Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Qabyaaladaan qurunkeeda ila arka

Recommended Posts

Kiiskaan dulinimada ah in badan la qarinaaye maalmahaan soo shaacbaxay. Ila aqriso:

320703682_462985609339284_28704375653939

"September 07, 2022 ayaa askar taraafiko ah oo jid furanaysa waxay xaafadda Macaani ee Tareedisho ku dhaawaceen walaalkey Maxamed Xaashi Faarax oo 17 jir ahaa. Waxaan gaynay isbitaalka Digfeer, askarigii dilayna waxaa habeenkaas lagu soo xiray xarunta Taraafikada, oo looga sii gudbiyay Xabsiga Dhexe.

Xeer ilaalinta ayaa dhegaysatay eedeymaha loo haysto Cabdi Maxmed Amin oo ah askarigii dilay walaalkey iyo 6 qof oo marqaati ah oo joogtay goobta ay wax ka dhaceen.

October 20, 2022 ayuu walaalkey u dhintay dhaawicii. Intii uu isbitaalka ku jiray waxaa noo yimid qoyskii askariga, waxayna noo keeneen $1,000 oo aan u kaashannay qarashkii daawada intii uu dhaawaca ahaa. Waxayna odayaasha dhaqanku isla garteen in ay iska warsadaan wixii soo kordho.
December 07, 2022 ayaa noogala yeeray Maxkamadda Ciidamada. Waxaana nala hor keenay askarigii dilay walaalkey oo marqaati ah oo nin kale oo Jareer ah ku marqaatifuraya in uu walaalkey dilay.
Dorraad ayaa askarigii laga sii daayay Xabsiga Dhexe. Shalayna waxay Maxkamadda Ciidamadu dil toogasho ah ku xukuntay Cabdinaasir Cusmaan Nuunow oo ay ku sheegtay qisaasta dilkii walaalkey Maxamed Xaashi Faarax.

Ma ogi ninka dilka lagu xukumay waxa uu yahay, balse waxaan caddeynayaa in uusan dilin walaalkey Maxamed Xaashi Faarax. Walaalkey ninkii dilay waa naqaannaa, 6 qof oo marqaati ah ayaa ku caddeysay, odayaashiisa dhaqankuna way nala xaaleen, oo iyaga ayaa bixiyay qarashkii daawada intii uu dhaawaca ahaa."

Dhacdadaan waxaa iiga sheekeeyay saaxiibkey Abdullahi Hashi Farah, oo la dhashay marxuum Maxamed Xaashi Faarax.

- Qore Xuseen Sabriye

_________________

Kan wax dilay la qarinaayo waa Xasan Sh. qolodiisa. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wow. 1991 all over.  

Qof Soomali ah baa 'looma ooyaan' laga soo qaada oo mid kale  'looma ooyaan' laga dhiga oo loo dilayaa. 

SubxaanaAllah,  markaas aa nabad wadanka laga rajeynayaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.