Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Puntland ayaa la-xisaabtan ugu yeeray mas’uuliyiinta u sarraysa wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka baddda Puntland.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Axmed Yaasiin Saalax oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta kale ee wasaaraddaas ayaa saaka hor-tegaya xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa Baarlamanka u jeedin doona warbixin ku saabsan shaqada ay u xil saarantahay wasaaradda iyo wixii u qabsoomay.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay madaxda wasaaradda su’aalo ka weydiiyaan mas’uuliyadda loo igmaday gaar ahaanna dhaliilaha ka jira shaqada.

Wasiir Axmed Yaasiin oo la magacaabay 21 January 2022 ayaa xilka haya in ka yar lix bilood.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this