Sign in to follow this  
General Duke

Progress made in talks between Galgaduud districts and Puntland state

Recommended Posts

Garoowe: Wafdi ka socda beelaha Galgaduud oo maanta Garoowe ka soo saarey war-saxaafadeed

- Sunday, January 23, 2005 at 10:43

 

Garoowe (AllPuntland) Wafdi ka socda beelaha ********* ee daga gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa qoraal saxaafadda loogu talo galay oo ay soo saareen Garoowe, waxay ku sheegeen inay doonayaan inay ku soo biiraan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

 

 

 

Warsaxaafadeedkan oo nuqul kamid ahi uu soo gaarey xafiiska AllPuntland ee Garoowe ayaa waxaa ku saxiixan Suldaan Siciid Cusmaan Faarax iyo xubnaha kale ee wafdiga oo isugu jira duqey, saraakiil iyo aqoon-yahano – kaas oo tiradiisu dhan tahay 14 xubnood.

 

 

 

War-saxaafadeedka oo lagu sheegay ujeedada iyo nuxurka wafdigu u joogo Puntland ayaa qodobadiisu waxay u qoran yihiin sidan:-

 

In la dhameeyo wada xaajoogyadii soo jiitamayay ilaa bishii janaayo sanadkii 2000 oo ku saabsanaa in l adhamaystiro kamid noqoshada Puntland beelihii ka maqnaa dhismeheedii bishii August 1998kii, kana qayb-galay shirkii wada tashiga beelaha waqooyi-barri, Soomaaliya oo loogu googol-xaaray dhismaha dowlad-goboleedka Puntland, kana baaqday sababo jirey awgeed

In la diyaariyo, lana qeexo wakhtiga laga wada hadli lahaa is-raaca iyo dhamaystirka ku biiritaanka iyo maamul-qaybsiga Puntland, waxay noola muuqataa in la joogo wakhtigii la dhagaysan lahaa dareenka, ruuxa, danta joograda ah ee bulshada iyo himiladooda, lana fulin lahaa. oo laga gudbi lahaa dhagaysiga shaqsiyaad, koox ama kooxo aan ka warhayn baahida dhabta ah ee beeleed ama bulshada, kana faniinay ama ka baydaday, beelohooda/beeshiisa lehna dan ama dano ma dhalays ah oo aan waligood guuleysan karin, maantana la joogo in bulshada laga gudbiyo xanibaadyada iyo qoqobyada ay hordhigeen.

In loo guntado midabeynta iyo nabadeynta beeleed, mideynta iyo nabadeynta gobolada iyo degmooyinka wadaaga danta aan kala go’i karin kalana hari karin.

Hadaba, markii warsaxaafadeedkaasi soo gaarey xafiiska AllPuntland – kadib ayaa Salduun Siciid Cusmaan Faarax oo hogaaminayay wagdiga waxaan waydiinay, baahida hadda keentay qorshana ay wadaan wuxuuna yiri “Beeshaani (********* ) waxay kamid ahayd beelihii ku midaysanaa gobolka W/barri Soomaliya sanadkii 1995tii. Danta ka dhaxaysa beesha ********* iyo beelaha Puntland dhistay waa mid joogto ah oo aan marna kala go’i karin, waxaana kala harkii (1998kii) keenay khilaaf wakhtigaas taagnaa, haatana waxaa la joogaa, wakhti loo bisilyahay, in la dhameyo ama laga gudbi khilaafkaas…â€

 

 

 

Suldaan siciid oo ka jawaabayay bal in beesha ********* ee Gedo degtaa ay kamideysan tahay qorshaan iyo in kale ayaa yiri “In badan baan ka wada soconaa, ku biiritaankan, ayadoo gobol walbaba uu leeyahay, dan iyo duruuf u gaar ah…â€

 

 

 

Ugu dambeyna Suldaan Siciid, wuxuu sheegay in Puntland si wayn loogu soo dhawaayay, walise aysan la kulmin Madaxwaynaha Puntland balse ay leeyihiin ballan dhow.

 

 

 

 

 

Magacyada wafdiga ee warsaxaafadeedka saxiixay waxay kala yihiin:-

 

Suldaan Siciid Cismaan Faarax

Col. Cabdirasiid Cabdullaahi Gooje

Col. ***** Maxamed Warsame

Col. Xasan Muuse Samatar

Co. Maxamed Aadan Cali

Col. Axmed Maxamed Raage

Dr. Bille Salaad Diini

Dr. Jamaal Soobe Cilmi

Nabadoon Xasan Cilmi Jaamac

Nabadoon Adan Ciise Dhicisow

Nabadoon Aadan Cabdinuur Galaal

Samadoon Cabdi Aadan Dhagwayn

Samadoon Cabdirashiid C/laahi Macalin

Samadoon Aadan Xirsi Yuusuf

 

 

Faahfaahinta wafiga kala xiriir email; gooje64@yahoo.com

 

 

 

Faarax Yuusuf Nuur (KK)

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Beeshaani (********* ) waxay kamid ahayd beelihii ku midaysanaa gobolka W/barri Soomaliya sanadkii 1995tii. Danta ka dhaxaysa beesha ********* iyo beelaha Puntland dhistay waa mid joogto ah oo aan marna kala go’i karin,
waxaana kala harkii (1998kii) keenay khilaaf wakhtigaas taagnaa, haatana waxaa la joogaa, wakhti loo bisilyahay, in la dhameyo ama laga gudbi khilaafkaas
â€

Is it me or is this a coincidence that wakhtigaan "bisil" came as soon as the Col left for Nairobi? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

You think that the Col isn't deeply involved with the affairs concerning Pland, just because he's located elsewhere?

It's not as if the Col is watching this matter powerless or that he's preoccupied. That would be very naïve.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn, bro you must be day dreaming. President Yusuf is behind this new feel good factor between the above clans. He has won so many doubters are now joining the ever growing crew.

Look is it coincidence he becomes President, there is rumour of agreement between Hiiraale and Morgan and all of a sudden Cabudwaq is looking to join Puntland?

 

It seems that some are now looking to Garowe as the centre of power instead of Mogadishu as was the case with Arta. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this