Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Safiirka cusub ee Qatar oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay Muqdisho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee ay dowladda Qatar usoo magacowday arrimaha Soomaaliya Amb. Abdalla Binu Saalim Al-Nuceymi ayaa dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay Muqdisho, isaga oo maanta kulan la yeeshay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar waxaana Danjire Al-Nuceymi wehlinayey ku xigeenkiisa Naasir & Isku duwaha Dowlada Qatar iyo Soomaaliya Abuubakar.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dal, iyadoona Duqa Muqdisho kaga mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadato taageerada Somalia.

Yuusuf Madaale ayaa si gaar ah xukuumadda Dooxa ugu bogaadiyey caawinta shacabka Soomaaliyeed, sida gargaarka bini’aadannimo oo ay mar weliba la garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed, dhismaha waddooyinka waa weyn ee isku xira Muqdisho – Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar iyo Dib-u-dhiska ay ku sameeyeen xarumaha dowladda.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Danjiraha dowladda Qatar kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen shaqo Abuurka dhalinyrada iyo dib-u-dhiska caasimadda.

Dhankiisa Danjire Al-Nuceymi ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta heerka sare ah ee maanta loogu sameeyey xarunta gobolka Banaadir, isaga oo sheegay inay ka gacan siin doonaan horumarinta caasimada, sida in la sameeyo biyo mareenada iyo sidii loo dar-dargelin lahaa heshiisyada mataaneenta ee ka dhexeeya Dooxa iyo Muqdisho.

Dhaq-dhaqaaqa uu Muqdisho ka bilaabay safiirka cusub ee dalka Qatar ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu maalin kahor warqadaha ka guddoomay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, inkastoo uu isbeddal yare hoose ku yimid xiriirka kadib doorashadii dhacday 15-kii May ee sanadkan.

316412236_519748716869091_98568134713163 316412677_519748796869083_64164208980777 316415961_519749030202393_33391700537483 316418394_519748873535742_76157661038746 316659967_519748726869090_85208686416918 316410942_519748783535751_38924633100735 316412199_519749020202394_28041417661280

The post Sawirro: Safiirka cusub ee Qatar oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this