Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Feysal Dhurwaa: 'Hubkiina la soo baxa'

Recommended Posts

Somalia is finished and a deeply corrupt unethical country and the thread starter should not be celebrating like some hungry vulture. Idiots think Somaliland is going to be destroyed when it is the southern people who will most likely enter a new 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 hour ago, HajiGuuleed said:

Idiots think Somaliland is going to be destroyed when it is the southern people who will most likely enter a new 1991.

It is from these tough moments that Somaliland makes the greatest strides in advancing itself to a new level.  

I am sure we will come out of this current crisis which is caused by a constitutional grey area, and learn from it and improve the next time. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

 

You guys know nothing about the Somaliland law, if anything happens the power will be automatically transferred to head of the Guurti and Saleebaan Gaal will be the interim president of Somaliland until Somaliland elects a new president.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caawa hargaysa toogasho Afka lasoo duubtay baa ka dhacday, oo wixii xamar oo kale ah

waxaa lagu dilay dad ka soo jeeda reeraha Faysal iyo Cirro oo kala hogaamiya Labada Xisbi Mucaarad........ilaahay ha u naxaristo dad kii dhintay...waa tusbax furmay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faysal Cali Waraabe oo weeraray Xasan Sheekh una mahad naqay Aadan Madoobe

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay baaqii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo saaray qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Somaliland, kaas oo salka ku haya dib u dhac ku yimid doorashada.

Eng. Faysal ayaa sidoo kale aad ugu mahad celiyey guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo sida uu sheegay la soo xariiray, aadna ugu waaniyey nabadda iyo qiimaha ay leedahay.

“Waxaan ka xumahay Xasan Sheekh oo og sidii aan uga dagaalanay inuu maanta nagu sheego gobollada waqooyi, inta noo quuri waayey magaca Somaliland oo kooda ‘Soomaaliya’ ka horeeyey, magacyada Puntland iyo Jubbaland-na uu ku tasbiixsado,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale guddoomiye Faysal ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayo Somaliland ay hadda ugu baaqeyso nabad iyo xasilooni dadka reer Somaliland.

“Waxaan maanta mareynaa heer Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayda Somaliland ay ayagii naga naxeen oo nabad noogu baaqayaan,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan aad ugu mahad celinayaa siyaasiyiintii Soomaaliya ee nala soo xariiray oo guddoomiyaha baarlamaanka Aadan Madoobe uu ugu horeeyo, kuwaas oo nagu waaniyey nabad geliyo.”

Faysal ayaa aad u weeraray madaxweynaha ay xiisadu kala dhaxeyso ee Muuse Biixi, isagoo ka hadlay dhamaan qodobada ay isku hayaan iyo ajendaha Muuse ee doorasho diidka ah, sidoo kale rabshadihii dhacay iyo cida masuuliyada qaadeysa ayuu ka hadalkooda ku dheeraaday guddoomiye Faysal. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad cadhaysan oo weeraray wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland

2022817637963092970684171.jpg

Dad cadhaysan ayaa dhagax la boobay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo ka qaybgalay aas loo sameeyay 3 qof oo ku dhintay bannaanbixii 11 August.

Kadib markii uu dhamaaday aas xabaalaha Halleeya ee magaalada Hargaysa loogu sameeyay 3 qof oo ku dhintay mudaharaadkii mucaaradka, ayay dadwayne aaska kasoo qaybgalay dhagax ku bilaabeen wasiir Sulub oo aaska ka qaybgalay.

Waxa baraha bulshada ku baahay muuqaalo tusinaya wasiirka oo dhagax lagu eryanayo, iyo ilaaladiisa oo xabad kor u ridaya si ay u joojiyaan dadka wasiirka soo weeraray oo madaxa weer cas ku xidhan.

Mucaaradka ayaa xukuumada u haysta dilka saddexda qof oo booliisku toogteen xili ay ka qaybgalayeen mudaharaadkii ay xisbiyada mucaaradku soo qaban qaabiyeen ee Khamiistii qabsoomay.

Guddid cusub oo iskul xilqaantay dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in xukuumadu ay bixin doonto magta dadkii ku nafwaayay mudaharaadka iyo dawada dadka dhaawaca ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay go'aamo siyaasadeed

Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqdeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta u akhriyay go'aamo ay gaadheen kadib markii ay maanta dhamaatay 5-tii sanno ee la doortay madaxweynaha Somaliland.

"Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khilaafka " ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradku ay aqoonsanyihiin jadwalkii doorashada ee ay soo saareen Guddida Doorashooyinka Somaliland  isla markaana ay diyaar u yihiin in ay galaan doorashooyinka oo ay ugu soo horayso doorashada madaxtooyadu.

Waxa uu sheegay in mucaaradku ay kasoo horjeedaan doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn, isaga oo dhinaca kale sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu gaadhayo heshiis doorasho.

Marka laga yimaado kalsoonida ay kala noqdeen xukuumada Somaliland, waxa uu sheegay in mucaaradku ay aqoonsanyihiin sharcinimada golayaasha sharci dajinta, dowladaha hoose iyo maamulka adeega dadweynaha.

Shacabka ayuu ugu baaqay in nabad isku duubni iyo in ay nabadgalyada ilaashadaan, lakiinse anay aqbalin wixii sharci daro ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.