Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ‘si yaab leh’ uga hadashay isbaddallada ka socda Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Somaliland.jpg?fit=660%2C401&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa markii u horeysay ka hadlay dhoola-tuskii Isniintii ee magaalada Laascaanood, kadib socdaal uu magaaladaas ku tagay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC

Taliye Nuux Taani ayaa sheegay in ciidamada gaadiidka watay ee galbinayay Garaadka, haddana ku sugan gudaha Laascaanood ay yihiin kuwa Somaliland, isaga oo beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay magaalada soo galeen.

“Waxaanu halkan ka caddeynaynaa in nabad-galyada guud ee magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto ciidamada qaranka, baabuurta garaadada soo dhawaynaysay, waxay ahaayeen baabuurtii ciidankanqaranka,” ayuu yiri Taliye Taani.

Taliye Taani oo ka hadlayay madal ay kula sugnaayeen saraakiil sar sare oo ciidamada ka tirsan, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirwaynaha la qorsheeyay in beelaha gobolku ay Laascaanood ku yeeshaan uu amaankiisa sugi doono ciidanka Somaliland.

“Waxaa sidaa u yeelaynaa si gaadiid kale aanu gobolka usoo galin oo amniga u dhaawicin,” ayuu yiri Taani oo waxba kama jiraan ku sheegay in ay jiraan baabuur ciidan oo garaadyada tagay Laascaanood ay wataan.

Sheegashada Somaliland ayaa noqoneysa mid yaab leh, maadama ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen munaasibad looga soo horjeeday gooni isu-taagga Somaliland, laguna muujinayay midnimada Soomaaliya.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa Isniintii si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland, waxayna soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada.

Isniintii ayaa waxay reer Laascaanood muujiyeen in aysan raali ka ahayn in mardambe laga maamulo Hargeysa, islamarkaana ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.

The post Somaliland oo ‘si yaab leh’ uga hadashay isbaddallada ka socda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this