Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah qaadka oo la xiriira dagaalka socda

Recommended Posts

Deeq A.   
Galmudug.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku mamnuucayso in qaadka la geeyo deegaanada ay ka socdaan howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Amniga ee maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in qaadka looga mamnuucay deegaanadaasi sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howl-galada socda.

“Waxa ay wasaaradda u digeysaa ganacsatada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaanada iyo degmooyika ay ka socdaan howl-galada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaanada hoostaga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad-goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in dowladda Galmudug ay la wareegi doonto gaarigii lagu qabto qaadka, islamarkaana la gubi doono qaadka saaran.

“Wasaaraddu waxay ogeysiineysaa dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto. Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa fartay laamaha amaanka maamulka in sida ugu dhaqsaha badan ka howl-galaan dhaqan-gelinta amarkaan, ayna gacanta kusoo dhigaan cid walba oo u hoggaansami weyda.

Go’aanka ayaa la filayaa in uu wax badan ka tari doono dagaalka ay ciidamada kula jiraan Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer dhacday in kooxdu qaadka uga faa’iideysato ciidamada huwanta, oo weeraro gaadmo ah kusoo qaado xilliyada aroortii hore.

The post Galmudug oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah qaadka oo la xiriira dagaalka socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this