Sign in to follow this  
Haatu

Bay Bakool being repressed

Recommended Posts

Haatu   

Siyaasadii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo laga tabay Gobolada Bay iyo Bakool

 

4e25bab95539ee5ac9b0040828df475e.jpg

Dadweynaha ku dhaqan Bay iyo Bakool ayaa tabay Afhayeenkii hore ee Xarakatu Shabaabil Mufsidiin Abuu Mansuur kadib dhibaatooyin joogta ah oo rukun ka noqday goboladaas sidii Mr.Abuu Mansuur xilka looga qaaday.

 

 

Xarakatu Shabaabil Mufsidiin ayaa gabi ahaanba badashay siyaasadii dabacsanayd ee Abuu Mansuur ka waday goboladiisa iyo maamuladii uu ka tagay.

 

 

Mr.Abuu Mansuur ayaa mudadii uu awooda ku lahaa gobolada Bay iyo Bakool hormarin jiray masaalixda shacabka ku dhaqan goboladaas, asagoo talada ka qeyb galiyay dadka deegaanka, ogolaadayna howlgalida Hay'adaha Samafalka.

 

 

Waxaa xusid mudan in Mudadii Abuu Mansuur talada gacanta ku hayay aan wax dhibaataa lagula kicin dadka deegaanka, dadkuna dareemi jireen jawi ay ku dheehan tahay farxad iyo nabad, arrimahaas ayaa si toosa uga hor imaanayay siyaasada madaxda xarakada ee Axmed Godane iyo Fuaad Shongole oo ayagu ka soo jeeda Gobolo nabdoon ayna dhibayso nabada gobolada kale.

 

 

Axmed Godane iyo Fuaad Shongole ayaa Bay iyo Bakool ku soo rogay siyaasad ka baxsan bani'aadanimada, waxaana si joogta ah ay uga wadaan dil bareer ah, jirdil, dhac iyo falal kale oo fool xun.

 

 

Dhalinyaro badan ayaa noloshooda ku waayay kadib markii loo jeedshay eedaymo ay ka mid tahay u jaajuusida dowlada Islaamiga Somaliya.

 

 

Sidoo kale Hay'adihii samafalka ayaa banaanka loo baxshay, waxaana la bahdilay Odayaal dhaqameedkii deegaanka oo laga dhigay dad aan talo iyo sharafba lahayn.

 

 

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo ay noo suura gashay in aan si hoose u waraysano ayaa noo sheegay in ay cadaab galeen sidii Abuu Mansuur loo rafacay.

 

 

Guud ahaan xaalada bani'aadanimo ee labadaas gobol ka jirta ayaa aad u liidata, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhacdo hadii aan laga soo gaarin gaajadii bilowgii sagaashameeyadii.

 

 

Abuu Mansuur ayaa horay loo shaaciyay in uu noqday ku xigeenka Axmed Godane inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay, waxaase la rumaysanyahay in uu yahay nin ay ka qaalib noqdeen Godane iyo Shongole una muuqda mid aan wax ka qaban karin dhibka lagu hayo reer tolkiis.

 

 

Booska Afhayeenimada Xarakatu Shabaabil Mufsidiin ee Abuu Mansuur laga qaaday waxaa iminka ku fadhiya Cali Dheere oo ah nin aan xisaabtameyn oon garaneyn masaalixda dadkiisa iyo gobolkiisa, waana nooca ay ka faaidaystaan Godane iyo Shongole, haday dhacdo in Afhayeen Cali Dheere isku dayo ka shaqeynta masaalixda dadkiisa waxaan shaki ku jirin in uu marayo wadadii Abuu Mansuur.

 

 

Tafatiraha Miisaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I smell clanism in this article. Qiiq qabyaaladeed ka baxaayo.

 

Kuwaas la baxay Dhalinta wax lagu eedeeyo lama weynaayo laakiin in qabiil lagu eedeeyo maya. Qofka qoraalka qoray Godane iyo Shangoole ayuu si qabiil ahaan u dacaayadeynooyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Bay iyo Bakool sidey nabadgalyada uga hirgashey Jubooyinka xataa uguma hirgalin, this is an eye witness of a friend of mine recently soo marey dhulkaas about 2 weeks ka hor, baabuurta xataa lama baarto ayuu yiri this friend of mine, Alshabaab might stop you and ask you where you heading to, and nothing else, whether you have hub or qoryo in the car or what qabiil are you, none at all, and they do this checkup to make sure dat in case that car wax ku dhaceen they will investigate it.

 

 

This article is rubbish, as MMA said, qof xamaasad qabiil heeso ayaa ku fara yareestay but least they could do is hide their qabyaalad, which is visible everywhere in the article, and that kills the whole article!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this