Sign in to follow this  
Deeq A.

MUUSE BIIXI oo toddoba shardi ku xiray wada-hadal uu la galo DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shuruudo adag oo gaaraya illaa toddoba ah ku xirtay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya kadib hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan u sheegay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland, oo soo saartay qoraal jawaab ah, ayaa sheegtay in wada-hadallada ay galeyso haddii la fuliyo toddoba shardi, waxaana ay kala yihiin:

1. Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Somaliland waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.

2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo loo fuliyaa si deg deg ah. Tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsooni.

3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin caalami ah oo dhexdhexaad ah, kaas oo sidoo kale dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka.

4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta. Xoghayntu waa inay noqotaa mid karti leh, xirfad leh, dhexdhexaad ah oo aan eex lahayn oo si adag sir u ah.

5. Waa inay jiraan mabaadi’ muhiim ah iyo xeer hab-dhaqan oo wada-hadalka saldhig looga dhigayo.

6. Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada.

7. Waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan.

The post MUUSE BIIXI oo toddoba shardi ku xiray wada-hadal uu la galo DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this