Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah

Recommended Posts

Mahad Salaad ma alshabaab buu ku milmay.

 

maxaa isku aadiyay, HSM oo ethopia isku yara xumaadeen iyo alshaab oo ethopia weerartay, for the first time in over 6 years.

 

last time alshaab ethopia weeraraan waa wakhtigii HSM xukunka hayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labadii xaqdarro ku heshiisa xaaraan ee ku diriraan. 

Why is ra'iisul wasaare Xamse watching this idly? Why not magacaabid a useless guddi soo dhex galo/baaro arrimahaan as Rooblaawe Baahane ceaselessly used to do? War Xamse naf isgali, even ganacsatadaan daroogada ka ganacsado are hopeless about you, instead going to guddoomiye Aaden Madoobe.

___________________

Ganacsato shaacisay magacyada xubno siyaasiyiin ah ‘oo loo xiray’ qaadka Kenya

Guddiga Daladda Miiraa ee ganacsatada qaadka Kenya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Qaadka ka imaanaya Kenya u xirtay shakhsiyaad gaar ah, kuwaas oo magacyadooda ay carrabka ku dhufteen.

Gudoomiyaha guddiga ganacsatada ku bahowday ‘Daladda Qaadka Miiraa’ Qooje Maxamed ayaa yiri, “Waxaan ka cabanaynaa dad loo xiray qaadka Soomaaliya oo na hor boodaaya, kuwaas oo sheeganaya in ay dowladda naga xigaan, madaxweynaha aan jecelnahay waan u cabaneynaa, naga qabo dadkaas hororka ah.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragga ay ka cabanayaan ay doonayaan lacag dul saar ah, “Waxay na leeyihiin hadii lacag dul saar ah aanaan qaadan ma shaqeysaneysaan, ragaas waxaa ugu horeeya nin Cadnaan la yiraahdo, Liibaan Shuluq iyo qaar kaloo badan, waxaan dowladeena ka rabnaa inay dadkaas naga qabato,” ayuu yiri guddoomiye Qooje.

Gudoomiye ku xigeenka Dallada, Xasan Cabdi Maxamed oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo xildhibaano dowladda ka tirsan ay ku milmeen arrimaha qaadka, “iyagoo ka shaqeynaya in kiiladii ay $5 saartaan, wax la qaada karana maaha,” ayuu yiri.

Gudoomiye ku xigeenka Dalladaan ay ku mideysan yihiin ganacsatada qaadka ka keensata Kenya ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u cabaneynaa Madaxweynaha, waxaana ka cabaneynaa nin la yiraahdo Cadnaan oo na leh Madaxweynaha ayaa jeebkeyga ku jira hadaa qaadkaan ka ganacsaneysaan waa qasab inaad amarkeyga qaadataan.”

Sidoo kale Xasan Cabdi Maxamed wuxuu sheegay in ragga masuuliyiinta ah ee Qaadka Soomaaliya uga imaanaya Kenya lacagta ku soo rogay ay ka mid yihiin sii-hayaha xilka wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur.

Ganacsatadaan ayaa madaxweynaha ka codsatay inuu deg deg u soo faro geliyo arrintaan oo cabashadooda uu wax ka qabto, sidoo kale waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha ay u gudbiyeen cabashadooda, isla markaana ay ka rijeynayaan jawaab wanaagsan.

“Balantii naloo qabtay waxay aheed inta xukuumadda laga soo dhisaayo, balse intaan xukuumad lasoo dhisin waxaa soo baxay boob, sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka waan gaarsiinay, waxaan rajeyneynaa in cabashadeena wax laga qabto,” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Dallada Miiraa Xasan Cabdi Maxamed.

Xigasho: one of MBB's foremost advocates. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
44 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Why is ra'iisul wasaare Xamse watching this idly? Why not magacaabid a useless guddi soo dhex galo/baaro arrimahaan as Rooblaawe Baahane ceaselessly used to do? War Xamse naf isgali, even

hamsa will be the weakes PM ever, weaker than Ina abdirashiid iyo Saacid Hurdaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   
13 hours ago, Qurac&qansax said:

hamsa will be the weakes PM ever, weaker than Ina abdirashiid iyo Saacid Hurdaaye

Wee biloobmatay miyaa. hada ninku wali shaqadii muu biloowin oo cabinet musoo magacaabin. Wakhti siiya, perhaps he might surprise us.  

Share this post


Link to post
Share on other sites

Booqashadii Madaxweyne Xasan ee Tansaaniya,waxay ahayd qorshe lagu qarinayay kulan Shirkad Shidaal.

Sida la filayo,waxaa jiri doona heshiis qarsoodiya oo dhexmari doona Somaliya iyo Kenya oo ku saabsan Shidaal baaristaas Bilooyinka soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   
14 hours ago, Qurac&qansax said:

Booqashadii Madaxweyne Xasan ee Tansaaniya,waxay ahayd qorshe lagu qarinayay kulan Shirkad Shidaal.

Sida la filayo,waxaa jiri doona heshiis qarsoodiya oo dhexmari doona Somaliya iyo Kenya oo ku saabsan Shidaal baaristaas Bilooyinka soo socda.

All hearsay, we have nothing to attest that. But it would seem very unlikely that a newly elected President would start signing oil contracts without his cabinet or even having technical people in place to review any kind of agreement. Furthermore, Parliament and future governments could declare those agreements null and void. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 hours ago, Arafaat said:

All hearsay, we have nothing to attest that. But it would seem very unlikely that a newly elected President would start signing oil contracts without his cabinet or even having technical people in place to review any kind of agreement. Furthermore, Parliament and future governments could declare those agreements null and void. 

why would a new president without ministers go around the world, signing all these treaties? that sounds OK to you?

 You smart and knows how government work, from low ranking officers, ambassadors, to ministers, to finally President, it takes process,  ages to make deals happen, specially, President , can have a good intention, but unknowingly  cheated, or may  not have the skills to understand, (No leader fully understand every area of the government)  that is why you need skilled ministers that match every portfolio  , that can verify, check , study,  analyst pros and cons, Remember Sharif MOU with Kenya? Sharif had no clue, what it was about.

Some of trade deals/treaties  countries sign, takes years to reach top leader  to sign.

Odayga maradaa ka dhacsan, sida uu socdana , Wadadii Berigii hore uu  maray bu  cagta saarey, FAASHIL

Arafaat,  every Somali who cares about this country, should try to make inquiry, and odayga haloo caqli celiyo, Qalinkana hala ga qaado, wax uun buu iska saxiixi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

It seems Sheikh Aadan Madoobe can't read so Sacdiya is the leader these days.

70 days are passed since his election and no government in sight.

Will see , HSM is either have something big in his bag, or we are doomed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

HSM moving away Somali heshiis ah dunida la heshiis ah, by siding with Egypt and creating enemy with Ethiopia. Not even 2 months

It is officially now, Somali iib ah ifkana ka iib ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxay tahay halista cusub ee soo wajahday heshiiska Soomaaliya iyo Kenya?

Ayada oo uu todobaadkan dib u bilowday qaadka Miirowga ee ka yimaada dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxay caqabado horleh oo ku aadan heshiiska ay dhowaan gaareen madaxweynayaasha dalalka dariska ee Somalia iyo Kenya.

Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa soo saaray war cusub, kadib markii ay dib u billaabeen dhoofinta qaadka ay keenaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo shaaciyey walaac cusub oo soo wajahay ganacsigooda, waxayna illaa hadda keeneen ilaa 38 tan oo ah jaadka Miirowga ah, kadib labadii maalin ee lasoo dhaafay Isniintii iyo Talaadadii todobaadkan.

Guddiga beeraleyda jaadka Miirwoga waxay sheegeen in haatan ay la kulmeen dhibaatootin horleh, isla-markaana caqabad ku noqon kara heshiiska labada dal, ayaga oo shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay kordhisay lacagaha canshuuraha ee laga qaado qaadka Kenya.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka Kenya ayaa sheegay in haatan lacag dhan $15 kiiladii qaadka Miirowga lagu geeyo gudaha Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa mid qaali ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ayaa culeys ku keeneyso ganacsigooda, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kalena ay keenayso in aysan la tartami karin jaadka Itoobiya,.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay labada dowladood in ay ka wada-hadlaan arrintaan si aysan u waxyeeleyn heshiiska ganacsiga ee dhowaan lagu gaaray magaalada Niarobi.

Qaadka Kenya ayaa muddo ka xayirnaa gudaha Soomaaliya, kadib go’aan ay kasoo saartay dowladdii madaxweyne Farmaajo oo uu khilaaf kala dhexeeyey xukuumadda Nairobi.

Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xanuun badanaa tanoo kale. s0713.gif s0713.gif s0713.gif

Kenya oo afar maalin gudaheed dhoofinta Qaadka ka faa'iday ku dhawaad labo milyan oo dollar

Kenya ayaa dib u soo celinta dhoofinta Qaadka Mirowga ee Soomaaliya, waxay afar maalmood gudahood ka faa'iday 221 Milyan oo ah lacagta dalkeeda, taas oo u dhiganta $1,861,836.56.

Waa lacag u dhiganta ku dhawaad labo malyan oo dollar oo ay Kenya ka faa'iday ganacsigeeda Qaadka ee Soomaaliya, sida ay sheegtay madaxa Jaadka Mirowga iyo dalagyada kale ee Kenya.

Felix Mutwir, ayaa shaacisay in Kenya ay Muqdisho u dhoofisay 81.4 tan oo Miirow ah afar maalmood, kadib markii suuqa dib loo furay.

"Waxaan ilaa hadda dhoofinay 81.4 tan afartii maalmood ee la soo dhaafay, waxaanan filaynaa in xajmigu uu kordho maalmaha soo socda iyadoo dad badan loo fasaxay si ay badeecaddahooda dhoofiyaan," ayay tidhi.

Ganacsatada Kenya waxay halkii kiilo oo Jaad ah ku iibinayaan 2,734 oo ah lacagta dalkaas ah, taasoo ku dhawaad Sh238 ka yar qiimihii lagu iibin jiray ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya xirin ganacsiga Miirowga.

Kenya ayaa loolan dhanka suuqa ah kala kulmaysa Itoobiya oo ahayd suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii suuqa Nayroobi uu xirnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.