Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Militeri ah oo afgambiyay Burkina Faso

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil kamid ah ciidamada militeriga ee dalka dhaca galbeedka qaaradda Africa Burkina Faso, ayaa sheegay in ay talada dalka kala waregeen hoggaamiyihii sagaal bil ka hor dalka Afgambiga ku qabsaday.

Col. Paul Henri Sandaogo Damiba, ayaa laga tuuray kursiga waxaana saraakiisha dalka la wareegtay ay sheegeen in ay gacanta ugu jirto dhammaan dalka, ayna sameynayaan qorshayaal lagu maamulo Burkino.

“Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii daraysa, ayaa arrintaasi nagu dhiiri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sarsare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada milaterigu, inaanu tallaabo qaadno, annaga oo rabna inaanu ilaalino amniga iyo sumcadda dalkayaga, “Kulan ayaa la isugu imaan doonaa si loo ansixiyo axdi cusub oo ku meel gaadh ah, laguna soo xulo madaxweynaha cusub ee Burkina Faso ha ahaado rayid ama mid ciidan” ayuu yiri  Capt. Kiswendsida Faaruuq Azaria Sorgho, oo ah afhayeen u hadlay militeriga talada la wareegay.

Waddooyinka waaweyn ee dalka, xarrumaha muhiimka ah iyo dhammaan illaha dalka ayaa la dhigay askar fara badan, waxaana la filayaa in bandowga uu sii socdo.

Sikastaba dalkaan ayaa kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika oo ay inta badan ka dhacaan Afgambiyada ay xukunnada kala marorosadaan militeriga, waxaana tan iyo markii xurnimada ay qaateen Burkino Faso 1960-kii soo maray 8 afgambi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this