Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynah Xasan oo Balan Qaad U Sameeyay Soomaalida Turkiga Joogta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa magaalada Ankara kula kulmay, ganacsatada, ardayda iyo dadka Soomaaliyeed ee Turkiga ku sugan, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladooda.

Madaxweynaha ayaa u balan qaaday Soomaalida, in uu wax ka qabanayo cabashadooda, ayna kamid tahay qodobada uu kala hadli doono madaxweynaha Turkiga, marka uu la kulmo.

Akhriso Qoraal Villa Somalia ay ka faafisay kulanka madaxweynaha iyo jaaliyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana Heshiis la ah.
DHAMMAAD
=291683128_419259416911870_55906505529766
292224947_419258866911925_48253316491349
292129424_419258846911927_12457869189760
292080472_419258863578592_68550708206853
291786043_419258550245290_63623323936692

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this