Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland sheikh adan siiro i will fight against alshabaab

Recommended Posts

Naftayda, Maalkayga iyo Waxaan Aqoon Leeyahay Waxaan u Hurayaa in aan Kula Dagaallamo Al-shabaab”

Sheekh Aadan Siiro oo dhaliilo iyo ammaan isbarkan u jeediyey xukuumadda Siilaanyo, wadaada Somaliland-na ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan dagaal-diimeed

 

Hargeysa (Jam)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siiro), ayaa wacad ku maray inuu naftiisa iyo maalkiisaba u huri doono sidii uu Somaliland uga difaaci lahaa kooxda xagjirka ah ee ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-shabaab.

 

Sheekh Aadan Siiro waxa kale oo uu ugu baaqay culimada Somaliland inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa dagaal-diimeed laga dhex bilaabo Somaliland, isagoo culimada waaweyn ee dalka u soo jeediyey inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan dagaal-diimeedka ka socda Soomaaliya.

 

“Dagaalka diimeed ee ka socda Muqdisho ee nimanka loo yaqaan Al-shabaab hoggaaminayaan maaha dagaal sax ah ee waa dagaal khaldan, waxaan is leeyahay waa dad soofdaro-habaabay oo dariiqii saxda ahaa meel allaale meel ay ka hayaan aanay jirin, caalimkii, aqoonyahankii iyo taajirkii bay dilayaan, qof kasta oo nin-door ah oo yidhaahda waar arrinkaasi wuu khaldan yahay aye dilayaan. Waxaan leeyahay culimada Somaliland arrintaa mowqif cad ha iska taagaan, Somaliland nabadgelyo buuxda ayey haysataa oo waad ogtihiin 4 habeenimo ayuu qofku soconayaa in kuwaa la gala dagaalamaa waa waajib. Naftayda, maalkayga iyo waxaan aqoon leeyahay waxaan u hurayaa in aan kula dagaalamo kuwaas [Al-shabaab] Somaliland in aanay dumin wax kastoo ay igu qaadanayso, culimadana waxaan ugu baaqayaa yaanay noqonin waa aragti wadaadka Aadan-siiro leeyahay, laakiin ha noqoto aragti ay taagan yihiin culimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa looga fadhiyaa inay Somaliland difaaceeda mowqif cad iska taagaan, waxa looga fadhiyaa dagaal diimeed oo Somaliland laga abuuro mowqifka ay ka taagan yihiin, waxaan kula talinayaa kuwa maanta Hargeysa hantida badan ku haysta ee wadaadada ah, kuwa baabuurta cadcad ku haysta ee dadka ugu muuqda ee wax ku noqday Somaliland ee ka hor intii aanay Somaliland jirin baabuur cad, guryo iyo muuqaal badan aan lahayn waxaan leeyahay waar dalkiina ka difaaca dagaal diimeed oo yimaad oo intaynu hadhaw is qoomamayn lahayn,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro oo khudbad u jeediyey kumanaan qof salaaddii Ciiddul-fidriga ku tukanayey garoonka xaafadda Xawaadle ee degmada 26-ka June.

 

Sheekha oo khudbdiisa kaga hadlay qodobo kala duwan, waxa uu ammaanay Nadaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dadka aqoonta iyo wanaaga la bidayo, hase ahaatee waxa uu dhaliilay qaab-dhismeedka xukuumaddiisa oo uu sheegay inay wax badan laga tabayo, waxase uu shacabka ugu baaqay in la taageero oo fursad ay wax ku qaban karto la siiyo.

 

Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la tabanayaa in dad badan oo aqoon iyo karti leh oo dalka qiimo ku leh aanay ku jirin xukuumadda, sidaa daraadeed waxaynu aad u faraynaa in dadkaasi laga qaybgeliyo. Waxaynu ku dhaliilaynaa xukuumadda maanta jirta tiro yaraantii in aanay jirin oo la magacaabay xukuumad 50 xil ah, isla markaasi haddana beelihii qaar badani dhiman yihiin, dadku waa qabaa’il, kala gobolo iyo kala degaan, waxaynu kula talinaynaa xukuumadda in dadka la ururiyo oo aanay dadku iska waayin kol haddii tiradii la badiyey, si dadka la isugu hayo.

 

Walaalayaal xukuumaddaas aynu is barbartaagno. Waxaan kula talinayaa beelaha Somaliland waar nin walowba afmiishaarkaaga ka adkaw sannad oo dawladdaasi aynu fursad siino oo dacaayadda ha laga daayo, toosintu waa halkeeda oo waa ta aynu taaganahay, laakiin warkeena Madaxtooyada yaalaa ha asturnaado oo yeynaan suuqa keenin.”

 

Aadan-siiro waxa uu xukuumadda kula dardaarmay inay culayska ugu wayn saarto shaqo-abuuris loo sameeyo dhallinyarada oo uu tilmaamay inay yihiin xoogga dalka, balse haddaanay shaqo helin dibadad uga bixi doona.

 

“Waa in dhaqaalaha la kobciyaa, laakiin dhaqaalaha oo la kordhiyaa maaha in Wasiirka Maaliyaddu dadka ku soo rogo cashuur saa’id ah iyagoo bakhtiyaya oo aan shaqo hayn, waxaannu leenahay cashuurta ha la dhimo si dekedda Berbera u noqoto meel Geeska Afrika oo dhan dhaqaalihiisu ka soo dego.”

 

Sheekhu waxa uu soo jeediyey qorshe lagula dagaallami karo faqriga, waxaannu yidhi, “Walaalayaal ina farayaa in aynu isku naxariisano. Dalkeennu waa dal yar oo faqiir ah. Waxa loo baahan yahay in 20 guriba is abaabulaan oo shanta guri ee ku dhex bakhtiyaya ha caawiyaan, muxuu ku yeelanyaa kiiloo bariis ah haddii aad rufuc soo qaadato, muxuu ku yeelanaa kiiloo sonkor ahi haddii aad rufuc soo qaadato in aad bixiso, sidoo kale kiiloo daqiiq ah, markaad bal 20 guri oo min saddex kiiloo bixiyey waa 60 kiiloo wax bay u tarayaan shanta guri eek u dhex nool.”

 

Ugu dambayn, Sh. Aadan-siiro waxa uu si kulul u cambaareeyey baadiri Maraykan ah oo dhawaan sheegay inuu gubayo nuqulo ka mid ah Kitaabka qu’aanka kariimka ah.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this