Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda WHO Oo Ka Dayrisay Xaaladda Abaareed Ee Ka Taagan Wadamada Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka dayrisay xaaladda abaareed ee ka taagan wadamada Geeska Afrika, sida lagu sheegay war qoraal ah oo mas’uuliyiinta hay’addaasi ay ku daabaceen boggaga hay’addaas.

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka dayrisay xaaladda abaareed ee ka taagan wadamada Geeska Afrika,sida lagu sheegay war qoraal ah oo mas’uuliyiinta hay’addaasi ay ku daabaceen boggaga hay’addaas.

Qoraalkan ay soo saartay hay’adda WHO ayaa lagu sheegay in gobolka Geeska Afrika uu wajahayo dhibaato cunto,waxa sidoo kale lagu sheegay qoraalkan in dadka gobolka ku nooli ay caafimaad ahaan iyo nolol ahaanba halis ku jiraan,isla markaana loo baahan yahay in shaqo deg deg ah laga fuliyo,si nafaha dadka loo badbaadiyo.

Mas’uuliyiinta hay’adda WHO waxa ay sheegeen in ay bilaabayaan codsi dhaqaale oo dhan $123.7 Milyan ,waxaanay cadeeyeen in ay cunto yari haysato 80 Milyan oo ku nool wadamada Geeska Afrika,halka dad ka badan 37.5 ay ku jiraan xaalad lagu sifeeyey marxaladda IPC-ga.

Xaaladdahan  ayaa lagu sheegay warbixintan in ay sababeen iska hor imaadyada ka jira wadamadaas qaarkood,isbedellada cimilada iyo masiibada xannuunka Covid-19,iyada oo warbixintan sidoo kale lagu xusay in gobolkani noqday meel gaajaysan oo cawaaqib xun ku leh caafimaadka iyo nolosha dadka.

Agaasimaha Guud ee  Hay’adda WHO Adhanom Ghebreyesus oo ka hadlay xaaladdahan cunto yaraaneed iyo abaareed ee ka taagan wadamada Geeska Afrika ayaa sheegay in WHO ay eegayso beesha caalamku in ay ka taageerto shaqadooda dhulkaas ka socota,si ay uga jawaabaan khatar uu sheegay in ay laba geesood tahay ,kuwaas oo ah daweynta dadka nafaqo-darradu hayso iyo la dagaalanka cudurrada faafa.

WHO waxay tilmaantay in ay gobolka hore uguo sugnaayeen dad lagu qiyaasay 4.2 Milay oo qof oo qaxoonti iyo magangelyo doon ah,iyada oo la filaayo inay tiraddani korodho,waxaanay cadeeyeen in hore loo  sii daayey lacag dhan $16.5 Milyan,taas oo noqon doonta gargaar  deg deg ah ,iyada oo la hubin doono in dadku helaan adeegyo caafimaad,daweynta xannuunada carruurta ku dhaca ee ay kamidka yihiin nafaqo darada iyo in laga hortago,lana ogaado ,lagana jawaabo cudurrada faafa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this