Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah

Recommended Posts

Rooboow trying to sell dalkugalkii xajka vy naming his brother and associates members of this unnecessary guddi. Why even have this guddi other than siphon lacag from poor xaj-goers.

Wasiir Roobow oo magacaabay Guddiga maamulaya Tartanka Adeega Xajka ee Sanadkan

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magacaabay Guddiga Tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023.

Guddigan ayaa kala saaraya, soona xulaya Shirkadaha la siinayo Qandaraaska inay Xajka geeyaan Xujeyda Soomaaliyeed oo lagu wado inay ka bataan 10,000 Xaaji.

Wareegto kasoo baxday Wasiir Roobow ayaa lagu magacabaay 9 xubnood oo ka shaqeynaya howshan, waxaana xoghaye looga dhigay Nin la dhashay wasiirka. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:

1 - Maxamed Haji Ibrahim Cali Xilka Gudoomiye

2 - Ibrahim Robow Cali Xogheyn

3- Shekh Cali Shekh Mahmuud (Sh Cali Dhere) Xubin

4 - Cabdinuur Macalin Maxamed Xubin

5 - Xaji Maxamed Kheyrow Aadan Xubin

6 - Xamdi Cabdirahmaan Ismaaciil Xubin

7- Aadam Sadiiq Maxamed Xubin

8 - Dr. Khadar Xaji Daahir Xubin

9 - Yuunis Cismaan Axmed Xubin

329989543_145728045065572_44557112129956

334590719_777104830708550_59331871306233

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhulkii dowladeed ayee dhacaayaan Xasan Socdaal iyo xirtiisa, just as they did in 2015 near garoonka Aaden Cadde.

Tallaabo ay qaaday DF oo xiisad cusub ka abuurtay Muqdisho

333482009_907158577263709_20746610888827

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo horleh oo shacabka deggan guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayo dhulkaasi kadib warqad kasoo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir oo amar siisay Taliska Booliska.

Maxkamadda ayaa Booliska gobolka Banaadir ku amartay in dadka laga saaro dhulkaasi oo dan guud ah, kuna yaallo xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

Ciidamada Booliska oo fulinaya amarka maxkamadda ayaa burburin ku bilaabay xaafadaas, waxaana la arkayay alaab dhulka daadsan iyo dadweyne qaylo dhaaminaya.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan iyo hadal heyn, waxaana kamid ah dadka falceiyay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo si weyn u dhaliilay dowladda federaalka.

“Dowladda waxay soo saartay AMAR ah in shacab dhan 3,200 (SADDEX KUN IYO LABBO BOQOL) oo qoys oo reer Buulo xuubeey ah si awood ah looga saarayo dhulka ay dagganyihiin. Dhulka ayaa ka billaabanaya Darbiga Hotel Jazeera gaar ahaan gurigii uu daganaa Hoggaamiyihii weynaa AUN Maxamed Qanyare Afrax, kuna tagaya biyo-dageenka Buulo xuubeeym” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray siyaasiga Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo kula taliyay inuu ka leexdo waddada dhul boobka, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqsi ahaan waxaan ku jiray dad badan oo aaminsanaa in maamulka Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka leexan doono waddadii hore loogu bartay ee boobka dhulka hantida guud ahaa. Madaxweyne sharaftaada ilaasho oo in magacaaga dalka lagu boobo iska diid shacabkana haloo turom” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga G/ Banaadir.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Sidii horay u dhacday dadka ka baxso ee dabaq ka dhiso waxaa laga dhaxlay natiijadii  Arbacadii, 08- February 2017.”

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Latest rumour is dhul dekedda Muqdisho leedahay, kuna yaalo isla meesha ayaa loo ooday Xasan Socdaal. Awal dhulkii garoonka diyaaradda Aaden Cadde ayuu qaatay sanadkii 2015 oo uu ka dhistay Convention Hall iyo banquet. I saw this hall myself in 2019 because you are forced to use it in order to board another forced bus transportation owned by Xasan Socdaal himself and family. Every passenger has to pay seven dollars (now it is ten) for a few yards xoog baad ah baska laguugu raacsiinaayo for 'security reasons' that was started a decade ago.

Tuugaan haddaanan la iska qaban dalka dhan waa wada xaraash.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No. The solution is very effing simple.  

Fck Mogadishu. It will never be a Somali capital. Just move everything to a federal government. Their shitty gravy train is over.  

This lot 'unukaa leh ' have all Somalis hhostage as long as the capital remains to be Mogadishu and is the center of everything,  literally.  

Let's see then if the land looted has the same value!

Besides,  there will be no more 'Maxamed ow soo bax' bs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.