Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Koowaad Ee Wada-Hadallada Madaxweynaha Iyo Hoggaanka Axsaabta Mucaaridka Oo Si Rasmi Ah Maanta U Bilaabmay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa maanta qasriga madaxtoooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabmay kulankii koowaad ee wada-hadallada u dhexeeya madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, oo uu gadh-wadeen ka yahay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxmauud Aadan oo way wehelinayaan ergedii is-xilqaantay ee ku hawllanaa arrintan.

Ugu horrayn, guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo kulanka furay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu xal ka gaadhaan khilaafkooda, lagana gun-gaadho wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, si hore loogu socdo, waxana uu dhinacyada ka codsaday inay tanaasul sameeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey madaxda axsaabta mucaaridka iyo ergeda dhexdhexaadinta waddaba, waxana uu u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in la isku soo dhawaado, lana gudo galo kulanka ugu horreeya ee dhinacyadu isku arkayaan.

Hoggaanka axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga go’an tahay in xal waara laga gaadho xurfugta iyo khilaafka siyaasiga ah ee taagan, dhinacyaduna isku soo dhawaadaan.

Dood iyo is dhegaysi dheer kaddib, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Xuseen (Faysal Cali-waraabe), guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo murrashax madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inay diyaar u yihiin sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa midho-dhalka wada-hadalka bilaabmay, dhankoodana ay fulinayaan wax kasta oo keenaya in khilaafka jira la suuliyo, lana ambo qaado geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna sheegay inay ka go’an tahay oo uu diyaar u yahay gunaanadka khilaafka jira iyo daaweynta tabashada mucaaridka, islamarkaana ay daruuri tahay in cid kastaaba masuuliyad gaar ah iska saarto gaadhista xal lagu wada qanacsan yahay.

Xubno kamid ah ergeda dhexdhexaadinta isu xilqaantay oo ay kamid yihiin Sheekh Ismaacil Cabdi Hurre (Dheeg), Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo hadallo kooban jeediyey, ayaa madaxweynaha qaranka iyo hoggaanka axsaabta qaranka ugaga mahadnaqay sida masuuliyadda leh ee ay u jawiga wanaagsan ugu bilaabeen kulankooda koowaad, waxana ay kula dardaarmeen inay ku dedaalaan sidii usoo saari lahaayeen natiijo bulshada ka farxisa oo qaranka dan u ah.

Kulankan oo ibo-fur u ah kulamo dhawr ah oo ay dhinacyadu yeelan doonaan, ayaa kusoo dhammaaday guul iyo isu soo dhawaansho buuxa, waxana kulanka kan xiga loo ballammay ciidda Carrafo ee foodda inagu soo haysa kaddib.

Kulanka waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaah ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ah, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wasiirro xukuumadda katirsan.

Wa-bilaahi Tawfiiq.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this