Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Character assassination against wasiir Beyle

Recommended Posts

Sabaha qaar ka mid ah tuugada Beyle u xag xaganaayaan saan ayaa ugu wacan:

Waxaan maalmahan la socday doodda miisaaniyadda sanadka 2022 oo meel adag maraysa, eedo badanna loo jeedinayo Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Balse waxaan idinla wadaagayaa xaqiiqooyinka ku gadaaman eedeymaha loo jeediyay Wasiirka oo ahaa shakhsiga loogu necebyahay, hadda loogu neceb yahay, madax iyo minjaba, gudaha Dowladda sababaha hoos ku xusan iyo kuwa kale oo aan ka tagay awgood;

➡️ Wuxuu la kowsaday iyadoo dakhliga dowladda ay soo uruuriyaan shirkado ay leeyihiin siyaasiyiin ka tirsan Dowladda iyo ganacsato saaxiib la ahaa nidaamka. Dhammaan waa uu baabi’iyay, Wasaaraddiisa oo kaliya ayaana hawshii la wareegtay.

Raggii qandaraasyadaas laga qaaday ayaa hadda doonayo inay mar kale dib u hantaan. Taasina waxay u maleeyaan inay ku suurta gali karto in Bayle laga reebo Xukuumadda soo socota. Aragtidaas waa mid raqiis ah sababtoo ah Bayle hadduu tago iyo hadduu joogaba lacag dambe oo ay dowlad leedahay shakhsi iyo shirkad toona qaadi maayaan, waayo nidaamka maaliyadeed ee dalka waa saldhigtay, dusha sare ayaana lagala socdaan.

➡️ Maadaama shaqo qorista la joojiyay iyadoo lagu saleynayo in marka hore la adkeeyo xuquuqda kuwa qoran, waxaa jirtay in Xafiisyada Sare ilaa Agaasime Guud in qof walba uu isku dayay inuu qorto shaqaale cusub, oo u badan masuul kasta beshiisa hoose. Shaqaalaas waa kuwa u baahan miisaaniyad cusub. Taasi waxay ka hor imaanaysay nidaamka dib u habeynta hay’adaha maaliyadda iyo ololaha dayn cafinta. Saaxiibadiisa xukuumadda oo idil waa ku kala dhinteen diidmooyinkiisa. Waa sababta maanta loo la’yahay qof ka difaaca dagaalka abaabulan ee ku socda.

➡️ Wasiir Bayle waa qof gacan adag oo loo dhiibay khasnad aysan ku jirin dhaqaale badan oo lagu kala furdaamiyo kharashaadka lagu socodsiinayo hawlaha Xukuumadda. Ma uusan lahayn xirfad iyo faham uu ku kala maareeyo dadka dhaqaalaha iyo qandaraasyada faraha badan usoo doonta. Qofkii kala hadla wax mushaar ka baxsan wuxuu kala hor iman jiray ‘Waxba kuuma heli karno ADEER. waraaqaha la noqo.’ Markii uu xilka wareejinayay Madaxweyne Farmaajo, waxaa jirtay dayn dhan $217,000 (Laba Boqol toddoba iyo kun) oo ay Madaxtooyadu gashay sanadihii 2018 iyo 2019, kuwaasoo u badan dib u dhiska Madaxtooyada iyo qalabaynteeda. Si kasta haddii la yeelay waa diiday.

➡️ Bayle wuxuu kursigiisa xildhibaanno ku waayay markii uu jagada iyo saamaynta uu haystay uu ku hanan waayay dadkii gacanta ku hayay geeddi socodka doorashooyinka sida guddiyada iyo la-taliyeyaasha arrimaha doorashooyinka. Wuxuu ula dhaqmi jiray sidii inuusan waji ka lahayn qofna, go’aankiisuna wuxuu ahaa inuu kor ugu qayliyo ‘adeer mushaar ka badan ma awoodo.’ Waa qof farsamo yaqaan ah oo aan lahayn dareen siyaasi oo uu wax ku kala dabbaro, hadalkiisuna toos yahay oo aan laalaab iyo iska daba wareeg ku jirin. Odaygii jufadiisa ahaa ee ergada xulayay wuxuu igu yiri “Adeer kani waligey lacag kama helin, laakiin shaqada uu qaranka u hayo ayaan ku ilaaway wixii aan tabasho u qabay.”

➡️ Dagaalka hadda ku socdo inuusan isla xisaabtan shaqo ku lahayn waxaa daliil u ah oo aan markhaati ka ahay, Alle hortiisana aan la tagayaa, in dhawr jeer ay isku qabteen isaga iyo ragga ugu sarreeya Garsoorka oo ay Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Sare ay kamid yihiin, in dhaqaale qiyaastii kor u dhaafaya $2 milyan oo Doollar oo kasoo xarooda sanadkii gal-furka dacwadaha la keeno Mackamadaha uu diiday in helaan qeyb ay ku maamulaan xafiisyadooda, kuna shaqaaleysiiyaan garsooreyaal cusub.
Gartaas waxaa dhawr jeer galay Madaxweyne Farmaajo waayo doodda Hay’adaha Garsoorka waxay ahayd mid maan-gal ah oo ku qotontay in garsoorka la hufo ay u baahan tahay in la qoro garsooreyaal iyo xeer ilaaliyaal cusub oo khibrad leh, taasna ay keeneyso inay ka fogaadaan laaluush haddii loo helo gunnooyin ku filan. Doodda Bayle iyaduna waxay ahayd maan-gal maadaama dakhli oo dhan hal xisaab oo ka furan Baanka Dhexe lagu shubo (Single Treasury Account) inaan dib looga soo saari karin oo ay lamid yihiin hay’adaha kale ee Dowladda. Haatan raggii Hay’adaha Garsoorka 

Cabdinuur Max'ed Axmed

Kuxigeenkii agaasimihii hore ee madaxtooyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

I personally witnessed one such incident in 2019. After I landed, I paid the visa fee, who was immediately handed to sarkaal gadaal fadhiyey, whose faced all immigration officials who were giving the visas. Sarkaalkaas qasnada ayuu maamulaaye oo garoonka u shaqeynaaye. What was more surprising was another sarkaal, who looked an intelligence officer, seating next to him and who also had a notebook and documents, documenting every paid fee.

There was a relative who worked in the airport and was helping me. I asked him markaa banaanka u soo baxnay kan lacagta aruurinaayo waa gartee, kan kale yuu ahaa asagana xisaabta kor kala socdo. I was told that other person works directly for senior officials of wasaaradda maaliyadda, so nothing will possible la isdaba mariyo. I was told meel walba canshuur iyo dhaqaale balaaran laga qaado saas ayee u joogaan.

You can guess who initiated this. There certainly wasn't sarkaalkaas camal meesha fadhiyey when I visited that same airport in 2013. In fact, if you resisted against paying the visa fee and shouted to agaasime Gaafoow, who had a little office above these immigration officers in the old terminal, he might even wave you in without paying. My brother who knew Gaafoow did that in 2012 and 2013. He didn't bother to do that in his visits after 2017.That was how it was pre-Beyle. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   

He did a lot of good work, nobody can deny that and you are right there are those with other motives in personally attacking him.

And maybe I am missing something, but what I still don’t understand is, why the federal government(irrelevant which department is involved in the process)  hasn’t submitted the annual financial statements to Parliament to settle and account for the previous years?

This is one of the main and basic fundament in the business and cycle of governance and clearly mandated by the constitution in so many articles. Same as you have an annual budget for every institution and the government as whole, which is approved by Parliament you have  at the same time an annual financial report that goes to Parliament. If It was submitted and Parliament rejected for political reasons you could have a point that it was politically motivated, but not submitting at all! Not for one year but four consecutive years? At least that’s what I heard the MPs say, including the Senate chair. 

And mind you that this budget and Financial report is a common government effort, I am sure there are many figures and branches involved and decisions could have come from elsewhere. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Many can claim credit, but Wasiir Beyle deserves much ululation.

Somalia receives $4.5 billion debt relief from IMF and World Bank under HIPC initiative

 

HIIRAAN.COM

New York (HOL) - The International Monetary Fund (IMF) and the World Bank's International Development Association (IDA) have approved a major debt relief package for Somalia under the Heavily Indebted Poor...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
33 minutes ago, Che -Guevara said:

Many can claim credit, but Wasiir Beyle deserves much ululation.

Somalia receives $4.5 billion debt relief from IMF and World Bank under HIPC initiative

 

HIIRAAN.COM

New York (HOL) - The International Monetary Fund (IMF) and the World Bank's International Development Association (IDA) have approved a major debt relief package for Somalia under the Heavily Indebted Poor...

 

why are you giving credit to traitor who has joined the secessionists?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   

Somalia’s debt relief could open the door for even greater indebtedness and scales of corruption never seen before. 

Wondering who will you blame for that, IMF/WB as they were driving the process or those officials now taking credit for this? 

 

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 hours ago, Arafaat said:

Somalia’s debt relief could open the door for even greater indebtedness and scales of corruption never seen before. 

Wondering who will you blame for that, IMF/WB as they were driving the process or those officials now taking credit for this? 

 

 

The dumb fools without knowing, they will  incur  billions of dollars in debts  before they know it, on our name 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.