Sign in to follow this  
xiinfaniin

The Fall of UDUB and The Rise of Siilaanyo

Recommended Posts

Somaliland.org - Laba Shir oo xisbiga UDUB ayaa maanta lagu kala qabtay Hoteelada Maansoor iyo Deeq ALLA ee magaalada Hargaysa, kadib markii xisbiga UDUB ku kala qaybsamay qaabka loo qabanayo shirka.

 

Hoteelka Maansoor waxa maanta lagu qabtay shirwaynaha xisbiga UDUB oo ay soo qabanqaabiyeen guddi uu magacaabay Madaxwayne Daahir Riyaale, ahna guddoomiyaha xisbiga UDUB, oo uu hogaaminayo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, halka hoteelka kale oo la yidhaahdo Deeq ALLA-na lagu qabtay shir ay ku baaqeen xubnihii hore u sheegay in ay u sharaxan yihiin jagada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka xisbiga UDUB dhexdiisa.

 

UDUB-ta dowliga ah:

 

Shirwaynaha xisbiga UDUB ee ay soo qabanqaabiyeen guddida uu magacaabay Madaxwayne Riyeele ee lagu qabtay Hoteel Maansoor, ayaa waxa ka qayb galay dad ka badan kun qof oo laga soo xulay dhamaan gobolada dalka iyo jaaliyadaha dibadda. Waxaana shirkaas laga hor joogsaday in ay ka qayb galaan musharaxiinta caddeeyay in ay kula tartamayaan Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga UDUB gudihiisa.

 

Sidoo kale waxa laga reebay ergooyinka ka qayb galaya shirka ilaa toban xildhibaan oo ka tirsan xisbiga UDUB oo badidooda laga soo doortay gobolka Togdheer, saxaafadda madaxa banana ayaa inteeda badan iyana laga horjoogsaday. Amaanka ayaa aad loo adkeeyay madasha shirka lagu qabanayay iyada oo la xidhay dhamaan jidadka soo gala Hoteelka. Waxa kale oo ciidamada amaanku xidheen jidka dheer ee hor mara xarunta Madaxtooyada Somaliland ee badhtamaha magaalada Hargaysa iyo jidka hor mara Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

Xubnaha ergooyinka shirka ayaa gebi ahaan waxay ahaayeen dad si gaara loo soo xulay oo u badan shaqaalaha dawladda iyo dad ay kaadhadhka ka qayb galka shirka u geeyeen Wasiiradda Xukuumadda Riyaale, oo sida la sheegay la dhaariyay.

 

Wasiirudawlihii hore ee Wasaaradda hawlaha guud Aadan Maxamed Diiriye (Ruush) oo dhawaan iska casilay xilkii, kuna dhawaaqay in uu u sharaxanyahay jagada musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UDUB oo isagu haystay kaadhka ayaa banaanka looga soo saaray shirka.

 

Aadan Ruush oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in laga hor joogsaday in uu galo hoolka shirku ka dhacayo, isla markaana lagu war-geliyay inaan madasha loo ogolayn musharax aan ahayn Madaxwayne Riyaale.

 

Shirka maanta ayaa waxa ka qayb galay oo hadalo ka jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo ah guddoomiyaha xisbiga UDUB iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

Madasha oo ku bilaabantay kuna dhamaatay durbaan, sacab, mushxarad iyo muusig, ayaa Madaxwayne Riyaale waxa uu ka akhriyay khudbad dheer oo 35 bog ah, taasoo isugu jirtay hanjabaad, faan iyo digniin uu u jeediyay wax uu ugu yeedhay dad khalkhal gelinaya amaanka iyo jiritaanka Somaliland. Waxaanu shirkaasi ku dhamaaday maanta dhagaysiga khudbada Riyaale iyo waraaqo loo qaybiyay ergooyinka oo lagu sheegay barnaamijka xisbiga, waxaana lagu wadaa in uu berri soo gabagaboobo shirkaasi oo la filayo in uu doorto hogaanka xisbiga iyo xubnaha golaha dhexe.

 

Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha shirkaasi waxay sheegeen in aan loo ogolayn wax hadal iyo dood ah balse sacab, mushxarad iyo taageero qudha ay u joogaan halkaasi.

 

UDUB-ta Dimuqraadiga ah:

 

Dhinaca kale musharaxiintii hore u sheegay in ay u sharaxan yihiin jagooyinka Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka xisbiga UDUB dhexdiisa iyo masuuliyiin farabadan oo ka tirsan xildhibaanada golaha Wakiillada ee xisbiga UDUB, golaha dhexe iyo guddida fulinta ee xisbiga UDUB ayaa maanta iyaguna shirk u qabtay Hoteelka Deeq ALLA ee magaalada Hargaysa.

 

Shirkan labaad ee xisbiga UDUB oo ay hogaaminayeen xubnaha musharaxiinta ah oo ay ka qayb galeen ergooyin tiro badan ayaa waxa hadal ka jeediyay Cabdillaahi Xuseen Iimaan Darawal iyo Axmed Maxamed Jawhari, waxaanay sheegeen in shirku u furanyahay, waxaana lagu doortay 7 xubnood oo ah shirguddoonka hagaya shirka, iyada oo barrina halkaasi laga sii amba qaadi doono, laguna dooran doono musharaxiinta xisbiga UDUB uga qayb galaysa tartanka doorashada Madaxtooyada oo loo qoondeeyay in ay qabsoonto 29-ka March ee sannadkan 2009.

 

Dildilaaca ballaadhan iyo kala qaybsanaanta ku timid xisbiga UDUB ayaa ku soo beegmay wakhti ay doorashadii madaxtooyada ka hadhay in ka yar konton maalmood oo kaliya.

 

Labada qaybood ee xisbiga UDUB ee maanta labada shir ku kala qabsaday magaalada Hargaysa ayaa la filayaa in ay qoloba dhankeeda ku soo doorato musharaxa madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga UDUB uga qayb gali doonta tartanka doorashada madaxtooyada dalka.

 

Su’aasha lays waydiinayo ayaa ah labada shirwayne ee xisbiga UDUB midka sharci noqon doona iyo saamaynta ay arrintaasi mustaqbalka ku yeelan doonto xisbiga UDUB.

 

Labada xisbi ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa qabsaday shirwaynayaashoodii, soona xulay musharaxiintoodii oo ku diyaara miidaanka ciyaarta.

 

Axmed Maxamed Sulaymaan (Ilka-case), Somaliland.org, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

What if Riyaal refuses to go :eek: If YEy was still in power, he would've gone to join him and offered Borame as the bribe, I guess Sharif might be game.

 

I don't really care who wins, as long as it does not disturb the people. Worse thing would be if those goons start fighting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by *Ibtisam*:

What if Riyaal refuses to go :eek: If YEy was still in power, he would've gone to join him and offered Borame as the bribe, I guess Sharif might be game.

 

I don't really care who wins, as long as it does not disturb the people. Worse thing would be if those goons start fighting.

Ibti, Your concern is real. People of Puntland had the same exact concerns before Faroole’s election. I trust the people of SL will remain who they are despite the crumble of old goons and the power that sustain it. Despite NGONGE’s hype of way duushay, the real differentiator that SL has is peace and stability, and we all hope that will be the case after the coming elections.

 

We want Siilaanyo though :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^They want peace, who cares who has the chair. :rolleyes: :D

 

Che: Everyone in Somali politics should retire. Give the young people a chance, if they mess up, it won't be any worse than what the older ones did.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^It' s all in your head adeer. Xiin sees SL as a part of Somalia hence its politics is no different than that of PL. I want to see Siilaanyo to win cuz I blve he is the only politician who can see beyond the hype you blve in.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ He created the 'hype' we believe in, saaxib. Let it go, adeer, let it go. Way eska duushay. ;)

 

I too think Siilanyo should retire. But maybe the old man wants one last hurrah. Can't begrudge him that I suppose.

 

Hay Xiin, Sh. Hotel maxo waramay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Norf 2:

Kulmiye - 'Isbadal la rumaysan karo' :cool:

Who cares who wins as long as the transition goes smoothly.

 

You're riding for Kulimey to see a "Change" happen. What changes do you expect to see if Kulimey wins?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this