Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo maareeye cusub u magacaabay mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka ee Soomaaliya  Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mustafa Yaasiin Sheekh Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soo-jeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda. 

Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay. 

Mas’uulka la magacaabay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey magacaabista Maareeyaha cusub isagoo ku tilmaamay inuu yahay mas’uul kasoo bixi kara shaqada loo igmaday. 

Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay in uu shaqadiisa u guto si ammaano iyo howlkarnimo leh maadaama ay hey’adda hor yaalaan shaqooyin badan oo muhiim ah. 

Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in Hay’addu  ay muhiim u tahay fulinta siyaasadaha Wasaaradda isagoo ra’iulwasaaraha ugu mahadceliyey inuu xilkaan u magacaabay shaqi u qalma. 

The post Xamza oo maareeye cusub u magacaabay mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this