Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland blames ONLF for its setback in SOOL..Gen Cade Muse reaches LAS ANO

Recommended Posts

Wasiirka Warfaafinta ee Maleyshiyada Daahir Riyaale Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo warbaahinta u sheegay in ciidamo ka tirsan Jabhadda ********iya ee ONLF ay ka qayb galeen dagaalkii Maalintii Jimcihii lagu jabiyay

 

Hargeysa(Radiolascaanod.com) Sun 31/10/04 Waxaa wax lala yaabo noqotay in Wasiir ka mid ah Maamulka Daahir Riyaale uu warbaahinta u sheego warar been ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn, isagoo ku andacooyana in Ciidamda Jabhadda ********iya ee ONLF ka qeyb qaadeen dagaalkii sida foosha xun loogu jabiyey Maleyshiyadooda maalintii jimcihii ee ka dhacay agaagarka Adhi-cadeeye.

 

 

Cabdillahi Maxamed Ducaale oo ku magacaaban Wasiirka Warfaafinta ayaa xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid Ururada Saxaafada dibada iyo Gudaha wuxuuna u sheegay in Jabhadda ********iya ee ONLF ka qeyb qaadatay dagaalkii jimcihii ka dhacay Adhi-cadeeye ee ciidankooda lagu jabiyay, Wasiirka oo sida la sheegay caytamayay hadalkiisana cadho ka muuqatay, afkiisana ka soo baxayeen hadalo aan munaasib ku ahayn inuu ku hadlo nin masuul sheeganaya ayaa warbaahintaa u sheegay in laysugu soo habar wacday oo beelaha ******* dagaalka ku dhamaayeen.

 

Masuulkaasi isagoo beentiisii sii wata wuxuu sheegay in waliba uu ka walwalsan yahay in arintu halkaas ay marayso ka sii fogaato oo laga yaabo in sanadaha soo socda lays waydiiyo meesha ay cag dhigeen beelaha Reer ***** , wuxuuna suxufiyiintii kulankiisa ka qeyb galay kula taliyay inay u kuur galaan xaqiiqda jirta.

 

Maleyshiyada Daahir Riyaale oo si foolxun loogu jabiyay dagaalkii maxaabiis tiro badana laga qabtay ayaa u muuqda kuwo aan awood u lahayn inay dagaalka sii wadaan, waxna iska difaacaan.

 

Wararkan oo aanu ka soo xigay saxafadii ka qeyb gashay, wuxuu u qornaa sidan:

 

Waxaad ka akhrisan kartaa Halkan Guji

 

HAR(HAR)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md.Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Jabhadda Ogadeenka ee ONLF ay ka qayb galeen dagaalkii Maalintii Jimcihi ku dhex maray Adhi-cadeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada ******teeniya ee Cabdillaahi Yuusuf.

 

Kulan lagu gorfaynayay qaab dhaqameedka Saxaafadda ee xilligan oo kale iyo hubinta wararka dagaalka iyo meesha laga helayo wararka rasmiga ah ee xukuumadda, oo uu Wasiirku saaka Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Saxaafadda dibadda iyo ta gudaha ee Somaliland, waxa uu ka sheegay in ciidamadaas ka tirsanaa ONLF, ee dagaalkii Adhi-cadeeye ka qayb galay ay ******teeniya u yimaadeen Hiil Isir ahaan ah, “Horta dagaal saaka kama socdo Jiidda hore, waxaanse idinku wargelinayaa in dagaalkii Adhi-Cadeeye ay ku jireen ciidamo ka tirsan Jabahadda ONLf oo hiil iyo isir ahaan uga qayb galay, iyada oo imikana ay la doonayo in qaybo ka mid ah kililka shannaadna laga keeno ciidamo kale oo Isir ahaan loo soo abaabulayoâ€. Ayuu yidhi Md.Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxaanu dintaa ku daray, in wax isbedel ahi aanu ku iman donin qaabka war Raadsi ee Suxufiyiinta, balse waxa uu kula dardaarmay inay isa saaraan xil iyo masuuliyad, si ay u baahiyaan warar sugan.

 

Hargeysa News

 

Author: Wasiirka Warfaafinta Somaliland

 

(10/31/2004

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Cadde Muuse Oo Soo Gaadhay Laascaanood.

 

Laascaanood(Radiolascaanod.com)Mon.01/11/04 Gen: Cadde Muuse iyo wafti Balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 11:30 Duhurnimo soo gaadhay magaalada Laascaanood.

Waftigan uu hogaaminyo Gen: Cadde Muuse oo ay weheliyaan wasiiro iyo Saraakiil Sar sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta oo uu u horeeyo taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland G/Sare C/laahi Jaamac Gayre ayaa waxa ay kor meer ku soo mareen isla xilligii ay soo gaadheen magaalada Laascaanood Goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Mujaahidiinta Daraawiishta Puntland.

 

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee ku sugnay jiida Hore ayuu waxa uu kaga dhagaystay warbixino iyaga oo uga waramay in maanta ciidamada Daraawiishtu ay diyaar u yihiin in ay xoreeyaan dalka ,difaaciisana ay wax kasta u hurayaan.

 

Waftigan Uu hogaaminayo Gen: Cadde Muuse ayaa afhayeen u hadlay sheegay in ay uga Digayaan Ciidamada Gardarada Ku jooga dhulka aanay lahayn in ay sii joogaan deeganka ,una gurtaan goobihii ay markii hore ka yimaadeen Asal ahaana ka soo jeedaaan.

Dadweynaha Magalada Laascaanood ayaa si diiran u soo dhaweeyey waftigan uu hogaaminayey Gen: Cadde Muuse , waxaana wada hareeraheeda tubnaa dad aad u tiro badan oo Caleemo qoyan ruxayey.

 

Asad Cadaani Ibraahim

 

Radiolascaanod.com

 

Laascaanood Puntland J.F Soomaaliya

 

E-mail radiolascaanod@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

waxa uu ka sheegay in ciidamadaas ka tirsanaa ONLF, ee dagaalkii Adhi-cadeeye ka qayb galay ay ******teeniya u yimaadeen Hiil Isir ahaan ah,

bal ninkan waziirka isku sheegaya daya, kulahaa "Hiil Isir ahaan ah", ninkan maxaa daba dhigay ONLF hadduu iska celinayo ciidamada puntland muu raadsado wa kuwaa halkaas dhoobanee, muxuu la cabaadayaa oo qolo aan meeshaba joogin uba keenayaa, [/b]hadalada uu ka sheegay ONLF waxay na tusineysaa in uu ku guuldarreestay dagaaladii uu ku soo qaadey puntland[/b]

 

It is not very far when they would also say "the mogadisho warlords also participated this fighing because of Hiil isir ahaan ah", waxaan jirin maxay isku dhabooqeen, pathetic.

 

 

ps: Riyaale said today that he will capture those Lands as soon as quickly and he made it clear that his Stadium started the war to liberate their lost Land

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

^LOOL :D . I couldn't help it dee icon_razz.gif .

 

He was right about Riyaale making Smith piss in his pants, just thought I’d finish off what he missed- extreme bias is his forte. It was funny at the time :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well it is clear who is shaking with fear and who is calm and confident

 

 

Riyaale is so scared that all the people that he used to abuse such as SAMSAM Dualle and all the others during his reign of Terror as the henchman of Siyaad Barre will finally catch up to him.He knows he has no support in Somaliland and they will ditch him in an instant the moment they feel they have gotten out of him all that they could.Well i have one thing to say to him"Be scared be very Scared"!!!!!!!!! :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

He was right about Riyaale making Smith piss in his pants, just thought I’d finish off what he missed- extreme bias is his forte. It was funny at the time

LOL, thats the last person that can get to Smith, as for the article ONLF fighting alongside Puntland, why would they?

 

As for Riyaale i believe its his last days.. His demise will come from Hargaysa and not from any where else, it seems war is the last thing on their plate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG_Girl   

I can understand Rayaale's point ..lol

 

He wants to make war; War between Clan X vs Clan Y, since Somaliland is Clan State as Puntland is Sub-clan state.. I am waitting some one will say there is forces from Gedo or Af-madow joined the war :(

 

Wallahi, we joking here but things getting ugly out there !!.

 

Salam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deysane   

salaam all.

 

 

Wasiirka Warfaafinta ee Maleyshiyada Daahir Riyaale Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo warbaahinta u sheegay in ciidamo ka tirsan Jabhadda ********iya ee ONLF ay ka qayb galeen dagaalkii Maalintii Jimcihii lagu jabiyay

 

is the Wasiir seriouse about this... why Wud ONLF Go there when they Got their Own Problem to think about.?....fILL ME in...

 

"Nin daa'ad Qaaday Humbo Cuskay"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this