Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo Ku Shiraya Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay aqalka Madaxtooyada dalka Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay dhiggiisa turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo ku qaabilay aqalka madaxtooyada ee  Ankara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara, halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka labada madaxweyne uu ka socdo aqalka madaxtooyada Turkiga.
“Madaxweynaha waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalkan,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
1.jpg 22.jpg 55.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this