan.

Tan ayaa ka dhigan in guud ahaan halkaas lagu joojinayo qulqulka dadkii Maraykanka ka iman jirey ee tegi jirey waddanka la jaarka ah ee Canada.

Xilli ay sannadkii ugu dambeeyey xuduudaha labadas dal isaga tallaabeen dad lagu qiyaaysay 40 kun oo qof.

Soomaalida ayaa ka mid ahayd dadkii u kala aag beddelan jirey Canada iyo Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this