Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlayaa Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Khamiistii baaqday ayaa lagu wadaa in uu Sabtida maanta ah ka qabsoomo Qasriga Madaxtooyada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Shirka maanta si weyn looga hadli doono Xaaladda Amniga oo ay ku jirto Xiisadda ka soo cusboonaatay Gobolka Sool gaar ahaanna degmada Boocame.

Maalin ka hor wefdi ka socda Somaliland oo ay galbinayaan Ciidamo xooggan ayaa socdaal ku maray degmada Boocame iyo degaannada hoos yimaada halkaas oo lagu soo dhoweeyay.

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa la filayaa in uu cambaareeyo Tallaabada Somaliland islamarkaana ku eedeeyo in ay hurinayso colaad beeleedyo ka dhacay inta u dhexaysa degmada Boocame iyo degaanka Birta-dheer ee Gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlayaa Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee maanta? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this