Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu laayay duqayn ka dhacday duleedka Xarardheere

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674644980538.jpg?resize=720%2C50

Dagaallamayaal ka tirsanaa Al-shabaab ayaa maanta lagu laayay duqayn ka dhacday degaanka Miiroon ee duleedka degmada Xarardheere.

In ka badan dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu laayay duqaynta sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Tahliil Biixi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa iska kaashaday duqeynta sida laga soo xigtay Taliyaha Ciidanka dhulka XDS.

Gen. Biixi ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba degaankaas Miiroon ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu laayay duqayn ka dhacday duleedka Xarardheere appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this