Sign in to follow this  
Jalaato

MISHIIN LAGU DAABACO LACAGTA OO DIYAARAD LALA SAARAY WAFDIGA DOWLADDA EE AADAY SOOMAA

Recommended Posts

Jalaato   

Nairobi - Kenya

 

Mishiin casri ah oo ah kuwa loo adeegsado daabacaadda looguna talo galay in lagu daabaco lacagaha ayaa la xaqiijiyey in maanta diyaarad lala saaray wafdi ka socday Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Mishiinkaas oo ay Nayroobi ka iibsadeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa saakay durba la geeyey Muqdisho iyadoo la sheegayo in lacagaha lagu daabaci doono ay ka mid yihiin tan Soomaaliga, Birta Itoobiya, shilinka Kenya iyo doollarka Ameerikaanka, waxaa kale oo la socdo daawooyinkii iyo qalabkii uu ku shaqeyn lahaa mishiinkaas, iyadoo nin u dhashay dalka kenya-na horey loogu sii diray Muqdisho si uu ugu shaqeeyo.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in aaney saraakiisha dowladda ee u socday Muqdisho aaney ka warqabin arrintaas, iyadoo marka uu howlgalo mishiinkaas ay dalka ku baahi doonto dhibaato weyn oo la xiriirta dhinacyada sicir bararka iyo kuwa kale.

 

Ganacsatada wadda howshaas raridda mishiinka ayaa waxaa ka mid ah kuwo caan ku ah dhoofinta dadka bilaa sharciga ah ee IS XAMBAARKA ee dalalka dunida leysaga tillaabiyo si bilaa dokumenti ah.

 

F.G:- Bahda Midnimo waxey dadweynaha ogeysiineysaa in ay foojignaadaan si aysan ugu dhici qadashada lacagta faalsada , waxaa kaloo hayadaha xawaalada looga digaa in aysan dadweynaha ugu sarifin lacagah lagu sameyn doono mashiinka oo aysan noqon hay'ado lacagaha lagu dhaqo ama lagu qaybiyo.

 

Waxaan ka helnay ilo xog ogaal ah oo ku sugan Nairobi, Kenya

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haddad   

Originally posted by Jalaato:

Mishiin

This must be a new anglicized Somali word. The one I know is: makiinad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haddad   

Originally posted by Bishaaro:

Haddad: Mishiin = Machine, no?

Yes. But, I have never seen it used recently and prior the civil war, especially in publications.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this