Sign in to follow this  
Observer

Standard somali?

Recommended Posts

Haneefah   

salam,

 

I agree with some of you in that i believe purest somali is spoken in SOMALI GALBEED God, i hope i'm not being biased, but hey that' s my take on it!

 

BTW, where is Nugaal? redface.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ladiif   

I think from Galbeed, Waqoyi, iyo waqoyi Galbeed..........U might ask Y would I think so? Becos "most" of the famous/best poets came from those areas. I have no other proofs......But I guess that shouldn't be much of a concern now since we all understand each other

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saanjo   

Salam to all, let me give my opinion, I think that there is no region that speaks a perfect "standard" Somali because we all know that in every region you will find some words that are unique to them hence it is not a standard. BUT having said that I believe that the most common Somali that is used by the media and is written is the one that is used by people of NUGAAL VALLEY and its sorroundings such as North East, North West, Hawd and Ogaden. This is due to the fact that most Somali poets were from this area and also first people who made their effort to write Somali script such as the great Osman Yusuf Kenadid who invented the Osmaniya manuscript and his son Yasin who wrote the Somali dictionary were both from that area.

 

On the other issue I want to rais is that every language has a many dialects but there is one chosen as standard. Here in England alone there are many local dialects but still there is one that is recognised as the official and standard English

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

There is nothing perfect in this world and a language is the least perfect of all.There is nothing called perfect somali.Its made up of different dialects.What is perfect about it however is the fact that we all understand each other.

I don't know if you noticed it but dialects are derived from the basic needs of different areas and diiferent backgrounds.Somali dialects have similarly been derived on those basis.That is it.PERIOD.

 

Thank you

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamster   

Salamu Alaikum

 

I am astoundedly surprised to see Somalis discussing the Somali language in a luqad qalaad.! Cajiib.

 

Umad kasta oo kunool wadan ama goob waxa ey kuhadashaa luqad, luqadaasi waxa ey leedahay lahjo. Marka laqorayo luqad waxaa dhextaal looga dhigaa waxa looyaqaano Suugaanta. Suugaantu waxay uqybsantaa laamo fara badan. Arar, Gabay, Maahmaah, ama guud ahaan tix iyo tiraab. Hadaba, Luqada Soomaaliga waxaa dhextaal iyadana u ah Suugaanteena qiimaha badan.

 

Soomaliga "dhexdehxaadka" ah ma uu aha mid kuqoran hal gobol keliya (18 gobol ahaaneed) laakiin waa mid kasoo jeeda goobo Soomaliya kamid ah. Gobahaasi waxaa la oran karaa waxa ey wadaagaan ama kadhexeeya waa suugaanta; Tix iyo tiraabba. Gobollada ey Abwaanada Soomaliyeed ee caanka ah (Waxaa dood la gelin karaa maxaa caan ka dhigey kuwan). Ragaas waxaa ka mid ah:

 

1.Raage Ugaas- Galbeedka Soomaaliya

2.Sayid Maxamed- Buuhoodle Area-Hawd

3.Cali Dhuux- Marqaanweyne- Hawd

4.Ismaaciil Mire- Marqaanweyne- Hawd

5.Salaan Carabey-Waqooyi Galbeed

6.Aw Jaamac- Waqooyi Bari

 

Iyo Rag kale oo fara badan. Waxaa kaloo jira sheekooyin badan oo kusaleysan nimankaas aan kor kuxusey Aaga ey kayimaadeen. Sheekoyinkaas waxaa kamid ah Cigaal Shiidaad, Dhagdheer iyo kuwo fara badan oo aan kusoo barbaarney.

 

Si kastastaba arintu ha ahaantee arinkaani waa arin muran badan lagelin karo, laakiin hade waxaa lagama maar maan ah in qofku uu aqoon u yeesho mawduucan inta aanu madaxa la gelin doodan qaaliga ah.

 

Mahadsanidin.

 

Farah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Af Soomaaligu waa af lahjado kala duwan leh sida uu Farah u xusay. Laakiin midka idaacada laga sii daayey iyo kan manaahijta dugsiyada loo dejiyey lagu qorey waa mid ku yimid go'aamo siyaasadeed oo nidaamyadii jirey ay qaateen.

 

Annigu waxaan qabaa in ay run tahay abwaaniinta Soomaaliyeed ee kor lagu xusay in ay dhamaan magac iyo maamuus ku leeyihiin Somaliya. Laakiin sidoo kale ayaa waxa jira kuwo badan oo aan nasiib dadweynuhu u helin in idaacada laga dhageysto. Lahjadaha ay ka midka yihiin Maaymaayga, Jiidada, Garaha, Dabaraha, Tunida, iyo Baajuunta idaacdada waligood lagama sii deyn. Waxa suurto gal ah in akhyaar badan oo halka maaweelo u yimaada in aaneyba waligood maqal lahjadaha aan ka sharqamiyey. Waxay ku dhacday arrintaas waa nidaamyadii awoodu gacanta ku dhigay baan u arrag in ay muhiim tahay in cod la siiyo dadyowgaa saa iyaga laf ahaantooda baan afgaraneyn ileyn e.

 

Dulucdu waxey tahay: haa af Soomaaliga leyna barey ee sida caamka ah u hirgaley waa lahjad looga hadlo degaanka Gaalkacyo waqooyiga iyo galbeedka kaga aadan. Haa oo abwaanda sida caamka ah xigmadooda loo maqley halkaa ayey ku dhasheen. Haa oo BBC-du qudheeda yaa ilaa lixdameeyadii shaqaalahoodu waxey isku heysteen lahjada ay ku baxeyso idaacadu ma kan Waqooyi Baribaa, Nugaal, iyo Mudug sare yuu noqonayaa mise waa midka Waqooyi Galbeed iyo Hawd; ilaa la isku dhafey oo lagu heshiiyey. Hadaba gidigeen waxaan ku hana qaadney afkii dadka awooda hantiyey ay saani ugu hadli jidheen.

 

Waxa aan qabaa in hadii gobolada koonfureed sida Hiiraan, Jowhar, iwm ay ku badnaan lahaayeen nimankii majaraha inoo hayey ilaa berrigaa in maanta arragtida aan ka qabno afka Soomaaliga ay ka duwanaan laheyd mida halakan lagu soo bandhigey.

 

Buuga Suugaanta ee dugsiyada dhexe waxaa ku badnaan lahaa guuroowga oo hadahaa waxa aan qeyb sanaan laheyn:

 

Ya minii fatuuro fiiq tiraa,

Ya nikii fadhaaya maa fiyow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ladiif   

Haaaa, waa saas!! Fadlan somaliyey ama af somali wax ku qora sida laydiin horseeday maadaamo aan af somali yahay waxa lagga hadlayo ama BUDHU BADHAADA inaga daaya!!

 

Waana kabaxay...........nabadey!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamster   

Salamu Alaikum,

 

Latiif, waad kumahadsan tahay sida deganaansha ku dheehan ee aad udhiibatey fikradaada qaaliga ah. Inkastoo wax badan oo aad sheegtey kugu raacsanahay, hadana xoogaa yar ayaan dhaliilayaa ra'yigaaga ah Nidaamyadii kadhisannaa Soomaliya iney ku qasbeen dadka hal Soomali.

 

Anigu hadalkaas waxaan isleeyahay waa ra'yi labuunbiiniyey, maxaa wacay lahjo iyo Luqad dhexdhexaad ah wax isku mid ah ma ey aha. Wadankaan Ingiriiska ee aan kunool nahay waxaa jira lahjado kala duwan laakin luqada lagu hadlaayi ma ey kukoobna gobol ama degaan hal meel ah- inkastoo dadku yiraahdaan Koonfur Bari wadankan ayaa luqadooda lagu hadlaa. Sida aan horeba uga dhaqaajiyey, soomaaligoo idil lahjo ayuu aha- qaasatan lahjooyinkaad uxstey qaar badan ayaan Soomali ereyo asal u ah adeegsan: dood waxaad gelin kartaa Waa maxay Soomali! asalkiisu xagee buu kayimi?

 

Waxaan kugu racsanahay in lahjooyinka aad kor ku xustey aan lasiinin fursad ey lawadaagaan walaalohooda Soomaliyeed- tusaale ahaan in loo sameeyo Idaacad (Radio) ku baxa lahjooyinkaas. Laakin waxaa la oran karaa taasi waxay usuurto geli weydey labo arimood daraadeed: 1. Iyadoo dawladu eyna heynin dhaqaale kufilan in lasameeyo mashaariicdaas 2. In dawladu eyna ku baraarug saneyn "Political Correctness".

 

Waxaa la iisheegey markii Afsoomaliga laqorayey in Soomaliya oo idil dadka u kuura gala Luqada Soomaliyeed loo yeerey; dadkaasoo ka kala yimi Raascaanbooni ilaa iyo Raas caseer ilaa Seylac. Hadii hadalkani sax yahay, waxaa cadaaneysa in Maamulkii kaligii taliyaha ahaa uuna keligii afduubin Mashruucaas (Weliba horaantii 70naadkii Dawladii Siyaad waxay aheyd dawlada ugu hormarin ogeyd Soomaliya ilaa iyo 60maadkii- arintaad dood ninkii kaqaba shaah hasoo qaato iyo gambarkiisa si aan geed hoostii uga xaajoono arinkan).

 

Calaa kulixaal, Hada Somaaliigaan qorayo qofkasta oo Soomali akhrin kara waa uu fahmayaa (waxaa laga yaabaa in erayo ey kugu cusbaadaan tani macnaheeda ma ey aha inaan lahjad kuqorey balse ey dhacdo arintaan oo kale. Qofka ingiriis ah hadii loo dhiibo qoraalada Milton, Byron, Shakespeare, James Joyce Ms Woolf- in dumarka laxuso ayaa mudan- shaki waxaanu ku jirin in uu erayo badan fahmi waayo, tan macnaheedu ma ah in Qoraayaashani eyna kuqorin English Standard-ka ahaa balse waxay kutusinaysaa in qofkani uuna luqadiisa sifiican u aqoonin:::: Qalad hafahmin, anigu iskuma matalayo ragaas, tusaale ahaan ayaan usoo qaatey).

 

Farah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ladiif   

Farah, waxaan umalyn inaad lahadli rabtay walaal Baashi sababto ah, anigu wax fikrad ah kamadhiibanin meesha oo waa Baashi ninka ay kusocotay mahad naqaagu.....Baashi, is all for you man!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NinBrown   

Waxaan waligey maqli jiray, somaliga saxdaa waxaa looga hadlaa dhex bartanka wadanka, ragii qarayna waxay ka imaadeen meelahaas.

 

thats my peice, i might be wrong.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this