Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Bashiir oo sheegay waxa ay ka dhigan tahay la-macaamilka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Sheekh-Bashiir.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee qeybta ka ah shirweynaha ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in la-macaamilka Shabaab uu xaaram yahay Diin ahaan.

Sheekh Bashiir ayaa xusay in Shabaab ay shaqadooda tahay dilka iyo dhaca umadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed uu dembi weyn yahay qofkii kaalmeeya kooxda ee xoola siiya, kaasi oo ka dhigan in uu qeyb ka noqday gumaadka dadka aan wax galabsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankaas la-tacaamulkoodu Diini ahaan iyo Waddaniyad ahaanba waa xaaraam, wax kale uma joogaan oo waxay ka shaqeynayaan in ay meel wax dhigaan oo loo layn lahaa dad Muslimiin ah oo waxba galabsan. Diinteena muqadaska ah wey xaaraamtiyeysay in qofka dambiilaha ah lagu kaalmeeyo dambiga,” ayuu yiri.

“Wanaagga isku kaalmeeya laakiin ha isku kaalmeynina dambiga Ilaahay laga galayo iyo xad-gudubka dadka lagu xadgudbyo, nimankaan Diintii meel ayay kaga dhacayaan oo dadkiina waa ku xad-gudbayaan. Haddii la siiyo xoolo la siiyo, baad la siiyo ama waxay ku magacaaban Zako la siiyo kuligeed kaalmo ayay ahaaneysa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in awoodda Shabaab xilligaan la arkay, ayna tahay in loo wada midoobo la-dagaalanka kooxdan oo sanadihii u dambeeyay dhib farabadan u geysatay bulshada Soomaaliyeed.

“Maanta maalinteedii ma ah, oo maanta waa maalin nimankii cabsidooda la tijaabiyay oo awoodooda ay burburtay oo dagaal ku socda, qofka maanta lacag la weydiiyo ee laga baaddayo waa qof aan wax ogeyn oo doqon ah wixii hore Allaha naga dhaafe hadda fursada iyo jaaniska waa salaxan yahay waa in halmar Maya la wada yiraahdo oo loo diido lagana joojiyo.”

Dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, ayada oo lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dagaalka tooska ah barbar wada dadaalo ay ku dooneysay sidii ay ku wiiqi laheyd awooda dhaqaale ee Shabaab, waxaana bilihii dambe si weyn hoos ugu dhacay lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadi jirtay ganacsatada, gaar ahaan kuwa Muqdisho.

The post Sheekh Bashiir oo sheegay waxa ay ka dhigan tahay la-macaamilka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this