Sign in to follow this  
xiinfaniin

TFG oo aqbashay heshiiskii Ahlusunnah

Recommended Posts

Xukuumadda Soomaaliya oo aqbashay go'aannadii lagu gaaray shirkii ay kula yeesheen dalka Itoobiya Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca

 

Jimco, Mar 05, 2010 (HOL) Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqbashay gabi ahaan qodobbadii kasoo baxay wadahadalladii Dowladda iyo Ahlusunna ku dhexmaray dalka Itoobiya, kaasoo ay ka qaybgaleen Ururro caalami ah, sida IGAD.

 

Shir Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay shalay gallinkii dambe ku yeesheen Muqdisho uuna shir guddoominyay Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa lagu dhageystay qodobbadii kasoo baxay heshiiskaas.

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda uga qaybgalay heshiiskaas ayaa shirka ka aqriyay heshiiska oo aan weli la saxiixin isagoo xusay inay goobjoog ka ahaayeen heshiiskan ururro caalami ah.

 

"Heshiiskan wuxuu dhigayaa in Ahlusunna ay si toos ah uga mid noqoto dowladda, waxayna intii ay wadahadalladu socdeen muujiyeen sida ay uga go'an tahay inay heshiis awood-qaysi ah la gaaraan Dowladda" ayuu shirka ka sheegay Wasiika Maaliyadda.

 

Afhayeenka Xukuumadda C/qaadir Maxamuud Walaayo ayaa markii uu shirka dhammaaday sheegay in heshiiskan ay ku baxday lacag gaaraysa 10-Milyan oo Dollar, ayna dhinacyadii gaaray dib ugu laaban doonaan dalka Itoobiya si ay u saxiixaan.

 

Ururka Ahlusunna ayaan weli wax jawaab ah ka bixin heshiiskaas, iyadoo guddigii matalayay ay todobaadkii hore ku laabteen Gobolka Galguduud oo ay gacanta ku hayaan, waxaana heshiiskaan haddii uu hirgalo ay fursad weyn u tahay Dowladda.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka halay qodobbada lagu heshiiyay ayaa sheegay inay yihiin kuwo ay dowladdu meelmarinayso, isagoo kooxaha kale ee kasoo horjeeda ugu baaqay inay wadahadallada kusoo biiraan

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

heshiiskan ay ku baxday lacag gaaraysa 10-Milyan oo Dollar, ayna dhinacyadii gaaray dib ugu laaban doonaan dalka Itoobiya si ay u saxiixaan.

looool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wey aqbashey kulaha, as if they had a choice. the only reason the meeting was held in adis ababa is the TFG and the qaadiriya could not agree on their own soil, so they were coerce to make an agreement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this