Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf: on stability, Kismayu and NRC

Recommended Posts

china.jpg

 

Wareyso Dheer Oo Lala Yeeshay Madaxweynaha Dowlada KM G aAh Ee Soomaaliya

Posted to the MOL June 30, 2007, 8:41 am

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in shirka dib u heshsiinta qaran uu u furan yahay cid waliba oo soomaali ah isla markaana aan ku jirin liiska argagixisada caalamka .

 

Wareeysi gaar ah oo uu siiyay idaacada Horn Afric ayuu madaxweyne Yuusuf ku muujiyay rajada uu ka qabo in uu qabsoomo kulanka dib u heshiisiinta qaran oo uu sheegay in ay tahay fursada muhiim ah .

 

Waxa uuna madaxweynaha uu sheegay in dowlada KMG aysan diidaneyn in maxaakimtii islaamka ay ka soo qeyb galaan shirkaasi laakiin ay ka imaanayaan dhanka beelahooda .

 

Mar la weeydiiyay doorka dowlada ee socodsiinta shirka ayuu sheegay in gudiga dib u heshiisiinta qaran ee uu hogaamiyo Cali Mahdi Maxamed u madax banaan yihiin howlaha shirka .

 

Wareysigaasi dhinacyda badan taabanayay ee lala yeeshay Madaxweyne Yuusuf ayuu sheegay in dagaalkii ka dhacay Muqdisho lagu qasbay dowlada KMG isla markaana ay dowladiisu wax ku raadineysay wadahadal iyo deganaasho .

 

Waxa uuna intaa raaciyay in lala garan waayay dowlada KMG wanaaga wadahadalada iyo nabada taasina ay keentay dagaalkii xooganaa ee magaalada looga saaray maxaakimtii islaamka .

 

Madaxweyne Yuusuf mar wax laga weydiiyay goorta ay ciidamada Itoobiya dalka ka baxayaan ayuu si deg deg ah ugu jaaabay oo uu yiri waxa ay baxayaan marka xalka Muqdisho wax iska badalaan .

 

“Goorma ayaad jeclaan laheyd in ay baxaan , waxaan kuu sheegayaa in dalka inta uu sidaan yahay in aysan baxeyn ciidamada Itoobiya , anaga ayaa u yeeranay marka howsha nabad soo celinta u dhamaato ayay baxayaan”sidaa waxaa yiri maadxweyne Yuusuf.

 

Xiisadaha ka aloosan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayuu madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay Kismaayo waxa ka jira in ay yihiin dowlad diidnimo isla markaana aan loo sii dul qaadan doonin .

 

“Waa aynu ognahay waxa ka jira Kismaayo kooxo diidan dowlada ayaa doonaya in ay haystaan , dowlada arintaasi wadahadal ayay ku dajineysaa laakiin haddii dhankaasi wax lagu keeni waayo dowlada gacanta kama laaban doonto”ayuu yiri C/lahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweyanaha oo wax laga weydiiyay waxa dowladiisa uga hir galay qodobada dastuurka dalka ayaa sheegay in aan la dhihi karin wax baa ka hir galay isaga oo arintaasi dusha eedeeda ka saaray shacabka oo uu sheegay in ay dowlada la shaqeyn.

 

“Dad ayaa aaminsan oo is leh dowlada mudada yar ee u hartay carqalad ugu dhameeya , taasi ma dhaceyso xittaa haddii waqtiga uu u dhamaado iyada ayaa dalka sii xukumeysa”ayuu yiri madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya .

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliya in ay la shaqeeyaan dowlada kMG ah ee Soomaaliya si ay uu guuleysato dhameeystirka howlaha hor yaal

 

Waxa uuna tibaxay in dowladiisa ay ka go`an tahay xasilinta dalka Soomaaliya , isaga oo yiri iminka dowlada wax ay xareeyneysa ciidamo si ay u noqdaan ciidanka xooga kuwaasi oo la doonayo in nabad ay xoojiyaan .

 

Ugu dambeeyntii madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa Ummada Soomaaliya meel waliba oo ay joogto ugu hambalyeeyay munaasabada kowda Luuliyo oo ah markii dalka uu xornimada qaatay .

Wexa uuna ummada Soomaaliya ku adkeyay xoojinta midnimada shacbaka Soomaaliya si cadaw walia looga hor tago.

 

Cismaan Xasan Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites
“Waa aynu ognahay waxa ka jira Kismaayo kooxo diidan dowlada ayaa doonaya in ay haystaan , dowlada arintaasi wadahadal ayay ku dajineysaa laakiin haddii dhankaasi wax lagu keeni waayo dowlada gacanta kama laaban doonto”ayuu yiri C/lahi Yuusuf Axmed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF : “Shirweynaha Qaran ee dib u heshiisiinta lagama yaabo inay ka soo qeyb galaan kooxo sheegta Maxaakiim iyo ururo siyaasadeed”

29. June 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka warbixiyay shirweynaha dib u heshiisiinta ee la filayo in 15-ka Lulyo uu ka dhaco magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid beeleed oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed, kuwaasoo la filayo inay ku gaaraan heshiis buuxa.

 

“Shirku waa mid beeleed, beelaha Soomaaliyeedna way ka soo qeyb gelayaan, balse ma aha mid ay ka soo qeyb gelayaan ururro ama xisbiyo siyaasadeed iyo kooxihii Maxaakiimta amaba kuwo xiriir la leh argagixisada” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in aan weli la gaarin xilliga xisbiyada iyo ururrada siyaasadeed ay la xaajoon lahaayeen dowladda Federaalka.

 

Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhinaca kale sheegay inay dowladda Federaalka tallaabo adag ka qaadi doonto sugidda amniga isla markaana ay wax ka qaban doonto falalka xasilooni darrida ah ee ka jira gobolada dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in dowladdu tahay mid dib u heshiisiin isla markaana ay diyaar u tahay inay la hadasho dhinacyada ay siyaasadda isku hayaan marka laga reebo kooxo uu ku tilmaamay inay xiriir la leeyihiin argagixisada, kuwaasoo aan ogoleyn in wax walba lagu dhameeyo wadahadal.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNE YUUSUF: “Dowladdani waqtigeeda waa kooban yahay, mana sii jireyso, sidaas darteed waxaan Shacabka ugu baaqayaa in ay Shidada iska daayaan oo ay Danahooda iyo Mustaqbalkooda gartaan”

 

“Haddii Dadka qaarkiis is-leeyahay Dowladda Federaalka Shanta Sano ka dhameeya, taasi ma dhaceyso, annaguna meesha ka tegi meyno iyadoo aan xal loo helin Soomaaliya”Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed

 

 

Sabti, June 30, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay shidada iska daayaan oo ay gartaan danahooda iyo Mustaqbalkooda, isagoo carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uu waqtigeeda kooban yahay, isla markaana aysan meesha iska joogi doonin.

 

“Dowladdani waqtigeeda waa kooban yahay, mana sii jireyso, sidaas darteed waxaan Shacabka ugu baaqayaa in ay Shidada iska daayaan oo ay Danahooda iyo Mustaqbalkooda gartaan” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in haddii fowdada iyo shidada ay sii socoto aysan jiri doonin doorashooyin dhaca iyo Xisbiyo la sameeyo.

 

“Haddii Dadka qaarkiis is-leeyahay Dowladda Federaalka shanta sano ka dhameeya, taasi ma dhaceyso, annaguna meesha ka tegi meyno iyadoo aan xal loo helin Soomaaliya”ayuu mar kale madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Arrimaha Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay amni darrada jirta ka dambeeyaan kooxo sida uu yiri magacyo kala duwan la baxay sida Muqaawamo iyo Ansaar, wuxuuna sheegay in ay Dowladda horay arrimaha Amniga wax uga qabtay, haatanna ay ka qaban doonto.

 

Wuxuu ka hadlay Madaxweyne Yuusuf Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono, wuxuuna si cad u sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu heshiisiinayo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadaha dhexmareen,”Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Shirkii Kenya ayay ku soo heshiiyeen, shirkanna waa mid loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay shirkaasi ka qeybgeleyso cid kasta oo ay beesheeda soo dirsato, wuxuuse diiday in ay shirka ka qeybgeli karaan Dad uu sheegay in ay ku jiraan Liiska Argagixisada.

 

Madaxweynaha waxaa uu laalay oo uu diiday in dalka Soomaaliya ay heystaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga ay ku yimaadeen si sharci ah iyo rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in marka laga maarmo ay bixi doonaan.Dhanka kalena, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo, isagoo ugu hambalyeeyay munaasabadda 47 guuradii ka soo wareegtay markii ay Soomaaliya xornimadeeda ka qaadatay Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, wuxuuna u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in ay munaasabaddan teeda kale ku gaaraan Nabad, Horumar iyo Baraare.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu cafis u fidiyay xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo ka soo horjeeday Dowladda Federaalka oo xabsiyo ugu jiray, iyadoo cafiskaasna ay si weyn u soo dhaweysay Beesha Caalamka oo ku tilmaantay tallaabo loo baahnaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

(KP):-Madax wayne C/laahi Yuusuf ‘’Magaalada Kismaayo hadii waan waan wax lagu xalin waayo fursanmayso awood in lagu muquuniyo Nabad diidka’’

 

Madax waynaha DFKMG ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horaysay tan iyo 23 April war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose xaalada ka tagan waxaaana uu sheegay in magaalada Kismaayo ay gacanta ugu jirto kooxo dowlad diid ah waxaana uu dhaliilay kooxaha falalka amaan darada ah ka wada magaalada Kismaayo.

C/laahi Yuusuf Axmed madax waynaha soomaaliya ayaa waxaa uu yiri ‘’Magaalada Kismaayo hadii waan waan wax lagu xalin waayo fursanmayso awood in lagu muquuniyo Nabad diidka’’ oo uu ula jeeday kooxaha magalada kismaayo kula dagaalay maamulkii gobolka ay dowlada soomaaliya u soo magacawday iyo ciidabka dowlada soomaaliya.

 

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ka taagan tan iyo 23kii April falal amaan daro ah oo ay dadka deeganka ah kula kacayeen maleeshiyaadka Gobolka Gedo iyo Galguduud ka soo duulay ee dulmiga ku haya dadka deegaanka,iyadoo haayadaha xuquuda aadamaha ee ka hol gala gobolka ay ku eedeeyeen maleeshiyaadka halkaasi jooga in ay ka sameeyeen falal amaan daro iyo dhac hanti shakhsiyayeed ka gaysteen.

 

Webmaster@kismaayopost.com ,Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

maleeshiyaadka Gobolka Gedo iyo Galguduud ka soo duulay ee dulmiga ku haya dadka deegaanka

Saa waa kuwa Puntland ka soo duulay ee dulmiga ku haya dadka deegaanka Banaadir see la yeelayaa?

 

Cabdulahi amxaar wuxuu sheegayo macno ma suubineyso. Waa la arki ciddi aay jiq ku noqoto. Annigu waxaan saadalinayaa in Cabdullaahi maalmihiisi tirsan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer we all know who the locals are and those who occupy every city they claim, for example Bardheere which you are a minority in

 

You are stuck adeer, have you heard your JVA leaders in Kismayu cry? "We are part of the TFG" :D:DIts so not fair :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yuusuf oo fariin U Diray Kooxaha Qaraxyada iyo Dilalka Kawada Magaalada muqdisho.

 

Madaxweynaha dolwlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay xaalada dalka maanta uu marayo ee dhinacyada amaanka qaraxyada ka dhacaya magaalada iyo dilalka qorshaysan oo uu tilmaamay inay yihiin lagu doonayo in lagu wiiqo xaalada ay dowlada ka wado Soomaaliya ee dhinaca nabad galyada la xiriira.

 

Hadalkaan ayaa waxaa uu madaxweynaha uu ka jediyay xaflad xalay ka dhacday xarunta villa Soomaaliya ee lagu xusayay 1da Luulyo oo ku began israacii gobolada waqooyi iyo Koonfur iyo waliba markii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed laga saaro ciida Soomaaliya. Waxaana uu sidoo kale uu madaxweynaha uu ka hadlay mustaqbalka waxaa ay dowlada ku dhaqaaqayso marka ay dhamaato xilga la soo doortay waxaana uu sheegay in wareeji ndoonaan marka ay dhacdo doorsho isla markaan ay ku wareejin doonaan cidda xilkaa loo soo doortay.

 

Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa waxaa ku eedeeyay qaraxyada ka dhacaya magaalada muqdisho kooxo soomaali ah laakiin aan ahayn kuwa ajaaniib ah dilkana ay iyagu ka danbeeyaan uuna ugu baaqay inay ka waantoobaan qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada muqdisho. Intaa aany dowlada ku meel gaarka ah aanau talaabo qaadin ayuu yiri.

 

Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha uu soo qaatay kooxaha qaska ka wada magaalada muqdisho inay doonayaan sidii ay uga hor imaan lahaayeen halgankii loo soo maray xurminada soomaaliya ay sheegeen inay wax ku xukumayaandiinta isla markaan ay ay iska tureen halgankaa laakin kama yeelaynio ayuu yiri Yuusuf.

 

Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf axmed ayaa waxaa uu ugu baqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowlada ku meel gaarka ah isla markaan ay ka qayb qaataan sidii dalka soomlieen loogu soo celin lahaa kala danbayntii iyo dowlada nimadii.

 

Gaba gabdii ayaa madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf axmed ayaa waxaa uu halkaa ka saaray calankii Soomaaliya saacadu markau ahayd 16kii saq dhexe oo xilgaa oo kale muddoo haatan laga joogo 47 sano calan soomaaliyeed laga saarayciida soomaaliya.

 

Xafladaa oo ay ka sooq ayb galkeen inta badan xubnaha dowlada kumeel gaarka ah iyo marto sharaf kale ayaa goobta ay xafladaa ka dhacaysay waxaa amaanka sugayay dhinaca gudaha ciidamada ka socda dalka Ugandha halka kuwa itoobiyanaka iyo Soomaalidana ay banaanka amaakeeda ka qayb qaadanayeen.

 

Maxamed CaliJaaked

 

 

Madaxa wararka dhahar

 

 

Muqdisho_somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DFKMGS, oo sheegay inay Dowladiisa xukunka ku wareejin doono Nidaam Dimuqraadi ah oo waafaqsan Dastuurka Qaranka

 

Mogadishu, Axad, Julaay 01, 2007

 

Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Is-raaca Goballadda Koonfurta iyo Waqqoyiga Somalia iyo Xornimadda dalka Somalia, oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee Magaalladda Muqdishu.

Madaxweyne Yuusuf, waxa uu ka hadlay Halgankii dheeraa ee lo osoo maray Xornimadda dalka, isagoo ammaan u jeediyey dhamaman Halgamayaasha kaalinta wanaagsan ka soo qaatay Halgankii lagala horjeeday Gumeystayaashii Reer Yurub ee dalkka Somalia guimeysan jirtay.,

 

Madaxweyne C/llaahi Yuussuf, waxaa kaloo ka hadlay Barnaamijka Siyaasadda ee DFKMGS, wuxuuna xusay inay Dowladdu tahay mid ku timid si Dimuqraadi ah, isla markaana aay xukunka ku wareejin doonaan Nidaam Dimuqraadi ah.

 

Madaxweyne Yuusuf, waxa kaloo uu khudbadiisa ku aadanayd 47-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Xornimadda iyo Israaca Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia, waxa uu kaga hadlay kooxaha qaraxyaddaa iyo dilalka qorsheysan ka wada Magaalladda Muqdishu, wuxuuna sheegay inay ayaan-darro tahay in 67-saanno kadib inay jiraan dad Soomaali ah oo qaraxyo iyo dilal la beegsanayo Saraakiisha iyo dadka muhiimka u ah Ummadda Soomaal;iyeed.

 

Madaxweynaha DFKMGS, waxa kaloo uu sheegay inay dowladda Federalka cagta marin doonto kooxaha doonaya inay carqalladeeyaan Nabadda iyo Midnimadda dalka Somalia, wuxuuna si gaar ah u sheegaay inaysan Taariikhda Somalia meelna uga bannaanayn shaqsiyaadka aan aaminsanayn Waddaanimadda, iyo Sharafta dadka iyo dalka Somalia.

 

Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Israacii Goballadda Koonfurta iyo kuwa Waqooyiga Somalia ee xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFKMGS, Saraakiil ka tirsan Ciiddamadda Qaranka, Maamulka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo marti Sharaf lagu casuumay Munaasabadaasi Qaran ee xalay lagu qatay Xarunta Villa Somalia ee Magaalladda Muqdishu.

 

Waa markii ugu horreysay oo uu Madaxweyne Yuusuf kaga qeyb galo Munaasabadaasi Qaran Xarunta Villa Somalia, tan iyo markii xilka Madaxtinimadda loo magacabay sannadkii 2004-tii.

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Allamagan:

Saa waa kuwa Puntland ka soo duulay ee dulmiga ku haya dadka deegaanka Banaadir see la yeelayaa?

 

War ba'a ma ciidammada dowladda?!...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Madaxweyne Yuusuf mar wax laga weydiiyay goorta ay ciidamada Itoobiya dalka ka baxayaan ayuu si deg deg ah ugu jaaabay oo uu yiri waxa ay baxayaan marka xalka Muqdisho wax iska badalaan .

 

“Goorma ayaad jeclaan laheyd in ay baxaan , waxaan kuu sheegayaa in dalka inta uu sidaan yahay in aysan baxeyn ciidamada Itoobiya , anaga ayaa u yeeranay marka howsha nabad soo celinta u dhamaato ayay baxayaan”sidaa waxaa yiri maadxweyne Yuusuf.

Tabcaan dheh, "markakey xaalka Muqdisho wax iska badalaan"? :D , ya ninkan usheega inu hadaba sii raadsado meeshu ku gambanlahay. Tabcaan lagaso eryay Kismaayo maxow ka filanya muqdisho maalintey amxarada iskaga hululan mesha?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What hot air, Kismayu is no problemand will be dealt with in a time of the old man's cjoosing, jsut like how he dealt with the clan courts, and the looters Inc before them.

 

As for Abdi2005 welcome back adeer, your new prediction is what? That the farts in Kismayu will turn into a flood?

 

Mogadishu today is TFG command centre and the enemies of the Somali state are running for cover in Asmara. :D

 

Keep talking people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this