Che -Guevara

Former NISA Director Fahad Yasin interview

Recommended Posts

caaydu ma fiicna, platform kan dad badan oo leedership somalia ku leh ayaa warkooda ka qaata halkaan. Act on that.

 

somalida iyo fudeedkeedii weeye. Videoga ninkaan soo duubay, wax badan oo alshaab ku saabsan oo xataa ciidenkeenu isticmaali karaan baa iiga baxay. Adi maxaa kaaga baxay, mise how to discredit this journalist uun baad ku mashquulsaneed. any information regarding how your enemy conduct business should be valued. Journalist si uu warkiisa ku helo waa in uu ugu ekeedaa neutral.

 

if it was in any other country he would have won an award.

 

mida ku saabsan, waxyaabihii uu ka yiri Farmaajo, it was spot on, except mida caayda ee uu ugu yeeray Majnuun. Caaydu ma fiicna, soomali badan baase saa warkooda ku gudbisata. Shows lack of words.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wax badan baa laga faaiidi karaa, video sax, laakin waxaa yaba nin rubuc qarni deganaa, ka shaqeeyey , nolol iyo xuriyad ku haysta UK, waxa uu uladhacay shayaadiin dadka qasha, oo dhulka ka taliyaan,  baqdin, dilid, baad, extortion,  dhac,  iyo argagax dadku ku nool yihiin

Waxa ugu yaabka badnaa, bal dib u daawo, waraysigii Hanoolaato, waxa u dhowr jeer uu ku celceliyey waxay dilaan dadka dawlada u shaqeeya,? Is that true?

Maxaa culumo dileen,  ganacsato? maxay aqoonyahan dileen, maxay maato dileen? Doqonkan Jamaal should visit Galcaio,  Bosaaso, Mogadishu,  he should meet the victims.

Waxa rubuc qarni uu degenaa nacaskani meel fekerkiisa si xor u gudbin karo,  maxay  sababta dad ka feker duwan uqasheen!

Dadka aan waxba galabsan oo dhiigooda ay banaysteen,  Waa ururrada diimaha ka duwan,  sida sufiyiinta, waxaan Oran karnaa Waa ka dhameeyeen dhulkeey haystaan. Bilowgii dhowr mar bay soo geliyeen iyagoo burburnaayo oo laynaaya dad.waayeel ah , ama meelaha siyaarooyinka

Nacaskan caqliga yari waxa uu dhowr yiri, DiiNta Waa la isku xukumi, qolodee , ama groupkee hormood ka noqon? Wax sahlan maha madama dhowr guruup jiraan, kala duwan,  yaa raba DiiNta shabaab wado? Sufiyiinta hadii loo dhiibo , iyana kuwan bay ugaadhsan! Inteey doonto sufiyiinta  baa ka dhow oo ka macquulsan.

Iyodoo maqaan sanawaad, years,  culumo qayba badan la  isku keeni, hubka dhiga, dood, dulqaadasho, meel dhexdhaxaad ah layskugu yimaado, laakin maskaxda magelaayo  khawaarij haloo dhiibi ama hala heshiiyo ama.wax lala wadaago.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dilalkii bistoolada dadka lagu ugaarsanaaye Xamar aad ugu soo batay in last several weeks, exactly what Fahad Yaasiin mentioned in this interview that they eradicated this kind of crimes in Xamar because of capable undercover NISA intelligence agents. No more under Mahad Qalaaye. 

Xamar is now back the way it was before 2017:

GANACSADE caan ahaa oo caawa lagu dilay Muqdisho

Allaha u naxariiste waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid lagu dilay Ganacsade caan ka ah magaalada oo lagu magacaabo Sheekh Salaad Ciise.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dadka deegaanka waxa dilay nabadoonka oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka kooxo ku hubeysna bastoolado oo illaa hadda aan haybtooda la aqoonsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka booliiska ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay, ayaga oo halkaasi ka bilaabay howl-gallo lagu baadi-goobayo kooxda dilka fulisay.

Majiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo la xiriira dilkaan, mana jirto illaa hadda cid sheegatay masuuliyada dilka Ganacsadaha.

Dilkaan ayaa kusoo aadaya xili uu sii xumaanayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, islamarkaana ay kusoo bateen dilka iyo dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah. (Pro-Xasan Sh. website publically admitting the failures of his new dowlad.)

Si kastaba, dilalka noocan oo kale ee loo yaqaano ku dhufo ee ka dhaqaaqda ayaa waxa magaalada Muqdisho ka fuliya xubnaha Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku beegsadaan masuuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo dadka maangalka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fahad oo maanta qoray waraaq ku socota madaxda qaranka. Inkastoo aanan ku raacin in uu Soomaali Galbeed la heysto uu dhul Xabashi ku tilmaamo:

295337129_5945175838840298_8788917751136

In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga.

Waxaan ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoose oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaranka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika:

1.  In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan.

2.  In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan.

3.  In Guddiga Amniga Qaranka uu shir degdeg ah ka yeesho xaaladda khatarta ah, soona saaro go’aanno horseedi kara nabadda gobolka geeska oo idil, ayna Dowladda Soomaaliyeed qaadato dowr hogaamineed, iyadoo muujinaysa in amniga Gobolka isku xiranyahay.

4.  In la abuuro jawi kalsooni oo ku salaysan wada tashi joogta ah oo ku qotama ka hortagga khataraha amni ee wada khuseeya geeska, taasna lama heli karo inta Amniga Soomaaliya ay madax ka yihiin xubno shalay la safnaa Ururka TPLF markii ay la dagaalamaysay dowlada sharciga ah ee Adis-Ababa, qaar kalana ayba argagaxisada xiriir wada shaqeyn la leeyihiin, waana qodob khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo kan gobolka labadaba.

5.  Itoobiya waa dalka aan la leenahay xuduuda ugu dheer, ayna muhiim tahay in labada dal ay si buuxda isaga kaashadaan amniga iyo ka hortagga Argagixisada, waana in xiriirkeena aysan saamayn gurracan ku yeelanin dad dano khaldan leh, ama xiriir la leh kooxo khatar ku ah Nabadgalyada gobolka oo idil.

Fahad Yaasiin
Taliyihii hore ee Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 6/18/2022 at 7:46 PM, maakhiri1 said:

The terrorist does not deserve notoriety and air time, but this journalist did nothing wrong, it is newsworthy to find out what is going on shabaab held territory 

Removed from Muqdisho by kuwa uu u sacabtumi jiray for years. Haka saarto.

320781372_868080031184565_81160718020754

Share this post


Link to post
Share on other sites

They should lock him up.

In early 1970s, there was this Bbc somali journalist, British citizen who agitated Siyad Barre,  amd his programs, while thinking he was untouchable, he locked him, for months,   dhaqan celis,  for Somali national,  

When Somalia had balls

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.