Sign in to follow this  
wind.talker

Somalia's on fire!

Recommended Posts

Is it me or are there now more wars sparking in many corners of Somalia? Beledweyne, Baydhabo, Ceelwaaq, Mudug/Galgaduud etc.? Just when we all wish Somalia's war days are behind us, new wars are waged by even newer warlords. Allow dadkeyna kala badbaadi. Aamin.

 

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Garbahaarey

Garbahaarey - 10.June.2005 Wararka ka imanaya degmada Garbahaarrey ee ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dagaal xoogl leh uu maanta gelinkii dambe ka qarxay magaaladaas.

 

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu dhex marayo laba malleyshiyo beeleed oo ka wada tirsan ururka SNF oo gacanta ku haya deegaankaas.

 

Weriyaha Idaacadda SBC ee magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, Cabdullaahi Cali Kaalmoy ayaa soo sheegaya in iska hor imaadkan uu salka ku hayo dilal iyo falal aanooyin qabiil ah oo dhowaanahan ka oognaa qaybo ka tirsan gobolka Gedo gaar ahaan degmooyinka Garbahaarey iyo Buur Dhuubo.

 

Ilaa iyo haatan si rasmi ah looma hayo tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac waxanse warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac ay dhaceen.

 

Dagaalka ku salaysan aanada qabiilka ayaa muddooyinkan caadi ka ahaa qaybo ka tirsan gobolkaas.

 

Cabdullaahi Cali Kaalmooy

SBC Beledxaawo

 

Isbahaysiga Dooxada Jubba oo Ciidamo U Diraya Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

 

Golaha hogaaminta Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo gudoonka sare ee isbahaysiga ayaa galabta kullankii labaad ee albaabadu uxiran yihiin ku yeeshay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada kismaayo si ay gurmad ugu diraan Ciidamada Difaaca Gedo.

 

kulamadaan oo uu shir gudoominayay Col:Barre Aaden Shire ayaa waxaa ka qayb galay mas,uuliyiin, aqoonyahanno iyo ragga beelaha hogaamiya ee saamaynta ku leh magaalada kismaayo iyo gobolka Gedo.

 

Waxaa shirka hareeyay dooda la xariirta sida loo dirayo ciidamadaan iyo tiradooda iyo waliba saanad iyo dhaqaale deg deg ah oo loo baahanyahay in la gaarsiiiyo maleeshiyada difaaca gobolka Gedo oo ay maleeyshiyo beesha Garre ay isku horfadhiyaan magaalada Ceelwaaq.

 

Kulamadaan xasaasiga ah oo loo diiday saxaafada ayaa waxaa ka soo baxay go,aamo ay ka mid yihiin in loo diro qaar ka mid ah ciidamada isbaheysiga oo ay taageerayaan gaadiidka dagaalka oo tiknikada loo yaqaan. Ciidamadaan ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayan in ay iminka isku urursanayaan saldhiga Shiirkole oo ka mid ah baraha ay degan yihiin ciidamada isbahaysiga, waxaana hogaamin doona Sargaal lagu magacaabo Aaden Garaar oo ka mid saraakiisha taliska ciidamada isbahaysiga dooxada jubba sida uu xaqiijiyey Gedonet mid ka mid ah saraakiisha sare sare ee isbaheysiga.

 

Ciiidamadan la dirayo ayaa waxaa ay ka kala imaanayaa dhinacyada maamulka sida ilaalada garoonka, dekadda, Guutada Koowaad iyo labaad, Istaafyada Saraakiisha iyo ciidamada taliska dhexe. Waxaana tani ay noqonaysaa diyaargawgii ugu adkaa ee abid ay sameeyaan isbahaysiga dooxada jubba oo saamayn ku yeelanaya dagaal ka baxsan kismaayo.

 

Laakiin ma ahan markii ugu horaysay ee maleeshiyooyinka daacada u ah Col.l Barre Hiiraale oo lixdii sano ee ugu dambaysay gacanta ku hayay magaalada kismayo ay ka qeybgalaan difaaca gobalka Gedo. Iyada oo sanadkii 2002 ay magaalada Baardheere kula dagaalameen xoogagii ka soo kala jeeday ururada SPM/SRRC iyo RRA oo doonayay in gacanta ku dhigaan magaalada Baardheere oo istiraatiiji u ah dhaqdhaqaaqa deegaanada uu maro wabiga jubba ee jamhuuriyada soomaaliya.

 

Dhanka kalana waxaa la xaqiijinayaa ciidamo tira badan oo si lixaad leh u hubaysan in ay ka ruqaansadeen degmooyinka G/Gedo iyaga oo ku siijeeda degmada C/Waaq.

 

Nasteex faarax

Gedonet-somalia

 

Ciidammo Ka Socda Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Jeeda Magaalada Baydhabo Iyo Raac Labaad Oo Lagu Diyaariyay Abqaale Oo Ku Soo Jeeda Gobollada Bay

Ciidammo ka socda maamul goboleedka Puntland kuna hubeysan gawaarida tiknikada oo lagu qiyaasay 25 gaari ayaa waxa ay ku sugan yihiin gobolka Bakool iyaga oo soo maray dhinaca Itoobiya ayaa waxaa la sheegayaa inay duullaan ku yihiin magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

 

Waxana sida ilo xog ogaal ahi ay sheegayaan ay rabaan inay dowladda u diyaariyaan magaalada Baydhabo ka hor 14ka bishan iyaga oo kaashanaya ciidammo ay RRA dhinaca Bakool diyaariyeen.

 

Dhanka kalena Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo muhiim ah oo ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamo horay loogu diyaariyey halka lagu magacaabo Abqaale oo magaalada Gaalkacyo Waqooyi ka xigta, lagana soo kala uruuriyey gobolada Puntland ayaa shalay u soo dhaqaaqay dhinaca degmada Ceelberde oo ka tirsan gobolka Bakool, halkaasoo ay isku uruursanayaan ciidamo isugu jira Puntland & kuwa wasiirada Xudur ku sugan, ciidamadaasoo lagu wado in ay guluf colaadeed ku kiciyaan magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin taageersan xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade.

 

Ciidamo ku hubeysan baabuurta dagaalka, uuna hor-kacayey taliyaha waaxda la dagaalanka argagixisada Puntland Max’ed Aadan Bidaar oo ku sii jeeday degmada Ceelberde ayey ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan deegaanka Shiilaanyo ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya xabsiga u taxaabeen, markii saraakiisha ciidamadaasi ay ku eedeeyeen taliyaha in isagoo aanan ku soo wargelin uu ka soo gudbay xuduudka, waxaana markii la sii daayey taliyaha uu u sii gudbay dhinaca Ceelberde oo uu hadda ku sugan yahay, waxaana ciidamada shalay ka ambabaxay tuulada Abqaale ay ku biirayaan ciidamadii horay ugu sugnaa Ceelberde.

 

Dhinaca kalena waxaa diyaar garow xooggan dhinacooda ka wada isbahaysiga Xaabsade taageero ee ay ka midka yihiin Isbahaysiga Dooxada Jubba, Maamulka Shabeellada Hoose iyo kooxaha taageersan Xaabsade.

 

Ahmed Mohamed Aden (Ahmed Timajilic)

Gedonet Online

Beledxaawo - Soomaaliya

 

 

At least 30 killed in new Somali clan violence

MOGADISHU, 7 June 2005 (AFP) - At least 30 people have been killed and scores wounded in 48 hours of inter-clan fighting in two separate strife-torn regions of Somalia, witnesses and clan elders said on Tuesday.

 

The fighting in the central Galgudud region and the northern town of Beletweyne opposes rival militias in factional feuds over unsettled scores and banditry, and is not believed to be linked to disputes over the war-shattered country’s transitional government in exile, they said.

 

On Tuesday in Galgudud, brief but intense battles between fighters from the Sa’ed and Sulemani subgroups of the ****** clan killed at least 12 people and wounded 18 others, said Mumin Hadji Ali, an elder from a neutral faction.

 

“We don’t know who started the fighting, but each side says it was attacked first,†Ali told AFP in Mogadishu by radio from the region.

 

Another witness, who did not want to be named, said the fighting was heavy and had erupted despite a truce agreement the two sides had reached two months ago.

 

After a lull of several hours, fighting between gunmen from the rival Galjeyil and Jajolo resumed Tuesday at the Beletweyne trading post about 300 kilometers (185 miles) north of Mogadishu, witnesses said.

 

On Monday, fierce clashes there killed at least 18 people, including a child, and wounded 23, not including militiamen injured during the battle, according to Elmi Yassin, a businessman in Beletweyene who was attempting to mediate the dispute.

 

Some witnesses said the fighting was linked to banditry, while others blamed it on long-running disputes over water and access to pastures.

 

Somalia has lacked an effective central government since the 1991 ouster of strongman Mohammed Siad Barre split the vast desert country of some 10 million people into a patchwork of fiefdoms governed by unruly warlords.

 

Somalia’s new leaders, who were sworn into office in Kenya late last year, are still based in Nairobi owing to widespread insecurity in their own country.

 

Source: AFP, June 07, 2005

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Allow dadkeyna kala badbaadi. Aamin.

Aamiin!

 

This is why this government HAS to succeed! It lies in the hands of first of all C/Yussef, but also every minister and MP that was involved in the downfall of it and also those that could have saved it, but didn't. The International Community cannot be blamed, even though they fail to understand that for this particular government; moving to Muqdisho directly and also succeed in providing the people a central government is like having your cake and eat it. It's just not possible.

 

Calaa kuli xaal, if I may wind.talker, I'd like to add this article that threw me off a little bit. It highlights a small but ignored aspect of our country that is being destroyed in an alarming rate. Our flora and fauna in the south, especially from Hiiraan to the Jubba Valley.

 

 

Hey’adda Seja oo Warsaxaafadeed Kasoo Saartay Xadgudubyada Deegaanka Soomaaliya

- Sunday, June 05, 2005 at 20:35

 

Tacadiyo ceynkee ah ayaa loo geystaa Dameeraha, Xoolaha kale iyo Dhirta

 

 

 

 

Muqdisho (AllPuntland)- Hey’adda Somali Environemtal Journalists Association (SEJA) oo xarunteeda tahay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed ku aadan dhibaatooyinka loo geysto deegaanka, iyadoo ku soo beegtay xuska maalinta caalamiga ah ee deegaanka Aduunka oo ku beegan 5 Juun, Warsaxaafadeedka oo sidiisa u qoranna waa kan hoos ku qoran.

 

 

 

Xadgudubyada lagula kacayo deegaanka Soomaaliya ma ahan kuwo hada soo bilowday hase ahaatee waxay curteen xili ay dalka ka jirtay Dowlad. Sanadihii siddeetameeyadii ayey ahayd markii ay ganacsato isku halleyneysa Jaalle Maxamed Siyaad Barre ay billaabeen inay ugaarsadaan Maroodiga si ay ugala baxaan faantiisa, uguna iib geystaan dalalka dibadda, dokumenti laga helay guriga mid ka mid ah xaasaskii Jaalle Siyaad ayaa caddeynaya in faanta Maroodiga ay ka iibsan jireen Shirkad Jabbaan ah oo la yiraahdo TANGE & CO., LTD. ( K.K. Tange Shokai ), taasoo si toos ah u qaadan jirtay faanta Maroodiga iyo qolofka dusha uga dahaaran xayawaanka loo yaqaan Diinka.

 

Xilligaas ayuuna soo billowday dabargoynta lagu hayo duurjoogta Soomaaliyeed, hase ahaatee waxay ka dar oo dibi dhal noqotay wixii ka dambeeyey dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyadoo ay soo if baxeen ganacsato ay waddaniyaddu ku yar tahay oo shaqo ka billaabay dhoofinta dhuxusha, kuwaasoo heshiisyo ka ganacsi dhuxul lasoo galay beecmushtarro carbeed, waxayna billaabeen inay dhuxusha si xad dhaaf ah uga raraan dekedaha dalka.

 

Sahan ballaaran iyo tirakoob sugan oo dhawaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dekedda dabiiciga ah ee Ceel Macaan ay tahay halka xuddunta u ah ee laga dhoofiyo dhuxusha ugu badan, waxaana halkaas laga raraa dhuxul dekedo badan laga soo diiday in laga dhoofiyo. Dhuxusha laga dhoofiyo goobtaas waxaa badankeeda laga keenaa gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo goobo ka mid ah Jubbooyinka, iyadoo jarista geedkana loo isticmaalo mishiin casri ah oo si fudud u goynaya geedka. Ma aha dekedda Ceel Macaan oo keliya halka laga dhoofiyo dhuxusha, balse waxaa iyadana abuurmay deked kale oo macmal ah lagana sameeyey agagaarka Ceel Cadde oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Cisalley ee Waqooyiga Muqdisho, sidoo kale Dekadda Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa iyadana saldhig u noqotay dhoofinta dhuxusha, iyadoo dekedda Kismaayo ay ilaa iyo hadda ka socoto raridda dhuxusha. Waxaa kaloo jira goobo kale oo si qarsoodi looga raray dhuxusha.

 

 

 

Waxaa si aad ah isu soo taraya xaalufka Geedaha waxtarka u leh Noolaha sida geedka loo yaqaan Mooganaha, Shawriga, Baxar Saafka, Suuf Xarirka iyo Camba Qaroofowga oo caan ka ahaan jiray Soomaaliya waxaa hada la dhihi karaa in ay dabar go’een Geeddo cimrigooda jiray in ka badan Hal Qarni iyo Bar sida geedka Suufka oo badanaa ku teedsanaan jiray Webiga Jiinkiisa.

 

 

 

Geedka Suuf Xariirka ayaa badanaa waxaa loo isticmaalay in laga sameeyo Looxda Dugsiyada Quraanka iy Gambarada, Geedka Mooganaha oo ahaa Geedka loogu jeclaa isticmaalkiisa loona isticmaali jiray dhismaha Jembiyada Baabuurta, Adkeynta Laangaroonaha hoose, Jiifka Guryaha iyo qalabka xafiisyada ayaa hada gebi ahaanba dabar go’ay, waxaa isna sidoo kale dabar go’ay Geedka ku soo xiga ee la yiraahdo Baxar Saabka oo hada aysan ishaada qabaneyn marka aad mareyso koobihii uu Geedkaas sida ba’an ugu ooli jiray. Isticmaalka Geedka Baxar Saabka ayaa wuxuu kala mid yahay Geedka Mooganaha

 

 

 

Geedka Showriga ayaa hada ku arkeysaa beeraha sida gaarka ah loo leeyahay, iyadoo geedkan laga soo cirib tiray goobo badan oo si ba’an ugu bixi jiray inkastoo hada uu yahay geedka kaliya ee kasoo haray geedaha muhiimka ahaa, Showriga ayaa waxaa loo isticmaalaa tiirarka dhismaha guryaha waxaadna arkeysaa isagoo la jeex jeexay oo lagu iibinayo suuqyada dalka.

 

 

 

Arinta ugu murugada badan ayaa waxay tahay dabar go’a ku yimid geed miroodka Camba Qaroofowga oo aysan jirin cid u tixgelisay geed mirood ahaan, Geedka Cambaha ayaa waxaa loo isticmaalaa sida geedaha oo kale qalabka xafiisyada, Dhismaha Jimbiyada Baabuurta iyo Alaabta Jiifka, qiimaha la kala siisto geedka Camba Qaroofowga ayaa ah mid aad loola yaabo waxaana geedka Kontan Jirka ah la kala siistaa Boqol iyo Kontan ilaa Labo Boqol oo Shillin So, ah iyadoo mar kasta uu qiimaha la socdo Dhumucda uu geedka leeyahay.

 

 

 

Mooganaha ayaa la kala siisan jiray geedkiiba Sadax Boqol Kun oo Shillin So. Ah halka geedka Baxar Saafka la kala siisan jiray Labo Boqol iyo Konta Kun Sh. So., halka Suuf Xariirka uu ahaan jiray qiimahiisa Sadax Boqol Sh. So. geedka kaliya ee hada ku haray gobolka Sh/hoose ayaa Showriga oo hada isagu la kala siisto Labo Boqol Kun Sh. So.

 

 

 

Xaalufka lagu haayo dhirta gaar ahaan tan laga shido dhuxusha ayaa sababtay dabar go ku yimid noocyo ka mid ah dhirta iyo deegaanada Jubooyinka, Shabeellooyinka, Bay iyo Bakool iyo Hiiraan, waxa kaloo jirta in ganacsatada ku howlan dhoofinta dhuxusha ay sababeen khilaadyo dhiig ku daado oo badanaa ka dhaca goobaha ay dhirta kasoo jarayaan, kuwaasoo dhex mara dhuxul shidatada iyo dadka degan goobaha laga soo jarayo geedaha.

 

 

 

 

 

Xagga duurjoogta waxaa fashilmay isku day la damacsanaa in dekedda Ceel Macaan Markab taagnaa lagu raro noocyo kala duwan oo duurjoog ah, kaasoo markii la saaray boqol iyo toban neef oo Deero ah ay isla markiiba markabka dushiisa ku dhinteen laba iyo sagaashan neef, kadib markii ay u adkeysan waayeen dhaqdhaqaaqa iyo dheellinta Markabka oo aad uga duwanaa dabeecadda deegaanka ay ku noolaayeen, taasina waxay sababtay in intii hartay iyaga oo aad u liita in laga soo dejiyo Markabka.

 

Duurjoogta Soomaaliya qaar badan oo ka mid ah ayaa qarka u saaran inay dabar go'aan sida Maroodigii iyo Wiyishii dalkeenna oo maanta aan midkoodna laga heleynin gudaha dalka Soomaaliya.

 

Haramcadka iyo Shabeelka ayaa loo ugaarsadaa in isagoo nool loo iib geeyo dalalka Carbeed ama lagala baxo maqaarkooda quruxda badan, Libaaxa ayaa u dhinta duftiisa iyo maqaarkiisa, Jeerta wabiga waxaa loo dilaa Iligeeda, hilibkeeda, subaggeeda iyo haraggeeda, Sagaarada ayaa loo dilaa in hilibkeeda lagu daweeyo Carruurta xiiqdheerta qabta sida ay rumeysan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed. Diirdiirka, Deerada iyo Cawsha ayaa loo ugaarsadaa si loo cuno hilibkooda iyadoo mar mar marna la dhoofiyo.

 

Bakaylaha ayaa noqday mid si joogto ah loo keeno Suuqyada Muqdisho qaarkood si hilibkiisa loo cuno, sidoo kale lo' gisida ayaa hilibkeeda si rasmi ah looga helaa Maqaayadaha Tuulooyin ku yaal gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe sida Husungu, Kudhaa, Xaliimo Caddey iyo kuwo kale.

 

Goroyada iyo Geriga waxaa loo ugaarsadaa in iyagoo nool dibadda loo iib geeyo,Galeyrka iyo Qaandhawga ayaa si joogto ah loogu dhoofiyaa dalalka khaliijka, dabadedna Amiirrada, Sheekhyada iyo Maalqabeennada Carbeed ayaa ku raaxeysta duullimaadkooda quruxda badan iyo qqbka tababaran ee ay isu ugaarsadaan labadaas Shimbir.

 

Qaar ka tirsan duurjoogta ayaa kasoo qaxay deegaannadii ay ku noolaayeen kadib markii la jaray dhirtii gabbaadka u ahayd, halkaas oo uu ku batay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka, kuwaasoo cabsi weyn geliyey duurjoogta, sababayna inay si biimo ah u soo galaan Magaalooyinka.

 

Xayawaankaas waxaa ka mid ah Mukulaal Shabeelka, Manso Lugaaleyda, Daanyeerka , Guduudanaha iyo Waraabaha oo aad warbaahinta horey uga maqasheen in horraantii sanadkii 1997-kii laba Waraabe lagu toogtay inta u dhexeysa dhismihii Wakaaladdii Madbacadda Qaranka iyo dugsigii sare ee Bartamaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa wada dhoofin ay ku hayaan qaar duurjoogta ka mid ah sida Haramcadka, Libaaxa, Geriga, Gorayada iyo noocyo ka tirsan Shimbiraha quruxda badan.

 

 

 

Xoolaha dheddiga ayaa iyana ka mid ah waxyaabaha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo dalka in kastoo maamullada qaarkood ay sharciyo kasoo saareen, , haddana waxaad jira in weli dhoofinta xoolaha dhedig uu ka socda Gobolada Koonfurta Soomaaliya oo ah goobo aysan ka jirin wax kala danbeyn ah

 

 

 

Waxaa ayaan daro ah in beeraleyda Gobolka Sh/hoose qaarkood ay shaqaalaha beeraha u fala siiyaan kaniiniga loo yaqaan Ephadrin, iyagoo ugu qasa weel weyn kadibna cabsiiya taasoo keeneysa in shaqaalaha masaakiinta ah ay falaan tiro dheeri ka ah intii Jibaal ee lagula heshiiyay, sidoo kale Ganacsatada xoolaha nool ayaa iyaguna kaniinigan siiya xoolaha mudada lagu jiro safarka, taasoo ay ugu gol leeyihiin in xooluhu aysan nasan dhaqsana u gaaraan halkii loo waday, waxaa kaloo kaniinigan la siiyaa Dameeraha biyaha ka dhaamiya xaafaddaha isku raranta ah iyo kuwa jidadkooda burbursan yihiin, si dameerku u maro meelaha cariiriga ah iyo xaafadaha jidadkooda burbursan yihiin si uu u maro taasoo lid ku ah xaquuqda Xayaanka

 

 

 

Waxaa jira sharci Caalami ah oo ay isla oggolaadeen dalalka ku jira Qaramada Midoobay sanadkii 1975-kii, kaasoo mamnuucayey ka ganacsiga xayawaanka iyo geedaha, waxayse oggolaadeen in shatiga ka ganacsigooda ay bixin karto dowlad sharci ah.

 

 

 

Xukuumaddii ugu dambeysay ee Maxamed Siyaad Barre xilligeedii waxaa jirey sharciyo kala duwan sida dakareeto lambarkeedu ahaa 27, soona baxday 27-kii bishii Oktoobar 1969-kii, taasoo gebi ahaanba mamnuucaysay dhoofinta dhuxusha iyo sharcigii xannaanada xoolaha ee lambarkiisu ahaa 20, soona baxay 27-kii Juun 1967-kii, kaasoo xaaraan-tinimaynayey dhoofinta dhedigga Geela, Ariga, Fardaha, iyo Dameeraha.

 

 

 

Ugu danbeynti waxaan ugu baaqeynaa Madaxda dalalka Carbeed ee loo dhoofiyo qeyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya iney sharciyo adag kasoo saaraan iibsiga ay ganacsatadooda ku hayaan duur joogta iyo dhuxusha dalkeena laga dhoofiyo, sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan waxaan ugu baaqeynaa iney xoojiso shuruucdii horay dalka ugu tiilay ee ilaalinta deegaanka.

 

 

 

MAGAALOOYIN CAGAARAN

 

Somali Environemtal Journalists Association (SEJA)

 

mmneero@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wind SBC ma AllPuntland oo kale ayee noqotay? You first article is highly inaccurate, and to speak bluntly, waxay qoreen waa been.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Where should we look for the truth? Anyhow it is sad but like SKY said only through the government can we end or at least minimise these types of clashes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by HornAfrique:

Wind...You first article is highly inaccurate...waxay qoreen waa been.

You're right, bro. I guess the SBC folks were misinformed and had fixed the problem. Reporters sometimes make mistakes, as you'll find a 'corrections' section in all major American newspapers.

 

Anyways, this is SBC correcting the mistake:

 

Sixid war ku saabsan dagaal ka dhacey degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo

 

SBC-11.June.2005 Ka dib markii xaley qaybta Internet-ka iyo Idaacada SBC uu ka baxey war ku aadanaa dagaal dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka dhacey degmada Garbahaarey ayaa waxaa na soo gaarey fariimo kala duwan oo ku saabsanaa jiritaanka dagaalkaas uu soo tabiyey wariyaheena magaalada Balad-xaawo in uu ka dhacey degmada Garbahaarey, waxaana xiriiro Idaacada xaga E-mail-da ah oo na soo gaarey ay muujiyeen in aan hubino in dagaal Dad ku dhinteen uu ka dhacey degmada Garbahaarey.

 

Hadaba warar kala duwan oo aynu ka helay degmada Garbahaarey iyo meelo kale oo ka mid ah Gobolka Gedo isla markaana wariyaheena deegaankaas uu la sameeyey Dad kala duwan ayaa naloo cadeeyey in uusan dagaal ka dhacey magaalada gudaheeda oo keenay dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee dad goob joogayaal ah ayaa waxay cadeeyeen in agagaarka degmada uu ka dhacey iska horimaad dhexmarey laba kooxood sahan oo isku dhacey balse lama sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo uu sababey iska horimaadkaas.

 

Waxaan u mahadcelinaynaa Dadkii inagu dhiirigaliyey inaynu warkaas saxno oo sida uu yahay aan u baahino.

 

SBC Webmaster.

 

But HORN, the point is the re-emergence of intra-tribal warfares across all of Somalia. That's really the disheartening issue here.

 

DUKE -

 

I'm not convinced that the 'government' is completely impartial to these new wars, especially in the politically-motivated state of war in Baydhabo area. Faith in Islam, combined with a sense of nationalism, is Somalia's route to redemption - not a 'government' founded on injustice (i.e. labelling an entire group of Somalis as 'Others' - that really irks the living daylights outta me).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

You're right, bro. I guess the SBC folks were misinformed and had fixed the problem. Reporters sometimes make mistakes, as you'll find a 'corrections' section in all major American newspapers.

As long as SBC made their corrections they are still believable. I guess they are nothing like AllPuntland after all :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Originally posted by HornAfrique:

quote: You're right, bro. I guess the SBC folks were misinformed and had fixed the problem. Reporters sometimes make mistakes, as you'll find a 'corrections' section in all major American newspapers.

As long as SBC made their corrections they are still believable. I guess they are nothing like AllPuntland after all
:Ddid AllPuntland give your computer a virus or something? AP didnt even report on the whole issue for crying out loud? seriously what is so evil about AllPuntland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this