Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah

Recommended Posts

23 dollars per kg in Mogadishu today.  

All of  it Hassan's wonderful work.  

Aboriginals of Australia was decimated by liquor,  Somalis by Qaat

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shurwac   

^^

This morning, 50 Containers of Bariis is already gone to Bakara Market. The UAE Amb actually said it was 100 containers. 

image.png.086e9055b0119336bb33a537fd921c8e.png

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

dowlad baryo tagtay, oo aan aqoon wixii ay soo tuugsadeen say u qeebsan lahaayeen, taaas wax ha ka sugin.

 

labada wasaarad ee cuntada isku qabsaday waa wasaradahii m00ryaanta. biliqaysi!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhulkii intii yareyd ku soo hartay garoonka Aaden Cadde in la bililiqeysto oo la dhisto la rabaa. Garoon degmo inay ka dhigaan rabaan, horaa dhulka garoonka baaxadka weynaa loo biliqeystay, Xasan Sh. ka mid ah dadkii bililiqeystay sanadkii 2014. Hool weyn ayuu ka dhistay oo hadda kulamada iyo aroosyada kagu qabsado, walaalkiisana maamulo.

Sidoo kale dhulka garoonka ganacsato Turkish ka gadeen oo hiteelka Decale ka dhistay.

Waana garoon aanan meelaha baabuurta la dhigto oo quman lahayn maadaama la bililiqeystay dhulalkaas. 

JAMHUURIYADDA-FEDERAALKA-1.png?resize=10

Share this post


Link to post
Share on other sites

What a failure. Jid yar la dhiso oo dhaqaalaha iyo dadka dhisaayo dowlado kale bixinaayo ayaa haddana amnigii yaraa la sugi kari la yahay. Again, what a failure.

Xamsa oo shaaciyey halis soo wajahday dhismaha laamiga Muqdisho iyo Jowhar

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyey xog cusub oo ku aadan dhismaha waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kaas oo uu hadda ku yimid hakad ballaaran.

Xamsa Cabdi Barre ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sababta wuxuu ku sheegay inay la xiriirto amniga waddadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in la dhaqaajin waayey dhismaha laamigaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halis uu ku jiro inuu gebi ahaan istaago mashruuca dhismaha waddadaas oo uu tilmaamay in laba jeer la soo cusbooneysiiyey, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda maalgelineyso ay dalbaday in laamiga inta harsan lagu dhiso Muqdisho.

“Balcad meeqay jirtaa? 28 KM meelahaas, Jidkaas hadda meeshaas ayuu ku istaagan yahay, Waana la dhaafin la’ yahay amni darrtiis,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan suuragal aheyn in amni darro darteed loo hakiyo isku socodka Muqdisho iyo Jowhar, loona qaato diyaarad.

“Suurtagalna ma ahan inaan Jowhar diyaarad u raacno, oo aynaan baabuurna raaci karin,’ ayuu sii raacuyey Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkaan ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ka sheegay munaasabad lagu taageerayey oo ay Beesha **** shalay ku qabatay magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Moooryaan askari markii laga dhigto tanoo kalaa dhacdo:

Wariye Cali: Askari ayaa i rasaaseeyey aniga oo duubaya dad u careysan 30 jir 30 milyan haysta

Weriye Cali Muxiyaddiin oo ka tirsan Caasimada Online ayaa waxaa rasaas si naxariis darro ah ugu furay askari ka tirsan ciidamada fadhiya bar kontorool oo ku taal isgoyska Sheelaro ee lagu baaro gaadiidka.

Askarigaasi ayaa wariye Cali Muxiyaddin kula kulmay degmada Xamarweyne xili uu muuqaal ka duubayay ganacsatada qaadka oo ka cabanayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuna dhow madaxtooyada Villa Somalia oo lagu eedeeyay sicir bararka qiimaha qaadka Miirowga ee Kenya.

Wariye Cali Muxiyaddiin ayaa haweenka qaadka ka ganacsada ka wareysanayay cabasho ay ka qabaan qaadka miirowga ee dhawaan Kenya loo fasaxay, waxayna sheegeen in xubno gacan saar la leh dowladda inay cunaha qabteen ganacsatada yar yar, iyagoo xusay Wasiirkii hore amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo rag kale oo madaxtooyada ka tirsan, waxayna ka codsadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintaan soo farageliyo.

Wariyaha ayaa weerarka lagu soo qaaday markii haweeney qaadlayaasha ka tirsan ay cod dheer ku tiri, “30 jir 30 milyan haysto hana nabadgeliyo masaakiinaa nahee, illaaheyna haka baqo,” waxaana markiiba kusoo cararay askari qaad ka iibsanayay goobta oo taagnaa haweeneyda hadleysay gadaasheeda, wuxuuna ku amray inuu muuqaalka damiyo isla markaana dir diro, isagoo ku cabanayay in muuqaalka isaga laga duubay oo kaamirada qabatay.

Askariga oo u muuqday labo arrin midkood oo ah inuu dhibsaday haweeneyda hadalka ay ku hadleysay ee 30 jir 30 milyan haysto ama in damcay kaamirada iyo taleefanka uu wariye Cali Muxiyaddiin gacanta ku haystay.

Dood dheer kadib askariga ayaa qorigii amaanka u furtay wuxuuna rasaas ku riday wariye Cali Muxiyaddiin, oo rasaastaasi alle ka badbaadiyay, dadkii goobta ku sugnaana ka argagaxay rasaastii lagu riday wariyaha, waxaana meeshii ka dhashay buuq iyo in askarigii laga celceliyo isagoo ku hanjabayay inuu dili doono wariyaha.

Askariga ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada booliska Haramcad ee fadhiya isgoyska Sheelaro, heyb ahaana ay isku dhow yihiin Wasiirkii hore amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo haweenka qaadleyda ay ku sheegeen 30 jir 30 milyan haysto.

Dhalinyaro goobta ku sugneyd ayaa askarigii ku qanciyay in la tirtirayo muuqaalka, waxaana wariyihii Caasimada Online laga qaaday kaamiradii oo iyo qalabkii uu wax ku duubayay, nasiib wanaag muuqaaladii Kaamirada duubtay ee laga tirtiray dib ayuu usoo celiyay Wariye Cali Muxiyaddiin, taasi oo ugu wacan aqoon aysan u laheyn kaamirada in dib loo soo celiyo muuqaaladii.

“Waa ayaandaro in askari ciidanka qaranka ka tirsan ee loo tababaray inuu ilaaliyo amniga muwaadinka iyo nabadgelyada in shacabkii uu rasaas ku rido, maalin walbana askari dowladda ka tirsan si macno daro u dilo dhalinyarada oo ah mustaqbalka dalka, wax cabsi ah ama is hortaag shaqadeyda uma keeni doonto falkaasi anshax darada ah ee foosha xun,” ayuu yiri Cali Muxiyaddin.

Falalka ay geysanayaan maalin walba askarta ka tirsan dowladda ee loogu talagalay inay ka shaqeeyaan amniga muwaadinka Soomaaliyeed, waxay beegsadaan dadka shacabka oo si macno daro ah u dilaan, waxayna ugu daran yihiin caddow shacabka laga ilaaliyo.

Maamulka Caasimada Online wuxuu dhanka kale cambaareynayaa isku daygaasi lagu dhibaateeyay wariye Ali Muxiyaddin oo ka tirsan howlwadeenada Caasimada Online, waxayna ugu baaqeysaa hay’addaha amniga in askarigaasi oo la garanayo muuqaalkiisana ku jira muuqaalka la duubay in sharciga la horkeeno laguna qaado ciqaabta uu mudan yahay si ay tusaale ugu noqoto kuwa kale ee dhibaatada shacabka iyo wariyeyaasha ku howlan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

M00ryaanta Xamar have apparently banned anyone from gathering in any hotel in the city for dissent. 

How quickly they fricking forget!

Why is this city still the capital of Somalis,  when clearly it is the village of a clan?

We're hostages. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.