Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Update on International Somali Woman's conference: pics

Recommended Posts

Shirka-Haweenka.jpg

 

Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee ka soconaaya magaalada Garoowe oo ay isugu yimaadeen Haween ka kala yimid Koonfurta

 

Soomaaliya,Somaliland,Puntland,Qaaradaha Africa,Yurub iyo Waqooyi America ayaa waxaa laga soo saarey qodobo hordhac ah.

 

Hindo Siciid oo kamid ahayd Haweenka ka yimid qaarada Waqooyi America ayaa halkaas khudbad ay ka jeedisay ka akhriday qodobada hordhaca ah ee kasoo baxay mudada halka maalin u socday shirka.waxaana kamid ahaa qodobada;

 

-In la sameeyo Sharci qeexaya sida Haweenku ay ka yeelan karaan Dawladdaha Sare,kuwa dhexe iyo sare

 

-In Fursadooyin shaqo la siiyo dhalinyarada gacanta kula jira falalka Burcadbadeednimada iyo wixii lamid ah

 

-In la horumariyo Xoolaha,Beeraha iyo Kheyraadka Badda si dhaqaale loo abuuro

 

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay go’aansadeen in la sameeyo Dalad lagu magacaabo Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee xuduuda lahayn (Somali Women without Borders).

 

 

Xubno haween ah ayaa sidoo kale kusoo biiray Shirka oo ka kala yimid wadamada Itoobiya iyo Jabuuti.

 

Xildhibaand Caasho Dhubad Geele oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jabuuti oo hadal ka jeedisay Shirka ayaa sheegtay in marka hore ay salaan kawado Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle iyo shacab Jabuuti ayna soo dhowaynayaan shirkaan oo kale iyo wax kastoo xal loogu heli karo xaalada Soomaaliya.

 

Si kastaba shirka Haweenka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu soo gaba gabo maanta,waxaana kasoo bixi doona sida ay wararku sheegaayan qodobo badan.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Go'aamo ka soo baxey Garowe

27 Oct 27, 2010 - 11:17:28 AM

 

 

 

 

Wasiirka Wasaarada Hawenka Puntland Marwo Caasho Geele

Shirkii haweenka Somaliyeed oo mudo sadex maalmood ah ka soconayay magaalada Garowe ayaa galabta 27.10.2010 waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta PDRC ee magaalada Garowe.

 

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galeen haween Somalia oo kor u dhaafaya 150 kuwasoo ka kala yimid gudaha Somalia, dalalka Jabuti, Ethiopia, Kenya, Somalida ku nool Woqooyiga Amerika, Yurubta Galbeed iyo dalal kale.

 

 

Dumarka Puntland oo ka qayb galey kulanka Haweenka Somalia

Sidoo kale Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galey sadex dumar ah oo ka socda Barlamanka dalka Jabuti iyo haween kale ooo madax ka ah hay'adaha aan dowliga aheyn.

 

Kulankaan galabta oo ku dhamaadey khudbado iyo sugaan kale duwan ayaa waxaa laga soo saarey go'aamo loogu magac darey baaqa Garowe [ Garowe Declaration]

 

Qodobadaan ayaa waxaa kamid ahaa:

 

 

1. Dhimaha urur lagu magacaabo uruka dumarka Somalida ee aan xuduudka laheyn "Somali Woman Organization Without Borders"

 

2. In 25 Octber ee sanad walba ahaato maalin dumarka somalida meel walba ay joogaan u baroor diqaan dhamaan haweenka iyo caruurta sida xaq darada ah ugu dhintey dagaalka Somalia.

 

 

Qaar ka tirsan Haweenka kulanka uga qayb galey Somaliland

3. Baaq ku wajahan dowlada Federaalka kaas oo dumarka Somalida ku dalbanayaan iney dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah.

 

4. Baaq ku wajahan beelaha walaalaha ee wada dagan Puntland kuwaasoo dumarka Somalida ka dalbadeen iney xaliyaan khilaafyada keena in isku dhacyo yimadaan.

 

 

Goobta shirkaan lagu soo gabagabeeyay oo ahayd xarunta PDRC ayaa lagu soo bandhigay ciyaar dhaqmeed aad u wanaagsanayd taasi oo dhamaan bulshadii ka soo qayb gashay ay si wayn ula dhaceen.

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay tahay wax si wayn loogu farxo maadaama haween Somaliyed oo inatan le'eg ay hal meel isugu yimaadaan.

 

Mud. Juxa ayaa halkaas ka sheegey erayo Sugaan ah kuwaasoo uu ku cabirey baahida loo qabo in qaranki Somaliya mar kale dib loo dhiso.

 

Ugu dambayntii gunanadkii shirkan ayaa waxaa ka hadashay Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye waxayna si farxadi ka muuqata ugu mahad celisay dhamaan inta ka oo qayb gashay shirkan, iyadoo sheegtay hadii aysan tageero buxda ka helin dawlada Puntland uusan qabsoomi kareen shirkan.

 

Marwo Caasha Geele ayaa gudoonsiisey dumarkii kasoo qayb galey kulankaas hadiyado uga timid Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo labadii maalmood ee laso dhaafey ka qayb galey shirwaynahaas.

 

Dhageyso khudbadiihii laga akhriyey shirka dumarka Somalida

Share this post


Link to post
Share on other sites

its a bit pathetic saxib, that you seek legitimacy for your conference by highlighting somaliland delegates, unfortunatly for you we are a democracy and these people have not been appointed to represent anyone, if you want representation maybe you should ask the thousands of women from bosaso and garowe who come to hargaisa looking for a real man, with some dosh !!! :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkan ka socday Garoowe sadexdii cisho ee lasoo dhaafay ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ee abid ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya waxaana ka qeybgalay Boqolaal Haween ah oo ay kujiraan Xildhibaano Haween ah oo katirsan
Dawladaha Puntland,Somaliland,Ethiopia,Kenya & Jabuuti
iyadoo ay sidoo kale joogeen Haween magacweyn kuleh geyiga Soomaaliyeed iyadoo ay Maanta dhamaan Haweenkii shirkan ka qeybgalay ku faraxsanaayeen sida wanaagsan ee uu shirkan ku bilowday islamarkaasna kusoo dhamaaday

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Haweenka Puntland Oo Ka Hadashey Shirkii Haweenka Soomaaliyeed

 

October 28, 20100 comments| leave your own!

Share Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Dawladda Puntland Caasho Geele Diiriye ayaa maanta ka hadashay shirkii haweenka Soomaaliyeed mudada saddexda maalmood uga socday magaalada Garoowe.

 

Wasiirada ayaa sheegtay in shirkaan uu ahaa mid ay haweenka Soomaaliyeed ay kawada hadlayeen nabada ayna kasoo baxeen sadex qodob oo kala ah;

 

-In ay haweenka samaystaan ururka midaynata haweenka Soomaaliyeed

 

-In 25-ka Bisha October ay noqoto maalin ay haweenku sameyaan baroordiiq nabadeed

 

-Baaq ku saabsan nabada kasoo ay u dirayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan

 

Marwo Caasho Geelle ayaa sidoo kale sheegtay in aysan fududayn ururkaan ay samaynayaan oo ay qolo kasta qaybtooda ay ka samaysan doonaan oo hagaan laguna dhamaystiri doono shirkaan kan xiga hogaanka ururka.

 

Wasiirka Haweenka waxaa ay sidoo kale sheegtay in ka wasaarad ahaan ay ballan qaadeen in shirkaan kan xiga kharashkiisa iyo qaban qaabadiisa ay iyagu bixin doonaan balse haweenka laga doonaayo meesha ay ku qabsandoonan.

 

Shirkaan ayaa ahaa midkii ugu horeeyey oo noocaan kale lagu qabto dalka Soomaaliya oo ay yeeshaan Haweenka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this