Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

"Madaxweynaha qaranka," ladies and gentlemen

Recommended Posts

27 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

 

Reer Laascaabood calankeena baluugga dariisa ugu shahiidaayo are not part this dalka uu sheegta inuu madax u yahay, I guess. All this to satisfy ailing Ismaaciil Cumar Geelle. Waa yaab. 

misplaced priority, war HEEDHE ummada SOMALIYEED AYAAN  daranaa, bal ummada NEEFKAAS madaxweyne u yahay!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 minutes ago, Xaaji Xunjuf said:

Why should hassan sheikh talk about an issue that is not of his concern at all he knows this and we know this. Laascanood clashes  are infernal sl issues . 

HSM knows the CBB very well.   

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan finally spoke, after pressure from too many sides and jabka Muuse Muqayil, both morally and siyaasad ahaan:

Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood iyo xiisadda Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si kulul uga hadlay xaaladda adag ee magaalada Laascaanood iyo xiisadda kasoo cusbnoonaatay maamulka Puntland.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaallada haatan ka socdo magaalada Laascaanood, isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka xun tahay xiisaddaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrinta Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed, xalkeedana ay tahay lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xalka uu ku jiro midnimada iyo in rabitaankooda loo daayo shacabka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

“Mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag xalkeedu waa xal siyaasadeed in si siyaasad ah loo xaliyo. Siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo midnimadeeda lagu raadinayo ayaana xalka Sool & Sanaag uu ku dhex jiraa” ayuu yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo xabad joojin, kadibna labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xaaladda Laascaanood.

“Rabitaanka dadka hala ixtiraamo qorayga hala dhigo, xabadda hala joojiyo miiska hala’isku yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu markale yiri madaxweynuhu.

Dhanka kale madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday xaalada siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la dajiyo xaaladda, isla-markaana la ilaalinayo nabadda ay caanka ku tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Waxa kale oo uu farriin u diray odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi, isaga oo ka dalbaday inay qaataan doorkooda ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaasi siyaasadeed.

“Odayaasha dhaqanka ha qaataan kaalinta ay leeyihiin oo ah kaalin nabadeed, haddana ay qaateen, waana ku boggaadinayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sababtay khasaare xoogan.

War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa lagu shaaciyay mowqifka dowladda ee arrinta Laascaanood.

Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaallada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

“Dowladda federaalka waxa ay ka xun tahay dagaallada halkaasi ka dilaacay ee geysanayaa khasaaraha nafeed, barakaca Ummadeed iyo burburka” ayuu lagu yiri qoraalka Fiqi.

Wasiirka oo sii wada aqrinta bayaanka ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay salka ku heyso arrin siyaasadeed, wuxuuna ka digay in lasii wado dhibaateynta shacabka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya war-saxaafadeedkan ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda dhexe ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland.

“Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in la dajiyo xiisadda haatan ka aloolsan magaaladaasi, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo degnaan.

Ugu dambeyn waxaa war-saxaafadeedkani farriin loogu daray hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ah oo laga dalbaday inay u gurmadaan dadkii ka barakacay Laascaanood.

 

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

And now what will and can the bunker govt do hahah

 

besides hassan didn’t say he supports the terrorissts hiding in parts of laascanood he said nabadda hala ilaaliyo taasina ma xuma runti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.