Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Feysal Dhurwaa: 'Hubkiina la soo baxa'

Recommended Posts

Wararkii ugu dambeeyay rabshadaha Somaliland

Dibad-baxyo ay rabshado ka dhasheen ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan Somaliland, halkaasi oo ciidamada ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal taageersan mucaaradka.

Ciidamada amaanka ayaa rasaas u adeegsaday qaar ka mid ah dibad-baxayaasha, taasi oo dhalisay khasaare kala duwan, walow aan illaa hadda la caddeyn karin tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay isbitaalada ayaa illaa hadda waxaa naloo xaqiijiyay in isbitaalka Amal Grand ee magaalada Hargeya la geeyay 12 qof oo ku dhaawacmay rabshadaha ka dhashay dibad-baxyada.

Dibad-baxyada ayaa weli kasii socda magaalooyin kamid ah Somaliland, inkasta oo uu ka joogsaday magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka, wuxuuna weli booliska ay isku dayeen inay xakameeyaan dibad-baxyada.

Sidoo kale waxaa si buuxda qeybo kamid ah Somaliland ugu soo laabtay internet-ka oo saacadihii lasoo dhaafay ay jareen shirkada isgaadhsiinta, taasi oo markii hore meesha ka saartay adeegsiga baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xiran internet-ka.

Dhaq-dhaqaaqyada ka billowday Somaliland ee ay hormuudka u yihiin mucaaradka ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu wado muddo kororsi.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya ayada oo ay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii u dambeeyey ee mucaaradka iyo xukuumadda, si xal looga gaaro xiisadda ka taagan Somaliland ee ka dhalatay muranka hareeyey hannaanka doorashada ee maamulkaasi.

Dibad-baxyadaan ayaa qorshahooda wuxuu soo socday bilihii u dambeeyey, kaasi oo haatan sare u sii qaaday xiisadda ka aloolsan gudaha Somaliland.

Dowladda weli war rasmi ah kama soo saarin xaaladda ugu dambeysa, balse waxay horay uga digtay in ay dadku ku dibad-baxaan meelo ka baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay, kuwaasi oo mucaaridku ka biyo diideen.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

This clown (Faysal) will run off to Helsinki if the shit hits the roof. I don't care for cowards who incite people. Hope people calm down and Muse Menace to wise up.

I heard Ina Kaahin says Cirro (meaning Gar-xajis) brought troops from Xamar. Waa sheeko Puntland.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beelaha dega Hargeisa iyo hareeraheeda , are fully disarmed, monopoly of violence is only government 

Sanaag , and Sool, yes locals still armed 

Waraabe, Waa iska hadli,  Waa rag Waa hore xiniinyihii laga saarey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Unnecessary use of force.  AUN dhamaan intii ku dhimatay a senseless confrontation. 

The sides need to come back to the table and agree on a path forward. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.