Sign in to follow this  
Deeq A.

Gobolka Gedo oo Dhowaan Loo Dhisayo Gole Deen

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada Maamulka Jubaland,  Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay Xildhibaanada golaha wakiilada isagoo ka hadlay dhinacyo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo midda deegaannada Jubbaland.
Waxaa ugu horayn uu Madaxweynahu tilmaamay in guud ahaan dalka ay ka jirto abaar daran meelaha roobabku ay ka da’eena ay wali ku danbayso saamaynta abaarta oo roob ku filan aanay deegaanada qaar aanay helin, isaga oo intaas ku daray  in barakaca gudaha ah uu yahay mushkilada ugu weyn ee mustaqbalka lala tacaali doono sidii nolol iyo dib u habayn loogu samayn lahaa dadka gudaha ku xoolo beelay ee dulsaarka ku noqday Magaalooyinka.
Sidookale  Madaxweynaha  ayaa ka hadlay dhaqaalaha oo hoos u dhac balaaran uu ku yimid taas oo ay sabab u tahay dagaalka kasocda Ukraine  taas oo khalkhal guud galisay dhaqaalaha aduunka oo dhan iyo xanuunka Covid-19 oo Wali saamayntiisa ay aduunka ka jirto.
Dhinaca kale Axmed ayaa soo hadal qaaday amniga Madaxweynahu wuxuu u mahad celiyay ciidamada kala duwan ee hay’adaha amniga oo maalmahii lasoo dhaafay sameeyay howlgalo lagu naafeeyay argagisixsada isagoo sheegay inay jiraan dad suurad xumaynaya ciidamada iyo dagaalka ay kula jiraan argagixisada taas oo ah wax aan la aqbali Karin.
Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay inuu rajo Wanaagsan ka qabo in loo midoobo isla markana Dowlada iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ka shaqayn doonan sidii si wadajir ah loogu soo afjari lahaa si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee doorashooyinka qof iyo codka ah iyo Dhamaystirka dastuurka.
Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadlay xaalada gobolka Gedo isagoo sheegay in dhawaan halkaas laga bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanka isla markana la fulin doono dhamaan mashariicdii hakadka ku jirtay mudadii Dowladii hore ay qalalaasaha ka waday gobolka. Waxaa Madaxweynahu uu dadka gobolkaas ugu baaqay Midnimo iyo wadajir isagoo tilmaamay in wax walba oo jira wada hadal lagu dhamayn doono.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in dhawaan lasoo gaba gabayn doono mashariicda hada socota oo ay kamid yihiin dhismaha jidadka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah kuwo Cusubna la bilaabi doono. Golayaasha deegaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in la dadajin doono isla markana ay la socdaan mashariic Waa weyn oo wax ka badalaya nolosha bulshada. Madaxweynahu wuxuu ka codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan labo degmo oo lagu soo kordhiyay Jubaland kuwaas oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobleey.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha wakiilada sida ay ugu dhabar adaygeen xaalada guud ee ka jirtay Jubaland sanadahii lasoo dhaafay taas oo tusaale u ah sida ay shacabkooda ula qaybsanayaan duruufaha jiray isagoo si rasmi ah u furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada oo maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this