Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo booqday furimaha dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Nuur-dugle (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo dardargelinaya dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee HirShabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Khawaarijta. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool HirShabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo inta Soomaaliya oo dhan laga tirtirayo argagixisada.

Madaxweynaha, oo sidoo kale warbixin laga siiyay xaaladaha bulsho ee ka jira guud ahaan Gobolka Shabeellaha Shexe, ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed aan ku weyno dagaal aan ahayn kan argagixisada, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan walaalnimada iyo wadajirka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan Khawaarijta.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay hal cadaw, cadawgaasna waa Al-Shabaab, argagixisadu door kuma lahan dalkeenna, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in wadankaan laga ciribtiro Al-Shabaab, qofkasta oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad in uu kaalintiisa ka qaato dagaalka aan kula jirno cadawga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Khawaarijtu ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Xasan-1.jpeg 316673906_529007845937026_27578543134363 316534693_529008045937006_91534856487316 xasan-ciidan-1.jpeg Macawiisley.jpeg Macawiisley-2.jpeg 316680007_529020115935799_32396479966396 Macawiisley-3.jpeg Guudlaawe.jpeg 316418662_529012189269925_58352108183893 316414817_529011795936631_16512351453772 Liibaan-Cali-Yarow.jpeg Shuute.jpeg Kabaale.jpeg 316407376_529012129269931_67840645055834 

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo booqday furimaha dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this