Sign in to follow this  
Xudeedi

Celebration are held in Laag and Bosaso for Sanaag's victory in Telecom sponsored....

Recommended Posts

Xudeedi   

Laag idaacada Dhahar Radio ee Puntland Taniyo magaalada Laag ilaa iyo Boosaaso oo ay is qabsadeen dad soo dhaweynaaya kooxdii ku guuleysatey tartan aqooneedka gobolada Soomaaliya, kaasoo dhex marey 16gobol—oo ay horsed iyo Telecom Puntland Inc. wada qabteen.

 

Shacabka magaalada Laag ayaa waxay muujiyeen xamaasad iyagoo xaflad balaadhan u qabtey kooxda degmada Dhahar, halkaasna ay aad ugu soo dhaweeyeen, kooxdii degmada Dhahar oo ku guuleysatey tartan aqooneedka.

 

Dhalinyada Kooxdan ku guuleystey ayaa waxaa magaalada Boosaaso kusoo dhaweeyey baabuur ka badan boqolaal oo ay saaranyihiin shacabka iyo hay’ado aqooneedka gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari. Xafladan maanta ayaa waxaa xigi doona xaflad habeen dambe lagu qaban doono hoolka shirarka Telecom oo lagu gudoonsiin doono kooxda Dhahar Koobkii ay kasoo hanteen tartan aqooneedka, sidoo kale waxaa kasoo qeyb gali doono kooxihii kaloo dhan iyo kooxda gobolka Mudug oo timid Finalka. Waxaa xusid mudan in tartan aqooneedka ay qabteen idaacada Horseed, shirkada Telecom Puntland ay maal galisey.

 

Kooxda tartamayaasha Sanaag ayaa waxaa sidoo kale xaflad caawa ugu qabtey magaalada Boosaaso fanaaniinta Puntland iyadoo magaalooyinka gobolada Puntland si aad ah looga dareemayo iminka.

 

Diyaarintii wariye Maxamed Axmed Ciise--Madaxa idaacada Dhahar Radio ee Puntland

 

21_4.JPG

 

20_4.JPG

 

19_8.JPG

 

3953209109_fa8bd14fd5.jpg

 

3953171053_5c4c8d15fd.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

My people won the knowledge quiz show on sbc t.v :D

 

11968.jpg

 

xaflk14.jpg

xaflk4.jpg

xaflk20.jpg

 

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana Lagu soo afmerayay Tartan Aqooneedka Kediska Bisha Barakeysan ee ramadaan ee ay SBC International u qabato Sanad kasta Xaafadaha Degmooyinka Maamulka Puntland ayaa waxaa ay ka dhacday Holka Xafladaha Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC International Boosaaso.

 

Xafladan oo qeybaheedii dhexe lagu tartan Siiyay Labada xaafadood ee u soo baxay Wareega ugu dambeeyay ee loo yaqaan finalka, Waxaana ay xaafadahaasi kala ahaayeen Xingood Qardho iyo Weliba Xorgoble Qardho ayaa waxaa goob joog ahaa Marti Sharaf aad u badan islamarkaana isugu jira Masuuliyiin ka sosota Dowlada Puntland, Wasiiro ka socday maamulka Pl, Aqoon yahano, Isimo, Culimaaudiin, Gudoomiye Yaal heer gobol, Masuuliyinta Shirkada Golis Telecom, Ururada Bulshada iyo Marti Sharaf kale,Midig Gudoomiyaha Ururka isku xirka Ardada Soomaaliyeed,SSCO, C/laahi Mahdi Sayidka. Bidix)- Xaawo Cali Jaamac Gudoomiyaha Ururka Haweenka Wawa, Midig)- Seynab Xaaji Xubin ka tirsan Wawa.

 

Waxay Xafladu ku bilaabatay si dar dar leh waxaana furay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide waxaana loo guda galay Qeybihii kale ee xaflada iyo Tartansiinta Xaafadaha Jooga Final-ka.

 

Ka dib tartanka Labada Xaafadood inta aan lagu dhawaaqin Natiijada ayaa waxaa hadalo halkaasi ka soo kala jeediyay Marti sharaftii ku sugneyd,

 

Waxaana hadalo Qiimo badan Halkaasi ka soo jeediyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, wasiiro ka socday Dowlada Puntland sida Wasiir ku xigenka Warfaafinta, iyo wasiirka Kaluumeysiga, sidoo kale waxaahalkaasi hadal qiimo leh ka soo jeediyay Abwaan Shube iyo Masuuliyiinta Shirkada Golis Telecom, iyo Marti sharaf kale.

 

Qeybihii dambe ee xaflada markii ay soo dhamaadeen hadalada Masuuliyiinta iyo marti sharaftii halkaasi ku sugneyd ayaa waxaa Microphone-ka lagu soo wareejiyay Gudoomiyaha Gudiga Garsorka Kediska Bisha Ramadaan ee SBC Sh Liibaan Mashruuc waxaana uu ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday Tartankii Dhexmaray Labada Xaafadood ee Finalka taagnaa .

Sh Liibaan Mashruuc oo ku dhawaaqaya Natiijada Kama Dambeysa Tartankii dhexmaray Labada Xaafadood.

 

Waxa uu Shaaca ka qaaday Sh Liibaan in labada Xaafadood ee ka wada socda isku magaalada ee Xingood iyo Xorgoble ay Guushu raacday Xaafada Xorgoble Qardho Halkaasna ay ku qaaday Koobkii loo baratamayay Mudada 30ka maalmood ee bisha ramadaan.

 

Ka dib ku dhawaaqista Najiida Labada kooxood ayaa waxaa Koobkii gudoonsiiyay Kooxda Guuleysatay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland C/sahakuur Mire Aadan, waxaana ku xigay Masuuliyiinta Shirkada Golis telecom oo kooxaha Kaalimaha 1aad 2aad iyo 3aad kala galay Gudoonsiiyay Awaal marino ay ugu talagaleen waxaana gudoonsiiyay, Cumar Faaruuq oo ah madaxa Suuqgeynta Shirkada Golis iyo Aadan Sheeq doon Cali oo ah maareeyaha Shirkada Isgaarsiinta Golis.

 

Wasiir u xigeenka Warfaafinta Puntland oo Koobkii Gudoonsiinaya Xorgoble Qardho.

 

Golis oo Xorgoble Gudoonsiineysa Awaal marin.

 

Gudoomiyaha Qardho oo Koobkii Ay u soo hoyeen Xorgoble kor u lulaya.

 

Xorgoble oo ku faraxsan Koobka ay soo hoyeen

 

Taageerayaasha Xaafada Xorgoble Qardho oo ku dabaal degaya Bartamaha Xarunta SBC International.

 

Khaalid Maxamuud Cayuuni

SBC International- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

5_16.jpg

 

Laag residents dressed in traditional clothing come out to celebrate Sanaags victory. A social celebration that represents healthy competition and admiration of "knowledge".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Loooooooool adeer why didn't other regions use google or is it that dhahar has exceptional relationship with Google. I'm pretty sure the commitee took google into account as they were setting up the competition. The questions were timed and many of them were related to Somali history, poetry, and influential somali individuals (Sayid Abdulla Hassan, Sultan Mohamuud Ali Shire, Boqor Kenadiid, etc).

 

sanaag%20tartan%20001.jpg

 

sanaag%20tartan%203.jpg

 

IMAG0186.JPG

:D I only see books during the competition. Go Go Go Sanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Xudeedi, what is this winning streak by the Sanaag and Haylaan regions. In India, a big football tournament of Puntlanders that was held recently, Sanaag won it all.

h7_5.jpg

8101.jpg

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this