Che -Guevara

Another Market Fire in another Somali city

Recommended Posts

This is a catastrophe dadku danyar bay u badanyihin. Similar what happens in hargeisa. This is very sad to hear horta somalidu fire safety iyo waxaas Waxba kama oga. These ngos need to do a seminar about that instead of maalinta faraxalka iyo maalinta socodka

Share this post

Link to post
Share on other sites

Faahfaahino dheeri ah oo kasoo baxaya dabkii xalay qabsaday suuqii waynaa ee magaalada Jigjiga

202378638243979450924156.jpg

Dab ayaa fiidnimadii xalay ka kacay suuqa wayn ee magaalada Jigjiga ee loo yaqaano Taywaan kaas oo khasaare laxaadleh gaystay, inkastoon wali aan la shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkaas.

Inkastoo wali aan la ogaan waxa sababay dabkan balse wararka qaar ayaa sheegaya in meherado ku dhexyaal suuqan dab ka kacay uu sababay gubashada suuqan wayn ee Taywaanka ee magaalada Jigjiga.

Dabkan ayaa billowday qiyaastii 11kii fiidnimo ee xalay iyadoo suuqani uu gabi ahaanba basbeelay oo aysan jirin meherad suuqan kutaalay oo ka badbaaday dabkan, inkastoo dadkii gurmadka u yimid ay isku dayeen inay meheradaha ka guraan alaabaha, haddana dadku intooda badan alaabtoodii maysan noqon mid badbaadda.

Suuqan ayaa waxa uu ka dhisnaa cidhifka magaalada Jigjiga, waxa uuna ka dhisnaa Jiingado aan aad u habaysnayn taas oo keentay inuu si dhibyar dabku ugu faafo suuqan, waxa kale oo sababay inuu dabkan sii faafo dabaylo xooggan oo dabka sii hurinayay.

Xigasho

Share this post

Link to post
Share on other sites

Waa dabkii labaad suuqa Jigjiga ka dhaca in four months.

Dababkaan gacmo shisheeye ee la dagaalamaayo, curyaaminaayo ganacsiga ummadda Soomaaliyeed ayaa ka dambeeyo, no doubt about this. And these fires always start late at night - Muqdisho, Jigjiga, Hargeysa, Gaarisa, Wajeer...

Haddaa dukaamo waa weyn ku leedihiin Boosaaso, Baydhabo, Kismaayo, suuqyadiina habeenkii ilaalsada.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Almost dadkaa wax Ka gubteen oo dhan waxay ahaayen dad ganacsi noo dhexeeyo , economically tanba nagaga daran tii waaheen , Inna macal cusri yusra , run ahaantii aadbaan uga xumahay masiibadaas  waxan rajaynaya in dadka farta la geliyey ee wax bartay ay arintaas study Ku suubiyaan. Oo cilmiyan loo derso why ay suuqyada magaalooyinkenu u gubanayan ?  Is there any aqoonyahan here ??  

Anigu caqliyan Waxan aaminsahay terrorists did this. Meel gubata weligeed baa la arki jiray laakiin arlo dhanoo gubata maynaan aqoon.  Arson halaga baadho meesha.

Share this post

Link to post
Share on other sites
19 minutes ago, Game changer said:

Do you think terrorists burned Jigjiga, Hargeysa, Bosaso, Xamar, Garissa, and other Somali markets?  Who do you think the terrorists are and what are their end goals?

Share this post

Link to post
Share on other sites
2 minutes ago, Che -Guevara said:

Do you think terrorists burned Jigjiga, Hargeysa, Bosaso, Xamar, Garissa, and other Somali markets?  Who do you think the terrorists are and what are their end goals?

Wah Che, argagaxisada ma taqaanid inay yihiin kaliya non-Irir Samaale.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Just now, Che -Guevara said:

Do you think terrorists burned Jigjiga, Hargeysa, Bosaso, Xamar, Garissa, and other Somali markets?  Who do you think the terrorists are and what are their end goals?

Aniga farta   layma gelin waxana aqoon uma lihi laakiin by experience waagaan yaraa  hal meherad baa guban jirtee arladoo dhan may guban jirin .  Waxa jirtay xitaa beryo aanu qaranka somaliland dabdamis lahayn oo aanu baaldiyo wax Ku bakhtiin jirnay , hadana khasaaruhu intan wuu Ka yaraan jiray markasta.  

Share this post

Link to post
Share on other sites
galbeedi   

If we start pointing fingers, I would start big businesses and certain people who got illegal money, especially in Jigjiga trying to replace the shanti Jiingado small businesses who dominate trade. 

During Cabdi Illey time downtown Jigjiga was burned  to ground by the government and big buildings and better urban planning replaced the old town. These markets feed thousands of people.

Share this post

Link to post
Share on other sites
3 hours ago, galbeedi said:

Waar Ka madaxa dhuubane cagdheer u malayn maayo inuu dadkaa gubay ,yaan lagu danbaabi , una malayn maayo in ganacsato gubtay  waayo somalidu dhulka way Ku tolantahay , dhulkaa gubtay is not cheap nin walba booskiisa million dollar buu Ku rabaa. 

 Ganacsatada yaryar ee somalidu waa well organised   , dhaqan aan is idhi kacaankii afwayne  bay si fiican uga barteen bay leeyihiin, group kasta oo isku wax Ka ganacsada structure maamul iyo maaliyaded bay leeyihiin.  Ethiopia war Uma hayo laakiin somaliland hiliblaha, qudaarlayda , gaadiidleya kulli iskaashatooyin bay leeyihiin , waar xitaa xamaaliintu  urur bay leeyihin.  

Mar waxa jirtay telesom is tidhi xayeysii shaqooyin ka muruq maalka , ururada muruq maalka veto power saaray .   Waxay dhaheen stay away from our business.    Hargeisa waaheen marku gubtay nashqadii dawladu keentay dadku way diideen , wax kale iska dhaafe xitaa jaranjarooyinka dhismaha meesha la dhigayo baa lagu murmay.  Nashqad yaroo kale oo cantataba baa hada laysku raacay.   Cid dhulkoodii gadayna ma jirto.   Somalidu dhulka downtown Ka easy kuma gadaan.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.