Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Buntland oo kala go'day

Recommended Posts

Wariyaha Idaacada Simba uga soo waramo Boosaaso Cabdi Risaaq Sheekh Aduun ayaa sheegay in xiisado colaadeed iyo is abaabul ciidan laga dareemayo Magaalooyinka Garowe,Boosaaso iyo Gaalkacyo kadib markii la xaqiijiyay in Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku sii siqayaan degaano ay hore uga arimin jireen Maamulka Cadde Muuse.

 

Wariye Sheekh aduun oo xiganayay ila kala duwan oo wareed wuxuu tibaaxay in dagaalka uu khasaaro badan dhaliyay,sidoo kalana jiidaha dagaalka laga maqlayo xabado goos goosa.

 

Ciidanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta Baran,Dhahar iyo degaano kale iyadoo dhinaca kalana la xaqiijiyay in laga gubay lix gaari dagaal Ciidanka Maamulka Puntland ee degaanadaas hore u joogay.

 

Wasiirka Sports-ka ee Somaliland Dr Maxamud Siciid ayaa Waagacusub u sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii ay ka warheleen weerar gaadmaa oo kaga yimid dhinaca Puntland xilli ay hoowlo ku marayaan degaanadaas.

 

Dharbaaxada ku dhacday Ciidanka Cadde Muusse boqor ayaa sabab looga dhigayaa beelaha gobolada Sool iyo Sanaag oo tageeridii gaashaanbuureed kala laabtay.

 

Xildhibaano ka socday Aqalka Wakiiladda Somaliland ayaa booqday Laascaano xilli ay ku sugnaayeen cududii ugu balaarneed ee Ciidamada Puntland taas oo noqotay fajac,waxaase nalka uu mar qura ka damay Maamulka Cadde Muusse ,markii laga war helay in taliyahii Ciidanka gobolka Sool uu ku biiray Ciidamada Somaliland.

 

Beesha duubays ee Warsangeli ****** ayaa taageeraddi gebi ahaan kala noqotay Maamul goboleedka puntland.

 

Beeshan ayaa si cad u sheegtay inay taageersan yihiin Somaliland.

 

Ciidamadii Daraawiishta ee Puntland ayaa inta badan faarujiyay difaacii dhinaca Gaalkacyo taas oo qudheeda cabsi badan leh,lagana yaabo in si sahala loogu duso.

 

Dhinaca kale dagaalo xoogan ayaa la soo sheegayaa inay ka dhex qarxeen dalalka Itoobiya iyo Ereteria taas oo abuureeyso jawi Colaadeed oo laga yaabo inuu saameeyo guud ahaan geeska Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^ :D Waangacusub must stire up things a little bit, we are still waiting for the Capture of Villa Somalia, Ciidama Mujaahidiinda oo Salaada kutukaday :D !

 

Aaga gaalkacyo is vacated and they can easily penetrate now :D

 

xoox, sxb Waagacusub is based in Muqdisho how could they get more up to date info in this front than Puntland and Somaliland websites... Very Funny

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this