Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Wadatashiga Ballaarinta Warfaafinta Labada Heer oo Ka Furmar Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daud Aweis Jaamac iyo Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Seyid Aadan ayaa maanta wadajir u furay shirka wadatashiga ballaarinta idaacadaha dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta warbaahinta dowladda, gaar ahaan Raadiyaha oo ah aalad ay bulshada si fudud u heli karto miyi iyo magaalo.
Waxaa shirkan ka qeyb galaya wasiirrada warfaafinta dowlad goboleedyada, Agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada heer ee dowladda.
Waxaa shirkaan marti galinaya wasaaradda, wacyi-galinta iyo dalxiiska ee Jubbaland, wuxuuna socon doonaa laba maamlmood.
Wasiirrada warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha warfaafinta gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay qabashada shirkaan, xilligan muhiimka ah ee dalku ku jiro hawlgal dar-dar ku socda oo lagu xoreynayo deegaanada ay haraadiga ku yihiin kooxaha khawaarijta ah.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in shirkan ujeedkiisu yahay in ay hay’adaha warfaafinta labada heer ee dowladda ay iska waraystaan ballaarinta idaacadaha, qeybaha kala ee warbaahinta dowliga ah iyo sida ay wasaaradaha isaga kaashan karaan ka wacyi galinta bulshada qatarta fikirka kooxaha khawaarijta ah ee Alshabaab iyo Daacish.
Mudane Maxamuud Seyid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ahmiyad gaar ah leedahay xoojinta warbaahinta dowliga, si kor loogu qaado fahamka bulshada ee dowladnimada iyo gudbinta fikirka saxda, wuxuuna rejo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay ka soo baxaan najtiijooyin loo aayo.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this