Sign in to follow this  
Juje

Banaanbax in Xamar - PICS ( It is good to see the people back)

Recommended Posts

Juje   

Isku soo bax lagu soo dhaweynayo bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee gudaha Muqdisho oo maanta ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho

 

Isku%20Soo%20bax2.jpggudiga culumada u istaagay Xalinta Qilaafka Muqaawada oo saf ku jira

 

Isku%20Soo%20bax17.jpgsheekh Bashiir Axmed Salaad oo isna u mahad celinaya dadkii xoreeyay Magaalada Muqdisho

 

Isku%20Soo%20bax9.jpgAbwaan Bacadleeeeeeee ! oo erayo gabay ah ka jeedinaya halkii ay dadku isugu soo baxeen

 

 

Isku%20Soo%20bax12.jpgIsku%20Soo%20bax14.jpg

 

Isku%20Soo%20bax19.jpgIsku%20Soo%20bax8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Kumaan-kun%20oo%20banaanbaxayaal%20ah%20

 

Qaar ka tirsan bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa maanta salaadii duhurka kadib banaanbax ballaaran isugu soo baxay Ex. Garoonka Stadio Muqdisho, waxaana dadkii isu soo baxay la hadlay qaar ka tirsan culumaa?diin ka magaalada Muqdisho, madax ka tirsan golaha maxaakiimta & odayaasha dhaqanka beelaha dega Muqdisho.

Isu soo baxan culumadii ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Sh.Bashiir Axmed Salaad & Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa khudbadahooda ku soo qaaday marxaladihii ay soo mareen dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho labadii sano ee ay ciidamada Itoobiya Muqdisho ku sugnaayeen, ee dagaalada ay kula jireen xooggaga muqaawimada, waxaana ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ay aheyd guul ay si wada jir ah uga wada qeybaataan dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka, loona baahan yahay in fursada guushaasi aaney noqon mid la lumiya.

Xalka keliya ee wadanku u baahan yahay maanta waa ku dhaqanka shareecada islaamka, mana jirto meel kale oo lagu badbaadi karo, culumaa?diinkuna marna raali kama noqon doonaan in Muqdisho xabbad kale ay ka dhacdo`` ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud, wuxuuna intaa raaciyey in dhibaatooyin dhinaca nolosha ay shacabka la soo gudboonaadeen muddadii ay dagaaladu socdeen.

Waxaa Muqdisho hareeraheeda daadsan qoysas badan oo aanan maanta heli karin nolol maalmeed, dadkaasi waa in fursad la siiyaa oo laga shaqeeyaa sidii ay guryahooda ugu soo laaban lahaayeen`` ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

 

Walaalaha mujaahidiinta ee dagaalkii muqaawimada ka qeybgalay waa in ay wada-hadlaan, oo aanan marnaba la marin habaabin jihaadka, si aaney halkaas uga soo bixin wax uu cadowgu ku farxo, waxaan ku kalsoonahay Idamka ALLE in Kitaabka & sunnadu na deeqo doonto, siduu ILLAAHEY u jideeyeyna aan isugu xukumi doono" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

 

Banaanbaxan ayaa ahaa mid dadkii ka soo qeybgalay ay si weyn ula qiireysnaayeen ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdisho, waxaana ay dadku ka dalbanayeen kooxaha ka tirsan muqaawimada ee weli ka taamaya in dagaaladu ay sii socdaan in ay taasi qalad tahay, loona baahan yahay in shacabka la siiyo fursad nabadeed.

 

banaan.jpg

Look at the joy of those smiling and happy young faces..the future.

 

Banaan4.jpg

This sort of gathering was not posasible since Yeey brought in the Tigres into Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka Muqdisho oo markii ugu horeysay maanta banaanbax isugu imaanaya kadib bixitaankii Ciidamada Itoobiya

 

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay waxay isugu imaanayaan isu soo baxoodii ugu weynaa, iyadoo aaney is-karin muddo labo sanadood ah oo ay Muqdisho ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Banaanbaxan ayaa waxaa shaaciyay Shiikh Nuur Baruud Gurxan oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano Soomaaliya, wuxuuna sheegay in isu soo baxaas uu yahay mid dadka Muqdisho ay isaga wareysanayaan isbedelka dhacay iyo tallaabta la qaadayo.

 

 

Shiikh Nuur Baaruud waxaa uu sheegay in Banaanbaxan loogu magac-daray MAALINTA GUUSHA, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay Salaadda Jimcaha kadib isugu yimaadaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, halkaasi oo ay dhawaan ka baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

 

“Dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxaa waajib ku ah in ay Allaah uga mahad-naqaan guusha uu siiyay, isla markaana ay ugu towbad keenaan”ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud Gurxan.

 

 

Dadka Muqdisho oo ay Ciidamada Itoobiyaanka kala dhumiyeen labo sano ka hor ayaa maanta kuwii ka badbaaday dagaalladii Muqdisho ka dhacay waxay isku arki doonaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo ay iska caddahay in ay halkaas isugu imaan doonaan dad badan oo ay waqti hore isugu damaneysey

 

 

samatar said salah

 

 

dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Good show of display, Masha'alah great indeed, lets hope the Somali people will unite and bring about a lasting peace Insha'alah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xamar xorowdey, positive environment indeed, I am loving it.

 

 

Xamar mar hadey qabowdo, inta kale neecaawdaa gaari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Rer Muqdisho waa dadka soomaali ugu samirka badan leh. Cajiib wallee. Intaa dhibaatada lagu hayey, hadana wajigooda wakaa iska furfuran. Ilaahay ayaa u gargaaray. Masha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

Alxamdulillah, its nice to see pictures of smilling kids, and optimistic elders!

 

RESPECT to the men walking on the path of God, subhallah! We owe these men so much,they have held our chaotic country together by ways of charity, businesses,education etc..

 

May Allah be with them in this testing task of delivering peace!..Amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this