Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mareykanka oo Muqdisho kula kulmay qoyska Gaashaanle Xasan Tuure

Recommended Posts

Deeq A.   
FnU7MgLXwAYQVJy.jpeg?fit=2048%2C1322&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Danjire Larry André ayaa la kulmay qoyska taliye ku-xigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure), kaas oo Jimcihii lagu dilay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ka gaysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in weerarkaasi ay dhanka dowladda kaga geeriyoodeen toddoba askari, oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii kKumaandooska Danab.

Safiirka Mareykanka ayaa aabaha dhalay sarkaalkaasi ku qaabilay Xarunta Safaaradda ee magaalada Muqdisho, isagoona xubnaha qoyska uga tacsiyeeyay geerida ku timid.

Safiirka ayaa qoyska u sheegay, sida ay ugu hanweynaayeen hoggaamintiisa, si bulshooyin badan uga xoroobaan ayuu qoraal ku sheegay dulmiga maleeshiyada Al Shabaab.

Danjire André ayaa sheegay inay tani sii xoojin doonto go’aanka Mareykanku uu ku taageero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xoogaga Danab oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa tababara Mareykanka, iyaga oo saldhigooda ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Danab waa ciidan lugta oo tababar gaar ahi qaba, waxayna fuliyaan hawlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana ciidanka la hawlgala Ciidamada Mareykanka ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Shabaabka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Shabaabka u arka halista ugu weyn ee maanta ka jirta qaaradda.FnU7MgLXwAYQVJy.jpeg?resize=696%2C449&ss FnU7MgPXkAAz2-m.jpeg?resize=696%2C482&ss FnU7MgOXoAEYPWt.jpeg?resize=696%2C491&ss
 

The post Sawirro: Mareykanka oo Muqdisho kula kulmay qoyska Gaashaanle Xasan Tuure appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this