Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad Deegaanka oo Sheegtay in Al-shabaab 800 Looga Dilay Dagaalladii Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar  Cagjar ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab dagaalladii ay la galeen uga dileen  800 oo ka tirsan Shabaabka, kadib dagaaladdii ugu dameeyay ee dhacay, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidanka dowlad deegaanka Liyuu Police iyo Al-shabaab oo ka dhacay xadlka iyo guda Itoobiya.

Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar ayaa sidoo kale sheegay in qiyaastii boqol kale lasoo qabtay. sidhaba ahna  looma xaqiijin karo sheegashadiisa , weerarradii horraantii July dhacay, ayay kooxda Al-Shabaab ku sheegteen inay dileen dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidamada Liyuu Police-ka . Maamulka gobolka ayaa bilaabay howlgallo iyaga iyo  federalka.

Itoobiya ayaa hore u sheegtay in saddex ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay gacan ka geysteen duqeymaha cirka, taas oo ay kooxdu beenisay, Mustafa ayaa hore golaha gobolka ugu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay sameyso aag ka tirsan Soomaaliya oo la isaga caabbiyo weerarrada noocan oo kale ah, kadib weerarradii kale duwaan ee ka dhacay xadka.

Hadalkan uu maanta jeediyay ayuu ku sheegay inay socdaan dadaallada lagu hubinayo kooxdu in aysan soo dhaafin aaga xadka sida uu hadalka u dhigay, Al-shabaab ayaa weerro kale duwan ay ku qaadeen Itoobiya waxaa ka dhashay khasaare kale duwan waxaana marweliba soo baaxayay guulaha ay labada dhinac ka kale sheeganayaan dagalladii u dhaxeeyay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this