galbeedi

Mudane Madaxweyne, Cagaf Ayaan Marinayaa Guriga Farmaajo, weliba......

Recommended Posts

galbeedi   

 

Shir albaabadu u xidhan yihiin ayaa waxa uu dhexmray, Madaxweyne Hassan Sheikh, Mahad Salaad, Sanbloolshe iyo Agaasimaha madaxtooyada.

Waa shir socday saacado badan oo qoraalkan aan lagu soo koobi karan, laakiin waxaanu isku dayi in idiin soo gudbiyo qaybtii koowaad ee dooda ka dhacday Villa-Somalia.

 

Sanbaloolshe: Mudane madaxweyne inkii Farmaajo ee aanu madaxtooyada ka saarnay ee aanu nidhi weliba xilka yaanu wareejin maalinta caleema saarkaaga ee waa in uu todabaad gudihii uga baxaa villa-Somalia, ayaa weli baraha bulshada iyo saxaafada ku jira. Waxani wax loo dul qaadan kara maha ee waa in aynu talaabo ka qaadnaa.

 

Madaxweyne Hassan:  waar ninku waa madaxweyne hore, hadal weyna waa iga dhacay oo waxaan idhi " aargoosi siyaasadeed" ma sameynayee maxaa tala?

 

Mahad Salaad: Sanbaloolshe ayaan ku raacsanahay, Farmaajo lacag waa buuxaa oo bangiyada ayey u taalaa, hadana waxaan maqlaynaa guri baa loo dhisayaa. Waa in aynu lacagta la wareegno, dhismaha gurigana joojino.

 

Agaasimaha Madaxtooyada: Mudane Madaxweyne, way adag tahay in aanu horjoogsano guri madaxweyne hore loo dhisayo, laakiin waxaanu samayn karnaa in aanu olole cusub oo xafiiska madaxtooyadu hagayo ka bilwno baraha bulshada, sida kacaan cusub oo la yidhaahdo "Soomaaliya oo nabada" oo maalinba tuulo cusub aad booqato.

 

SB: Wakhti badan ayaanu u baahan nahay si aanu awood ugu yeelano baraha bulshada, laakiin talaabada u horeysa waxa weeye in Fahad Yaasiin la soo qabto, Farmaajana dalka laga saaro.

 

HSM: Farmaajo sidee dalka ooga saara? Fahad Yaasiin waa maskaxda waxaan ka dambeysa, aniguna nabad kuma seexan karo inta ninkaasi nool yahay oo dalka jooga. M. Salaad Hawshaas maxaad ka qabatay tan iyo kulankeeni hore?

 

MS: Mudane, saakadii hore ayaan ciidan iyo rag diray, Fahad oo katiinadaysan ayaa NISA la iigu keenya, waxii koombiyuuter hurigiisa yaalayna waan soo qaadaya, dadka ku aasan dayrka gurigiisana waan soo faqaya.

 

AM: Mudane, Fahad dalka ma joogo. Hore ayuu ka war helay in uu Mahad Salaad u soo nsocdo warkuna suuqa ayuu galay. Mid kale taliyaha NISA ayaa dad inta uu gacabtiisa ku dilo ayaa gurigiisa ku aasaya wax aqliga galaya ma ahan. Ma aha in aynu rumaysano wararka beenta ah ee aynu baraha bulshada inagu geynay.

 

HSM: OO ninkii Fahad ee aad ilahayd waan soo qabanaya ilayn dalkaba ma joogo. Waar madaxweyne labaad idaacadaha iyo wararka in uu habeen kasta ku jiro oo maalin walba la yidhaahdo gurigii Farmaajo maanta daebigii baa la dhisay, todobaad ka dibna daaqadihii baa la wadaa oo hadhawna saxaafada caalamiga sida BBC, CNN iyo Al- Jazeera loo yeedho oo la yidhaahdo, waa " Madaxweybuhii u horeeyey ee Africa ee weligii shilin qaadan", anigoo og in lacagtiisu bangiyada dibeda taala wax la ogolaan karo ma ahan.

 

SB: Mudane, wiilka aad adeerka u tahay ee Taabit Cabdi gobolka Banaadir u magacaw, ka dibna u sheega in uu diido dhul guriga Farmaajo laga dhiso.

 

AM: Mudane madaxweynihii hore ayaa dhul guri loo diiday ceen ayey nagu tahay. Boqolaal qof oo reer Muqdisho ah ayaa jagooyin banaan siinaya. Ololaha baraha bulshada haddii dhaqaaleheeda la ii dhiibo, aniga ayaa abuuraya Youtubers cod dheer oo hawada qabsada.

 

MS: Madaxweyne, waxa jira in aad u magacaabayso Khayre i uu arrimaha lacaga dibeda inagaga xaniban soo celiyo. Bal kawaran haddii aynu qabsano shirkado iyo looyaro caalami oo soo ogaada kadubna aynu soo qaadano lacagaha Farmaajo u Yaala Turkiga, Qatar iyo Marykanka?

 

AM. Mudane, waad og tahay dhibkii kaa soo gaadhay lacatii dibeda taalay ee aad rabteen in kooto dibeda ah lagu shubo. Arrintaas ka fagow ayaan ku leeyahay.

 

MS: Horta waxaan la yaabanahay wiilkan agaasimaha ee wax walba iska jirta uun ku cecelinaya, ma waxa uu rabaa biyuhu in uu godka inoogu soo galo?

 

SB: Haddii aniga la ii magacaabo wasiirka arrimaha gudaha, waxa aan adeegsan Booliska, kuwan baraha bulshada ee gudaha dalka joogaa aragagax iyo cabsi ayaan gelin, saxaafadana gacan bir ah ayaan ku qaban. Markale aan ku celiyo, haddii aynaan Farmaajo iyo kooxdiisa hadda joojin oo arrinta gurigaan aynaan xal u helin afar sano gudahood dib la inoo arki maayo.

 

AM: mid waan idinku raacsanahay oo Farmaajo doorashadan ogaan buu inooga hadhay oo guusha si dadban ayuu inoo siiyey madaama dad badan oo mucaarad ahi ku kacsanaayeen, laakiin waxaan shaki ku jirin in soo laabanayo isagoo la gelbinayo oo cod shacab haysta. Baraha bulshada ka sakow talo kale ayaan hayaa mudane.

 

HSM: waar afar sanaba ma gaadhayee, talada aad hayso ii sheeg.

 

AM: Mudane, koox kale oon HAG ahayn oo shanqadh badan oo xaga saxaafada iyo baraha bulshada inaga caawin karta ayaa jirta.

 

MS: Cid aan madaxda mucaaradka xubin ka ahayn oo ina caawin kartaa ma jirtee ayaad u jeeda?

 

HSM: dhamaantiin aamusa. Agaasimaha ayaan rabaa warkiisa.

 

AM: Mudane, waxaan kugula talin lahaa in aad Raiisul wasaaraha dhaqso u soo magacwdo, saxaafada iyo baraha bulshadana xagaa u leecino. Sidoo kale haddii aad wasiirka koowaad u magacwso reer Puntland, iyaga ayaa dawlada difaaci oo hawl gelin taafeerayaashooda, inagana gaashaanbuur inoo noqon.

 

SB: Mudane wasiir koowaad ma magacaabi karno ilaa aynu golaha wasiirada dhamays tirno. Reer Puntlandkuna waa niman dhib badane, waxaan kugula talin lahaa nin beelaha kale ee Daa...d in aad magacawdo. Mida kale, weli shuruudihii aanu karabnay wasiirka koowaad lama dhameystirin. 

 

MS: Mudane, inta aynu hawlaheena ka dhameysanayno, Rooble ha inoo joogo saddexda billod ee soo socota. Miisaaniyada sanadka soo socda Rooble ha diyaariyo oo waxa aynu rabno haku daro. Inagoo miisaaniyadii iyo qorshihii aynu ugu tala galnay sirdoonka iyo amaanka dhamaysanay, bisha sideedad wasiirka koowaad ha yimaado.

 

HSM: Madax ayaa i xanuunaye, bal aynu waxooga shaaha soo cabno oo isku soo noqono. 

 

Waxa dibeda u baxay Mahad Salaad,, " Agaasimaha madaxtooyada iyo Sanbloolshe. Waxa xafiiska dibediisa fadhiyey C/raxmaan C/shakuurWarsame oo yidhi arrintii guriga Farmaajo xal malaga gaadhay?. 

 

CCW: Horta anigu wadaad baan ahay waxoogaa xagga diintana waan idinka badiyaa, markaa waxa jiray markii Rasuulku SCW u soo hijrooday Mediina ee masaajidka dhisay, waxa jirtay qolo munaafaqiin ahayd oo rabay masaajid kale in ay dhisaan. Rasuulki SCW wuu diiday waxa uuna yidhi hala dumiyo. Anigu waxa aan leeyahay Guriga Farmaajo loo dhisayo waa aqal fidno ee marka la dhiso hala dumiyo oo cagaf halamariyo.

 

MS: C/raxmaan haddii Farmaajo gurgiisa la dhiso oo uu olole bilaabodalkana isku dayo in uu lawareego afartii sano oo aan dhamaan maxaa talo ah?

 

CCW: labaatan wiil oo NISA ah ayaan diri lahaa habeen badhka sidii aniga la ii weeraray oo kele. Rasaas ayaan ku furi lahaa ka dibna waxa aan dili lahaa dhamaan waardiyayaasha Farmaajo, isagana waan garba duubi lahaa ka dibna waan siidayn lahaa. Cabsi ayaa geli lahayd dalkana wuu iskaga bixi lahaa.

 

MS: waar war cajiib ah ayaad haysaa , dhinacaaba kama fekerin. Waxa aan kaa dhiganayaa la taliye.

 

AM: C/raxmaan, waxa waardiyahaaga toogtay waxa uu ahaa Saadiq John iyo Khayre, Farmaajana shaqo kuma lahayn.

 

SB: Dhegta ayuu si sir ah C/raxmaan C/shakuur ugu yidhi" Hawshaas waxa laga yaabaa mustaqbalka in loo baahdo, sidaa darteed cidna yaanay warkaasi dibeda u saarin".

 

CCW: oo gabankan reer baydhabo saw inama maqlayn.. 

 

Sanbloolshe : imisaan madaxweynaha kula taliyey in agaasimhaha madaxtooyada iyo dadka ku wareegsani dhamaan HAG noqdaan.

 

Waxa albaabka soo joogsaday C/rahmaan Diinaari oo Hassan Sheikh mudo macaariif ahaayeen. Madaxweynaha daarada maraya ayaa arkay, markaasu yidhi waar bal kaalay.

 

HSM: Gurigii Farmaajo ayaa hujuun siyaasadeed igu haya, waxa baraha bulshada laga leeyahay Farmaajo waa malag Soomaaliya loo soo diray, anigana tuug baa tahay ayaa la leeyahay, sidaan haddan ku socdo waan fashilkmayaaye maxaa talo ah? mida kale waa halkii C/laahi Daniye, ninkani dadka miyuu sixray.

 

Diinaari : arrimaha abaaraha iyo mishaarka Farmaajo ayaan isku xidhaynaa. Waxaan dalbanaynaa in Wasiiradii koowaad ee hore sida Khayre, Madaxweyne Shariif iyo adiguba aad  lacag jeebkiina  ah ugu deeqaan abaaraha. Idaacadaha iyo baraha bulshada ayaa laga baahinayaa. Farmaajo waxa la leeyahay, " Gurigu hakuu dambeeyee abaaraha ugu deeq mushaarkaaga . Qaadhaankana u leexi abaaraha.

 

HSM: waar ilayn aduunyada anagaa wax aragnay. Waxa aan isku wareejiyey dawacooyin iyo ay dibadeed raba wax ay qaniinaan. Waar Mr. Diinaariyoow waxaan kuu magacaabay la taliye aan la shaacin.

 

Shaahi ka dib dib ayaa la iskugu soo noqday. 

 

Qaybtii labaad way I dhaaftay. Madaama aan ahaa " A fly on the wall" waan baxay. Waan ka xumahay in aan idiin soo gudbiyo qeybtii labaad.

 

There were few guys in this page who always accuse me of inventing things, so for once, I decided to report this news while I was a fly on the wall of Villa-Somalia. 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

Galbeedi I sincerely advise you to seek treatment for your hallucinations ASAP, because what you are displaying through your posts is all the symptoms of extreme schizophrenia.

Talking to yourself as 2nd and 3rd person point of view is mental illness that needs to be addressed immediately with urgent medication.

 

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   
1 hour ago, Dalmar1 said:

Galbeedi I sincerely advise you to seek treatment for your hallucinations ASAP, because what you are displaying through your posts is all the symptoms of extreme schizophrenia.

Talking to yourself as 2nd and 3rd person point of view is mental illness that needs to be addressed immediately with urgent medication.

 

 

😂😂😂😂 Meesha Dalmar dhaqtarka kayahay waali baa taala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.