Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah

Recommended Posts

Maya, Faroole qancis waaye plus after the reports of this week of 19 officials in Madaxtooyada, 16 waxee yihiin Xasan Sh. tolkiisa, waliba bar ka sii ah reerkiisa hoose. Waxaana ku jiro wiil uu abti u yahay iyo gabar uu adeer u yahay. Nepotism wey dhaaftay wixiisa. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

308019185_7962657373807298_9041234673449

Dabayaaqadii 2017 ayaan is barannay Caydaruus Macallin Xasan. Maalmahaas wuxuu baadigoob ugu jiray Wasiirkii Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo uu rabay in uu kala hadlo baahida uu dalku u qabo hay'ad ka shaqeyso tayadhawrka, uguna jeediyo qorshe uu ka soo diyaariyay, si loo hubiyo cuntooyinka iyo badeecdaha dalka iyo kuwa soo gelaya, oo aanan la kontoroolin 30 sano ka badan.

Wasiir Maareeye wuxuu Caydaruus u diray in uu si hordhac u soo diyaariyo sharciga lagu dhisayo hey'adda. Halgan dheer oo uu lafdhabar u ahaa iyo doodo uu Baarlamaanka su’aalo uga waydiiyay hindisaheeda kaddib, waxaa sharcigii laga ansixiyay labada gole ee Baarlamaanka, waxaana 2020kii lagu soo saaray digreeto Madaxweyne.

Labo sano oo uu si isxilqaan ah uga shaqeynayay dhismaha sharciyadda hay'addaas kaddib, ayuu Madaxweyne Farmaajo magacaabay maareerayaha hay'adda, iyo maareeye-ku-xigeenka oo uu Caydaruus u magacaabay.

Sidii uu dhismaha sharciyadda hay'adda lafdhabar ugu ahaa ayuu shaqadeedana udubdhexaad ugu noqday. Wuxuu ku guuleystay in hay'addii uu 4 sano ka hor ku riyoonayay ay maanta tahay mid madaxbannaan oo ay ka shaqeeyaan 40 qof ka badan, ayna xubin ka tahay Hay’adda Halbeegyada iyo Cabbirrada Islaamka ee SMIIC, Hay'adda Jaangoynta iyo Tayadhowrka Afrika ee ARSO iyo Hay’adda Tayadhawrka Aduunka ee ISO.

Nasiibxumo, waxaan maanta maqlay in xilkii laga qaaday Caydaruus Macallin, laguna beddelay gabar qurbaha ka timid oo uu qabo wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Dad badan oo aan aqaanno ayaana xilal laga qaaday, balse xil-ka-qaadista Caydaruus si gaar ah ayaan uga naxay, sidaas oo kale ayayna u damqisay qof kasta oo isu yaqaannay hay'addaas iyo kaalintii Aidarus Moallim ku lahaa aasaaskeeda iyo hirgelinteeda.

Maanta ayay hay'addaas ugu baahi badan tahay qof ay lexajeclo ka hayso masiirkeeda, oo leh aqoonta iyo khibradda ay u baahan tahay, shaqadeedana fahamsan. Caydaruusna waa qofka uga munaasabsan ee sabab u ahaa aasaaskeeda, xogogaalna u ah halka ay wax marayaan, lafdhabarna u ah shaqadeeda iyo in ay soo gaarto halka ay maanta joogto.

Cuuryaamin ayay ku tahay shaqada iyo mustaqbalka hay'addaas oo muhiim u ah caafimaadleenna ku tahay in qofkii lafdhabarka u ahaa laga doorto ruux xididnimo lagu keenay oo aan xogogaal u ahayn hay'addan oo ku jirta marxalad saldhigasho ah oo mudan tixgelin gaar ah.

- Xuseen Sabriye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabadha uu Xasan socdaal sodogga u yahay oo jago xoog lagu siiyey:

324076079_861892005021789_69163919249734

Inta jagooyinka iyo qandaraasyada la siiyey ka tirsan qoyska soke ee Xasan socdaal ee la ogyahay:

Labadiisa xaas

Laba la dhalatay

Sadex ka mid ah ilmihiisa

Laba uu adeer u yahay

Laba kale abti u yahay

Tanoo kale dowlad Soomaaliyeed waligeed kama dhicin. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

324346889_1770247500036074_2147698769505

323912075_873170843935255_54298774295067

324247976_717917869689986_79343356950939

Fadeexad xoog leh ayay dhexda ka taagan tahay Hay'adda Taya-Dhawrka Soomaaliyeed, ka dib markii Kuxigeenka Hay'addaas ay 01dii bishan Jan, ku dhiiratay magacaabida in ka badan 20 jago oo ay u magacowday, shaqsiyaad katirsan Qaraabada madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ganacsato ah oo ay shuraako ganacsi yihiin isla Madaxweyne Xassan Sheekh.

Sida ku cad waraaqaha magacaabida ayaa soo baxday 1dii bishan, iyadoo uusan dalka ka maqneyn Mareeyaha Hay'addan, oo is qabqabsi ka dib wasiirka Ganacsiga uu maanta sheegay in uu shaqo joojin ku sameeyey.

Kooxda Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa xooga saaraya tabcashada malaayiin dollar, si taas loo helana dhammaan ilaha mashaariicda ayay xooga saarayaan in ay saameyn ku yeeshaan, taas oo meesha ka saaraysa sheegada Villa Somalia, ee musuqmaasuq la dagaalan.

Sida aan tabiney 25-kii bishii September-2022-dii, Xaawo Axmed Xasan ayaa ka tirsan qoyska Madaxweynaha, una dhaxda wiilka Madaxweyne Xasan, iyadoo ujeedada loo keenay ahayd in ay madax ka noqoto la socodka mashaariicda Hay'adda Fayadhawrka soo marayey oo gaarayay Malaayiin Dollar.

Qaar kamid ah ganacsatada shuraakada ay wadagaan Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka shaqeynayay, sidii ay u heli lahaayeen Qandaraasyo Hay'addan yaala, taas oo ay dhabo kasta u mariyeen.

- Gayland Media

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.