Sign in to follow this  
Deeq A.

Ficillada Shabaab oo dhaafay laba xad oo lama taabtaan ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab.jpg?fit=1894%2C961&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Arxan la’aantu waa mid kamid ah waxyaabaha loo tiriyo ama lagu qeexo kooxda Al-Shabaab, ficiladooda ayaa sabab u ah.

Culimo badan ayay kooxdu hore u dishay, dumar iyo caruur ayay sidoo kale laayeen, waxaana waxyaabaha kacdoonka socda dhaliyay kamid ah ilmo aan toban jir gaadhin oo ay ku dileen gobolka Hiiraan ee bartaham Soomaaliya.

Xoolo nool ayay dhawaan ku laayeen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Wabxo, ceelal ayay sumeeyeen, waxaana ficilada kooxda lagu tilmaamay inay gaareen meel dhaafsiisan xadkii Islaamnimada iyo kii Soomaalinimada.

Weli kooxdu waa dagaalameysa, dad ayaa laga yaab in kooxda dhaqankaas leh ay weli rejo uga jirto.

Aan usoo laabano 22-kii bishaan iyo guriga dowladda hoose ee magaalada Muqdisho, halkaan waxaa soo weeraray maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, dadkii ay goobta ku toogteen waxaa kamid ahaa marxuum Axmed Xasan Warsame wuxuu ahaa muwaadin araga la’, markii uu qaraxa dhacay oo la kala cararay ma-uusan awoodi karin in uu ka baxsado dhibaatada goobta ka socota.

Dadkii la joogay qof walba nafta ayaa orod fartay, mana jirin qof xasuusan karay gacan qabashada qof kale. Al-Shabaab ayaa gudaha u galay xarunta kadibna halkaas ku toogtay, kooxdu wax naxariis ah uma sameyn muwaadinkaas araga la’aa.

Sida uu bogiisa Facebook ku xaqiijiyay Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur, marxuumkaas araga la’aa ee Shabaabku dileen ayaa wax ka bartay mu’asasada macallin Nuur kadibna waxa uu noqday mid isaguna dadka waxbara.

Inkasta oo aan geerida waqtigeeda la dhaafayn haddana tani waa daliisha ugu dhow ee naxariis darada kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Isniintii mar uu soo hadal qaaday dhacdadii gobolka Banaadir wuxuu xusay dilkii arxan-darada ahaa ee Al-Shabaab u geysatay marxuumkaas araga la’aa Axmed Xasan Warsame.

Wuxuu madaxweynaha ku tilmaamay geeridaas middii ugu xanuunka badneyd, taasi oo dhinaca kale sii quusineysa dadka isku dayaya in dhibaatada Al-Shabaab waxyar oo qiil ah u raadiyaan.

“Xalay waxyaabaha aan ka seexan waayey waxaa kamid ah nin indhoole ah ayaa joogay bug markii uu qaxa dhacay waa la kala cararay qof walba meesha uu aadi karo ayuu aaday wadaadka indhoolka ahaa xagge ayuu aadayaa? meel uu aado ayuu garan waayey? meesha ayey ugu yimaadeen waana dileen.”

“Adiga maxaa ku sifeynee? Maxaa dhehee? yacni ninkaas qofka caadifad yar oo naxariis ah u geli weyday waa indhool meel uu ka baxi ayuu waayey waa carari lahaa. Nimanka meeshaas joogo ninka ka cabsanaayow cabsidaada meel maleh, cudur daarna maleh.”

The post Ficillada Shabaab oo dhaafay laba xad oo lama taabtaan ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this