Che -Guevara

Former NISA Director Fahad Yasin interview

Recommended Posts

Waraysigii laga qaaday Fahad Yaasiin ee ku saabsanaa dilkii ikraan Tahliil markaad dhagaysatay su’aalahan jawaabo ma u haysaa  ?

Maxay tahay sababta Fahad Yaasiin oo loo haysto dilka gabadh Soomaaliyeed loogu xanibay garoonka jabuuti looguna diiday in uu Muqdisho yimaado ?

Hooyada dhashay Ikraan bilowgii waxay noo sheegtay in markii inanteeda ugu dambaysa ay xilli habeenimo ah ay marsanaysay make-up markay weydiisay meesha ay u socotana u sheegtay in ay taliyaha la ballansantahay ! waxaanan wada ognahay in Fahad yaasiin xiligaas wadanka ka maqnaa haddaba Ikraan waa kuma taliyaha ay la ballansanayd ? ! 

Muxuu Raysal wasaare Rooble u diiday in uu ka qayb galo shirkiii aminga qaranka ee Farmaajo iclaamiyay? 

Raysal Wasaare Rooble dhawr jeer oo kala duwan oo uu hadlay wuxuu sheegay in uu ogyahay cidii Ikraan dishay cadaaladana uu horkeeni doono muxuu u sheegi waayay? Muxuuse maxkamad ula tiigsan waayay ileyn qof wadanka isaga ka sareeyaa oo fulinta joogay ma Jirinee ? ! 

Maxaa keenay in si deg-deg ah Nisa loogu magacaabo Mahad Salad oo ay waliba xukuumadii Rooble ee wakhtigu ka dhacay u ansixisay ? Maxaa loola sugi waayay xukuumada cusub? !

Maxaa isku reer ka wada dhigay ragga uu Fahad Yaasiin ku eedeeyay dilka Ikraan tahliil, raysal wasaare Rooble, wasiir al-Cadaala,Mahad salaad, iyo Mahad karatay ? ! 

Fahad Yaasiin eedeyn culus ayuu jeediyay oo uu waliba ku jiro Raysal wasaarihii wadanku Maxamed Xuseen Rooble ma waxay kula tahay in aanu caddaymo u hayn eedayntiisaas? ! 

Dilalkan qorshaysan ee dad gaar ah la beegsnaayo inta aanay dhicin Raysal wasaare Rooble imisa wadan oo aanay Soomaaliy iyo xukunkii Farmaajo isku wanaagsanayn ayuu booqday ?

Fahad Yaasiin haddii uu rabo in uu Ikraan tahliil dilo muxuu u dili waayay 2017,2018,2019,2020, ee uu u khaarijiyay 2021 ka isagoo wadanku u jihaystay doorasho la og yahay in uu Fahad rajo weyn ka lahaa,
Muxuuse xiligaas xassaasiga ahaa indhaha dadka Soomaaliyeed isugu soo jeedinaayay ma bilaa garashaa ? !

Fahad Yaasiin waxa uu noo sheegay mudooyinkii dambe Raysal wasaare Rooble in aanu wax xidhiidh ah la lahayn hay’ada Sirdoonka ee Nisa sida aan ka wada warqbanana Rooble wuxuu noo sheegay cidii dilkii Ikraan ka dambaysay in ay ka dambayso dilka xilibaan Aamino waliba waxa uu ka sheekeeyay qofka xilibaan aamina isku qarxiyay halka laga keenay ! Inta uu meesha joogay iyo dhamaan xaalka is qarxiya !


Haddaba xogta intaas leeg yaa Rooble usoo gudbiyay isaga oo aan wax wada shaqayn ah la lahayn xiligaas hay’ada Nisa ee qaabilsan xogaha noocan oo kale ah? 

Qof kasta oo Soomaaliyeed oo raba xaqiiqada cidii dishay walaasheen Ikraan tahliil su’aalahaas kor ku xusan jawaabahooda si maan-gal ah hawga fikiro isagoo iska dhaafaaya caadifada,qabyaalada,nin jeclaysiga iyo wax kasta oo waaqici ka hor imanaaya.

WQ:- MAXAMED CABDI XUSEEN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   

what I note from this discussion is that Somalia needs security oversight and supervision, not appointed by the executive but perhaps by the legislative to ensure some sorts of accountability and check and balance, and prevent power abuse in the future. Everything else is about the usual personality driven play for power that has failed the people for the last 3 decades.

Who killed who, and who abused who, are about crimes and has nothing with politics and won’t add anything to changing the current status quo.

@SOL moderators, open a separate section for crime related discussions, this  has nothing to do with politics. 

Aanu ka gudubno baliiiis. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another bombshell. 

Fahad Yaasiin: Magacaabidda Mahad Salaad waxay ka dhigan tahay in xogtii amniga dalka gacanta loo galiyay Alshabaab

Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin ayaa ku eedeeyay agaasimaha cusub ee hay’adda NISA, Mahad Salaad inuu xiriir weyn la-leeyahay ururka Alshabaab islamarkaana uu qeyb ka ahaa weeraro iyo shirqoolo saraakiil badan lagu qaarajiyay.

Fahad Yaasiin waxa uu sheegay magacaabidda Mahad Salaad inay ahayd qalad weyn oo uu galay madaxweyne Xasan Sheikh, isagoo sheegay inay ka dhigan tahay in xogtii amni ee dalka loo gacanta galiyay Alshabaab.

“Waanka naxay ninkaas markii loo magacaabay xilka NISA, Xitaa Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh warqad ayaan u qoray inuu Mahad Salaad u dhiibin xilkaas, Laakiin si Saaxiibtinimo ah ayuu ugu dhiibay,” ayuu ku yiri  Fahad wareysiga lala yeeshay.

Fahad oo ka hadlayay qeybtii afaraad wareysi taxane ah oo laga qaaday wuxuu ku sheegay inuu hayo caddaymo ku saabsan in Mahad Salaad uu kamid yahay dadka Alshabaab kala shaqeeya inay Muqdisho qaraxyo soo galiyaan iyo fududaynta goobaha lala beegsanayo.

Waxyaabaha uu Fahad ku eedeeyay Mahad Salaad waxaa kamid ah inuu iskudayay inuu dilo mid kamid ah raysal wasaaraayashii dalka soo maray, isagoo ka gaabsaday inuu magaciisa xuso.

Wuxuu isku dayay inuu dilo Raysal Wasaare hore, Qorshahaas markaan ogaaday ayaan wacay Raysal Wasaarihii, waxaana ku idhi Mahad Salaad miyaad kulan la leedahay, Haa ayuu igu dhahay, Kadib waxaan ku idhi iska baaji kulankaas xaalad amni darro darteed, Xogtaas aan ogaaday darteed ayuu Raysal Waasaarihii ku nool yahay maanta,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. (Kheyre?) 

Mar labada aqal madaxweynuhu shir ugu furayay iskool Boolisiya, Mahad wuu qorsheeyay oo Alshabaab kala shaqeeyay oo Mahad Karataay oo uu u shaqeeyo kala shaqeeyay, meeshaas in labo baabuur oo qarax ah lasoo galiyo. Waxaan wacay guddoomiyaha aqalka sare iyo madaxweynaha, waxaan u sheegay in shirka sababo amni awgood loo baajiyo, waana la baajiyay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin wuxuu sidoo kale eedayntiisa ku sheegay in Mahad Salaad uu wax ka abaabulay dilkii taliyihii NISA ee Dhuusomareeb, Qooje Yare iyo qaraxii 18kii decemeber ee 2020, ka dhacay Gaalkacyo ee lagu dilay taliyihii ciiddanka milatariga qeybta 21-aad Qooje Dagaari, taliyihii Danab iyo saraakiil kale.

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay iyadoo NISA og arrimahan oo idil in haddana aysan awoodin inay Mahad Salaad tallaabo ka qaado, isagoo sheegay inuu isku ilaalinayay xasaanadda xildhibaanimo. Wuxuuse hadda ku baaqay in lala xisaabtamo. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu soo bandhigo caddeymihiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Kkkk isagaaba dambiila ah hadii uu nin uu ogyahay in waxaas oo jariimo ah qoolayay hadana uusan wax tilaabo ah uusan ka qaadin. Laakiiin waxaan waa boor isku qaris kama saarayso Fahad. Laakiin Mar uun runti waa soo baxaysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   
23 hours ago, Che -Guevara said:

Tell me any high ranking official ever arrested, indicted, tried and sentenced? I am not talking about young men accused of terrorism or soldiers killing civilians.

Even actual terrorists like Roobow and Daahir are not investigated or tried. The best they could do is put them under house arrest.

Tell me last time a high ranking NISA agency chief was alleged to have abducted and murdered a spy officer that worked and lived in the agency's compound? This is a high profile and unique case that has not happened in Somalia before. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 hour ago, Samafal said:

Kkkk isagaaba dambiila ah hadii uu nin uu ogyahay in waxaas oo jariimo ah qoolayay hadana uusan wax tilaabo ah uusan ka qaadin. Laakiiin waxaan waa boor isku qaris kama saarayso Fahad. Laakiin Mar uun runti waa soo baxaysaa.

Xooga nimanku fulay bay ahayeen, in qoorta u dheereeyaan bay ahayd,, laakin xooga in wax kusoo baxayaan oo  so tartiib ah wax u fahmeeysid baa moodaa 😁

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   
2 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Qaarijintii markee u hirgali weysay:

287691452_5368657276548406_2139183908457

That is Mahad Salad. A low-level criminal hit man

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

104K likes and 13k loves from single video - unbelievable.

Screenshot-20220612-194840-com-opera-bro

How much money is he making? Youtube is similar numbers 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

They control a lot of these media or can be easily blackmailed. They did not expect this.

"I wish that you would stay in my memories
But you show up today, just to ruin things
I wanna put you in the past 'cause I'm traumatized
Too busy playing the victim to be listening to me when I say
I wish that you would stay in my memories"
In my memories, stay in my memories"

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.