Sign in to follow this  
Jacaylbaro

New Prime Minister for Somalia

Recommended Posts

Muqdisho: 17, May.10 ( Sh.M.Network) Kadib shir jara’iid oo ay Saxaafada u qabteen goordhow madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa Saxaafada horteeda isku casilay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe iyadoo Madaxweynahana uu shirkaasi ka sheegay in uu si deg deg ah u soo magaaabi doono Ra’isul wasaare cusub oo soo dhisa Xumuumad tayo leh oo uu ku jiro Aadan Madoobe.

 

Madaxweyaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhinaca kale ugu baaqay baarlamaanka KMG ee Soomaaliya in ay si deg deg ah soo doortaan gudoomiye cusub oo uu yeesho Baarlamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

iyadoo Madaxweynahana uu shirkaasi ka sheegay in uu si deg deg ah u soo magaaabi doono Ra’isul wasaare cusub oo soo dhisa Xumuumad tayo leh oo uu ku jiro Aadan Madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg-Deg ah: Xukuumaddii Sharmarke iyo Guddoonkii Baarlamaanka oo Dhacay

 

 

Waxaa maanta shir saxaafadeed ku qabtey Magaalada Muqdisho Shiikh Adan Madoobe iyo Adan Madoobe, Shiikh Adan Madoobe waxa uu sheegay in uu xilkii Guddoomiyaha Iska casiley, isla markaana uu u gudbiyey Istaqaaladiisi madaxweynaha Dawladda.

 

Madaxweyne Shariif oo isaguna la hadley saxaafadda ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo iscasilaada Adan Madoobe, waxaana uu sheegay in sidoo kale Xukuumaddii ay jiritaan beeshay gebi ahaanba, isla markaana uu soo magacaabaayo Raysalwasaare cusub, Madaxweynaha ayaa sheegay in arintaani ay xal tahay khilaafkana soo afjarayso, waxaana uu sheegay in xukuumadda cusub uu ka mid noqon doono Adan Madoobe!!.

 

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada ugu baaqey in ay soo doortaan guddoomiye cusub marka ay soo doortaan, waxa aan soo magacabaayaa ayuu yiri Madaxweynuhu Raysalwasaare cusub.

 

Waxaa hadda shir albaabadu u xiran yihiin u socdaa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha uu sheegay in xilkii uu ka dhacay oo hadda qof caadi ah.

 

Arintan ayaa dhanka kale isu rogtey, waxaana dhici karta arin hadda ka hor Horseed Media ka hadashey in ay soo baxdo taas oo ah in Baarlamaanka loo doorto qof ka soo jeeda Beelaha *******, halka Raysalwasaare uu noqon karo qof ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

 

Hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Federaalka, ee ah in xukuumaddii jiritaan beeshay Raysalwasaare cusubna soo magacaabi doono ayaa dhici karta in ay tahay mid lagu qancinaayo xildhibaanada taageersan Shiikh Adan Madoobe, iyo Adan naf ahaantiisa, si loo soo afjaro khilaafka Baarlamaanka, waxaana Madaxweynuhu uu awood u lee yahay in uu dib u soo magacaabo Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo manta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu kala diray xukuumaddii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Cumar Cabdiashiid Cali Sharmaarke, isla markaana uu muddo kooban gudahood ku soo magacaabi doono xukuumad cusub oo waxtar leh.

 

Madaxweyne Shariif oo xilliga uu saxaafadda la hadlayay uu garab fadhiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxa uu sheegay in markii uu arrinta dhinac walba ka eegay ay u soo baxday in uu qaato go’aankan uu ku kala dirayo xukuumadda ra’iisul wasaare Sharmaarke, wuxuuna intaasi ku daray in xukuumadda cusub ee la dhisi doono uu qeyb ka ahaanayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

 

Sidoo kale madaxweyne Shariif waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka muddada dheer ka dhex aloosnaa xubnaha mudanayaasha baarlamaanka balse uu soo afjarmay xilligan wixii ka dambeeya, wuxuuna ugu baaqay baarlamaanka inay dedejiyaan doorashada guddoon cusub oo uu baarlamaanka si loo gudo galo hawlo badan oo uu sheegay inay hor yaallaan dawladda.

 

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay duqeymihii ay dadka ku waxyeeloobeen ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray inay soconayaan baaritaano ku aaddan sida ay duqeyntaasi u dhacday, isagoo dhinaca kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan ammaanka iyo nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

parliament speaker Sh. Adan Madobe officially resigns in a press conference with Sh. Hotel.

 

Sh. Hotel says he will appoint a new Prime Minister as soon as possible.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Not that anyone noticed the last Prime Minster. I bet he kept falling asleep in cabinet meetings.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Lets hope the next one will be a Nur Cade to this fat Geedi with Yemen hosting another Somali president. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Well, he definitely had high expectations..... probably too high. He's a good man though.

 

Somalia's ability to go through leaders definitely gives them one benefit in that it helps them on the international stage, unlike NW Somalia that has had the same guy years after his initial term expired and the only way leaders change is through death, add the fact that both opposition leaders belong to the same dominant family, the TFG on the other hand is able to bring new people in from all over the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ For the avoidance of any doubt, Thankful, if PM Cumar was from SL I would still have made fun of him, saaxib. He was the most useless Prime Minster Somalia EVER had. I bet he still doesn't know he has been sacked (that's how much detached from things this baaldi was). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

But like I said they will leave when their term expires, Riyaale was elected in but someone is able to get his term extended over and over again. He has achieve not a single thing for recognition yet is still in power, not one country still.

 

But you want to point out Omar or Sharif's policies. Come, Riyaale is in the same boat and even worse since he is staying in years after he should have gone.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ I think Sh Sharif wanted to sack him a year ago but wuu ka xishoonayay.

 

------------------------------------

30/04/2009

 

Sh. Sharif: Cumar, I don't know how to say this but I think you have to..

 

Cumar: resign?

 

Sh. Sharif: No. No. Eeen. I think you have to ditch the tie, like me!

 

--------

30/09/2009

 

Cumar: Mr President, I don't know how to say this but I think I should..eeeen..I should..

 

Sh. Sharif: You want to resign?

 

Cumar: Eeeen..err..

 

Sh. Sharif: Please don't tell me you want to resign, Cumar?

 

Cumar: Maya..maya..maanta maxaad kariseen?

--------------

 

26/02/2010

 

Sh. Sharif: Cumar, ma run ba? I heared you wanted to resign!

 

Cumar: Haaa, madaxwayne. I feel someone else can do the job better?

 

She. Sharif: You think you do not have the ability for the job miya?

 

Cumar: maya, madaxwayne. I know I can do the job but, with all the problems you have right now, I thought I'll give you the option to give someoene else the job.

 

Sh. Sharif (with fake camiraad): nonsense. You are good.

 

 

Cumar: you really think so?

 

Sh. Sharif (regretting it): Yes. Yes. Don't resign.

 

Cumar: Ok.

 

-------------------

18/05/2010 (yes I know it's tomorrow)

 

Sh. Sharif: Hello. Hello.

 

Cumar: Hello madaxwayne. Why are you phoning me at this time?

 

Sh. Sharif: warka lama socotid miyaa?

 

Cumar: Maya, maxa dhacay? Did Al Shabab take over Villa Somalia?

 

Sh. Sharif: Maxaad sameen laheed if they did?

 

Cumar: I'll mobilise the army and evict them.

 

Sh. Sharif: and you think the army will listen to you?

 

Cumar: YES. I am the PM.

 

Sh. Sharif: War I sacked you yesterday, technical bila qori yaho....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this